SHEEKADII FANAXLEEY
Fanaxley waxaa ma marsiiyey dalxiis aanay marna ku fekerayn. Habeen kastana waxaa loo casho geeyey meel middii hore kasii wacan. Meelaha lagu dalxiiso eek u yaal agagaarka Amboseli waxay u kala baratay sidii ay Beeraha lagu soo nasto ee Afgooye iyo Jannaale u kala taqaanney si ku dhow. Waxaana usii dheeraa inay hadda kala baratay xayawaanka duurjoogta ah oo dhulkaas aad ugu badnaa, oo habeenno iyo maalmo badan lagu soo daawadsiiyey baabuur hawshaas loogu talogalay oo dusha ka furan. Markii ay dhawr usbuuc kaga dhergeenna waxay uga sii gudbeen Xirmada Xayawaanka Duurjoogta ah ee Serengetti, oo ay marar badan ooh ore kusoo aragtay filimmo xayawaanka duurjoogta ah ku saabsan. Markii ay dalxiiskii soo dhammaysteen, waqti galabgaab ah ayay soo galeen magaalada Nairobi. Aad ayay labaduba u daallanaayeen. Rooraaye inta Fanaxley hoteelkii ku dejiyey ayuu horay kasii baxay si uu isaga geeyo baabuurka kirada ah, ugana wardoono hawlihiisii oo uu muddo ka maqnaa. Fanaxley inta qolkeedii gashay, oo dharkii iska beddeshey ayay sariirta isku kala bixisay. Waxay ka yara fakartey muddadii ay dalxiiska ku jireen, iyo meelihii layaabka lahaa ee ay soo mareen. Waxyaabihii ay soo sameeyeen iyo siduu u wanaagsanaa waqtigii ay soo qaateen. Runtii way kala weyneyd waxyaabaha ay ku fekeraysey inay soo samayn doonto markii ay Kenya soo aaddey. Waxkasta oo la fiicnaadase waxaa kala qiimo badnaa wiilkaan cusub oo nolosheeda kusoo biiray, ayna maalinba maalinta ka dambeysa soo jeclaanaysey muddadii ay maqnaayeen. Isagu inkastoo uu marar badan usoo sheegay inuu aad u jecel yahay haddana waxay la yaabbanayd xoogaa in aanu ka hadlin sida ay dalka ku joogi doonto iyo inuu guur ku talo jiro midna. Muddo ayay hoteelkii sii degganaayeen inkastoo Ordaaye marar badan aanu soo seexan jirin, oo uu ahaa nin hawlo badan magaalada ka leh, dad bandanna ballammo kala duwan la leh maalmo iyo habeenno badan. Markasta oo ay kulmaan wax kasta oo ay doonayso ayuu u samaynayey, wuxuuna u sheegayey inuu aad u jecel yahay laakiin mararka uu maqnaanayo ma aanay aqoon waxa uu ku maqan yahay iyo xataa in noloshiisa gabdho kale ku jiraan. Dhawr bilood markii ayan waxba hubin ayay inta habeen la ballantay, isu raaceen makhaayad weyn oo ay wada garanayeen. Waxay ku talo jirtey inay wax shaki ah jcaylka ay isu qabaan iyo mustaqbalkoodaba ka saarto oo ay si toos ah u weydiiso sida uu damacsan yahay. Laakiin intaanay ku bilaabin ayuu Ordaaye kala hormaray oo u sheegay inuu aad u jecel yahay oo uu aad u rabi lahaa in ayan Muqdisho ku laaban ee Nairobi la joogto oo ay guri wada degaan hoteelkana ay kasoo guurto hal usbuuc ka dib. Dib ayay isugu celisey wixii ay doonaysey, oo waxay isu sheegtay inayan degdegin maaddaama isaguba sidaas u fekerayo. Cashadii kaddib waxay soo wada fiirsadeen filim, kaddibna inta hoteelkeedii geeyey ayuu usheegay inuu garoonka diyaaradaha aadayo oo uu hawl ka leeyahay, oo uu berry u imaan doono. Markuu ka tegey way iska seexatay. Waqti habeen barkii ah ayay Fanaxley xanuunsatay. Ma jirin si ay ula xariiri karto maaddaama aanu meel mucayyin ah ku sugnayn. Dadkii hoteelka ka shaqaynayey ayaa xoogaa caawiyey. Subaxdii markii waagii baryey ayay u yeeratay taksi oo waxay aaddey dhakhtar gaar ah. Waxaa laga qaaday saamballo dhawr ah, daawana waa lasoo siiyey fudud, wuxuuna u sheegay inay soo laabato saddex casho ka bacdi. Rooraaye dhawrkii casho eek u xigay ma imaan hoteelka inkastoo Fanaxley xanuunsanayd, oo ay maqnaanshihiisa aad u dhibsanaysey. Markii saddexdii casho dhammaatay ayay ku laabatay dhakhtarkii. Cabbaar markay kusi ku fadhidey oo sugaysey ayuuna ugu yeeray qolkiisii. Wuxuu u sheegay inuu ka baqayey waxyaabo kale laakiin aanay wax cudur ah qabin laakiin ay uur toddoba usbuuc ah leedahay. Way naxday oo waxay ku noqotay sidii adduunkii lagu soo yareeyey oo kale. Lugaha ayay culays ka dareentay oo waxa ku adkaatay inay kursigii ka kacdo. Inta kasoo baxday dhakhtarkii, buugaag yaryar oo loogu talogalay dumarka uurka leh inay ka bartaan is-nafaqaynta, oo dhakhtarku soo siiyeyna qashin-qub bannaanka yaalley kusii daadisay ayay si degdeg ah taksi ugu sii raacay hoteelkeedii, dabadeedna bilawday inay qolka gudihiisa ku oydo. Waxaa kale oo u taalley in fiisada ay dalka ku joogtaa kasii dhammaanaysey, kordhin dambena u harsanayn, iyo inay tahay maalintii afraad oo Ordaaye maqan yahay, isagoo aan marna taleefan soo dirin. Waa Socotaa . . . Ha Moogaan Jimcaha Dambe . . .
Albaabka garaacistiisa ayaa toosisay Fanaxley. Inta soo kacday iyadoo weli qabta dharkii ay shalay galab dhakhtarka ku aaddey oo ay sariirta kula dul gama’day shalay markay oohintii ku daashey, ayay tartiib u furtay albaalka. Waxaa soo galay Rooraaye oo macawis xiran, ayna ka muuqato inuu xalay hoteelka seexday ee aanu meel dheerba ka imaan. ‘Gabdhaha hoteelkaa ii sheegay inaad maalmahaan xanuunsanayd xalay markii aan imid laakiin ma rabin inaan ku toosiyo oo waan iska seexdaye sidee tahay macaaney?’ ayuu ku salaamay inta sariirta dhainac kaga fariistay. Meel ay ka bilawdo jawaabta ayay xoogaa garan weydey. Ma eedaysaa . . . . Ma arrinta soo korortay bay u hormarisaa? Ma meeshuu intaas kaga maqnaa bay su’aashaa?. Waqti aad u gaaban ayay milyan talo oo kala duwani madaxeeda isugu yimaadeen. Markay ku yara wareertay ayay si aan caafimaad fiicani ka muuqan u tiri ‘Aad iyo aad baan u fiicnahay, laakiin maxaa ii weydiisey sida aan ahay sidii nin dan kaleh?’ Rooraaye oo xoogaa yaabban halka laga soo galayna aan wax fikrad ah ka haysan, laakiin isaga qaatay inay ka xanaaqsan tahay dhawrka casho oo uu maqnaa, soona wicin ayaa ugu jawaabey ‘Markii isugu keen dambeysey waxaad rumaysnayd in wax weyni inaka dhexeeyaan, ee yaa ina qasay dhawrkii beri oo aan maqnaa?, maad ii warranatid horta abbaayo’. Iyadoo aan wax waqti ah khasaarin ayay horay jawaabtii uga celisay oo tiri: ‘Abboowe cid kale magaalada kama aqaan, markii haddii cidi wax iga qastay, adiga uun buu noqon karaa’. Rooraaye wuu dareemay hadalka ku saabsan inay keligiis magaalada ka garanayso. Weli wax fikrad ah kama haysan waxa gaarka ku ah maanta, maadaama uu ogaa inayan ahayn markii ugu horraysey oo uu iska maqnaado isagoo aan waxba u sharxin. Laakiin wuxuu isaga badiyey inay tahay mid cusub oo ka mid ah xeeladaha aan la tirin karin ee dumarka, oo kolley ay hawl uun ku dhammaysanayso. Si uu ugaga dhegeysto meel ku habbonna, inta canka mac weyn ka siiyey ku yiri ‘Abbaayo hadda weli waad daallan tahay, aniguna shaqo yar baan garoonka Jomo Kenyatta kasoo kala tuurayaa, marka ka warran haddii aan maqribkii baarka hoose ee hoteelka kuugu imaado adigoo diyaar ah, oo aan caawa casho isu raacno?, waayo haddii kale adigoo aan waxba ii sharxin baad igu sii xanaaqaysaa!’. Fanaxley inta sidii ay qalbigiisa waxa ku jira akhriyayso indhaha cabbaar ka eegtay bay tiri: ‘Abboowe ma garanayo wax aan rumaysto iyo wax kale ee waa yahay lixda maqribnimo waxaan kugu sugayaa baarka’. Rooraaye markuu ka tegey Fanaxley walaacii iyo calool-xumadii ay booqashadii dhakhtarka kasoo qaadday ayaa dib ugu soo noqday. Fikirkeedii hore ee jacaylka ay Rooraaye u qabtey ku salaysnaana waxa beddeley dareen ah inay arrinta ku fududaatay oo ay ahayd inay is-ilaaliso. Wax caadiga aad uga fog weli kama aanay arag Rooraaye laakiin waxay garwaaqsanayd in inta badan nolosha, qaladaadka waaweyn ee qofku sameeyo cawaaqibkooda aan cayaar-cayaar looga baxsan, oo uu qofka ku sugo meel hore oo dariiqa qofku marayo ka mid ah. Marmar yar waa la arkaa shakhsiyaad nasiib badan oo ka badbaada cawaaqibka falalka ayan ka fiirsan laakiin inay iyadu ka mid tahay ma rumaysnayn, mana beenin karin waayo in ku filan kama ayan aqoon Rooraaye. Taas ayaana keentay, sida dadka badankoodaba ku dhacda, inay waqti xeero iyo qudde kala dhaceen, walaacdo oo garwaaqsato inay fududaatay. Markii la gaarey waqtigii ballanta ayay baarka hoteelka ku kulmeen, oo iska raaceen. Waxay tageen makhaayad weyn oo magaalada hoose ku taal aan aad uga fogayn hoteelka, oo Rooraaye yaqaanney kana cashaysiin jirey dad shaqooyin kala duwani ka dhexeeyaan. Waxay faariisteen meel dhinac ah oo iftiinku ku yar yahay. Fanaxley inkastoo ay rabtey inay waxyaalo badan kala caddayso oo si wacan u ogaaato waxa uu Rooraaye ka damacsan yahay, haddana caawa hal arrin ah ayaa liiskeeda ugu sarraysey, oo waxa uu ka oran doonaa uga dhignaayeen nolol iyo dhimasho midkood. Shukaansi ereyo jaceyl ah u badan iyo qaddarin ay sida saygeedii ugula dhaqmayso ayay intaa hoos kaga waddey oo ma aanay doonayn in Rooraaye arrinta ka boodo. Waxay rabtey in uu xanaaqeeda u arko in jaceylkeeda dartiis ay qaadan weydey inuu dhawr casho iska maqnaan karo isagoo aan lasoo hadlin iyo inay ka walaacsanayd inaan isaga wax kale ku dhicin. Qalbigase waxay kaga ducaysanaysey inaanu ku boodin markuu arrinta weyn maqlo, oo ay dhab ka ahayd hadalkii uu hore ugu sheegay oo ahaa inuu jecel yahay inay guri wada degaan, oo aanay Xamar ku laaban si ay u wada noolaadaan. Guri wada degaan?!. Marka ay dhadhansato ereyadiisii hore shaki yar baa macnaha uu ka wadey kasii gelayey. Waxay is-weydiinaysey sababtu uu ‘is-aroosid’ ama ‘guur’ u isticmaali waayey inta uu ka hadlayey hoteel ka guuris iyo guri wada degid. Markay cashadii bilaabeen ayaa Rooraaye ku yiri ‘Haye Fanaxley, warka soo daayoo ii kala dhigdhig sababaha aad igula dagaashay, mise markaad xoogaa xanuunsatay baad waxaad ka baqday inaad dhimatid innagoo aan is-arag?, aad baan xanuunkaaga uga xumahay abbaayo waadna ogtahay taas, laakiin maqnaanshahayga waxba lagama qaban karo waaya shaqadaydaa u baahan’. Fanaxley inta waxyar aammustay ayay ku tiri ‘ Rooraaye waad ogtahay in aanan hadda kahor kugula xanaaqin maqnaanshahaaga dartiis. Laakiin waxa jirta arrin muhiim inoo ah oo aan rabey inaan kula qaybsado, sidaan kuula sugayey arrintaas baan . . . . ma fahmeysaa abboowe. . . . baan iska xanaaqay.. . . markaan ku arkeyna waa kugula dhacay’ Rooraaye waxa macno u sameeyey ereyada ah ‘arrin muhiim ah’, laakiin wuxuu sugi la’aa inay sii faahfaahiso. ‘Arrin muhiim ah inoo ah’ miyaad tiri abbaayo?’ ayuu ka horgeeyey. ‘Haa sidaan aniga u qaatay waa arrin aniga iyo adigaba muhiim inoo ah’ ayay tiri. Rooraaye inta sii xujoobey, oo dhinac uu wax u qaado garan waayey ayuu Fanaxley ku yiri ‘Soo daa aan maqlee, arrimo muhiim ahi waayadaan imaba soo marine’. Fanaxley inta boorso yar oo ay sidatey furtay ayay ka soo saartay waraaqihii shaybaarka ee dhakhtarku soo siiyey shalay, iyagoo isku duubanna u dhiibtey. Rooraaye Isagoo u haysta inay waraaquhu yihiin biilalka hoteelka oo aanu dhawr beri bixin, ama wax fiisadeeda la xariira ayuu tartiib inta u kala furay akhriyey. Si fiican ayuu u fahmey arrinta ay ka hadlayso oo warqadaha ku qoran. Inta sidoodii isugu duuduubay oo u celiyey ayuu ku yiri ‘Waxaad tiri waa arrin labadeenna inoo muhiim ah; laakiin sheekada warqadda ku qorani waa arrin adiga muhiim kuu ah; aniga Rooraaye ah waxa muhiim ii ahaa welina ii ah waa adiga Fanaxley ah oo sidii aan isku barannay ah, war aad u cad sow ma aha abbaayo’. Fanaxley inta u qaadan weydey warka dhegeheedu maqlayaan, dhulkiina kusii yaraaday, ayay iyadoo ilmo labada dhabanba ka dareerayso waxaa afkeeda soo dhaafay ‘Rooraaye ma kaa dhabbaa abboowe . . . .maya dheh waan ku baryayaaye abboowe. . . . .maya dheh xataa halmar’ Intayan dhammayn hadalkiina inta qaadan weydey ayay xagga musqulaha oohin kula carartay. WAA SOCOTAA. . . . .. . . . . HA MOOGAAN JIMCAHA DAMBE
HADDII AAD DOONAYSO INAAD IIIBSATO DOMAIN SOMALI AH LA SOO XIRIIR MOGADISHUJOURNAL CIINWAANKA WEBMASTER@MOGADISHUJOURNAL.COM