default-logo

Rooraaye waqtigii uu Xamar ku noolaan jirey ee uu masuulka ka ahaa ganacsigii waalidkiis, sababta ugu weyn ee keentay in ganacsigaasi baabba’o waxay ahayd dumar. Wuxuu ahaa shabeel-naagood, aan la aammini karin, weligiisna saddex bilood oo xiriir ah lama socon hal gabar. Galabtana ma dayicin xirfaddaas uu xodxodashada gabdhaha iyo shukaansiga mariidka ah u lahaa. Laakiin isagoo waxyaabo badan oo dhammaantood isaga keliya dani ugu jirto eegaya ayuu Fanaxley oo aad u danaynaysa inay caawa magaalada hoose isu raacaan ku gacan sayray, isagoo cudurdaar ka dhiganaya in ay hawlo badani ka kala daadsan yihiin. Dabcan iyadu ma garanayn in ayan jirin mar aany Rooraaye hawlo ka kala firirsanayn, oo aanu dhawr iyo toban ballamood lahayn. Waqti ay maqribkii kusii dhowdahay ayay ku tiri “Abboowe ma ogid sida aan ugu faraxsanahay inaan kula kulmay! Waaba yaabbanaa waxaan islahaa caawa yaa magaalada kusoo tustusaya, oo ku kaxaynaya. Ma iga rumaysanaysaa toddobaadkii aan joogey hoteelka ma dhaafin, hal maalin ma ahee. Maalintiina waa lumay!.” “Maya abbaayo, kaama rumaysanayee is-hindiyaynta iga daa!, markii aad Xamar ka timidba sow hoteelkan bartamaha Nairobi ku yaal ma imaan, adigoo aan weligaa hore u arag” Rooraaye ayaa ku yiri Fanaxley isagoo wax baaraya, laakiin kaftan ula ekaysiinaya; wuxuuna inta aanay weli jawaabinba usii raaciyey “Anigaa runtii kaaga farxad badan is-araggeenna, laakiin ugu yaraan caawa, inaan kaa tago ayay noqonaysaa waayo hawlo badan baa iga kala daadsan oo ay tahay in caawa la kala tuuro.” “Kaa dhab miyaa hadda abboowe, oo ma caawa ima soo wareejinaysid?” ayay tiri iyadoo xoogaa uqaadanla’ in aanay is-raacayn.  Intaanu weli u jawaabin inta kursigii ka kacay, iyada gacan u fidiyey oo ku caawiyey inay soo istaagto ayuu yiri “Waan ka xumahay laakiin maxaan samayn karnaa haddii aan la shaqayn miyaa hoteelladan quruxda badan la degi karayaa Fanaxleeyey?” wuxuuna sii raaciyey “Laakiin markaan shaqooyinkan soo kala tuuro waa israacaynnaa, Nairobi iyo meelahaanna waqti isaga lumin maynnaa waxaa ku geynayaa meelahayga ii gaarka ah oo aanan weligey qof kaleba iska tusin”. Inkastoo xoogaa cabatayna way ka yeeshay inuu ka tago oo aan caawa la is arki karayn waxayna ku heshiiyeen inuu berry afarta galabnimo ugu yimaado hoteelka. Way isku dayday inay wax ka ogaato hawlaha badan ee uu ka hadlayo iyo waxa uu ka shaqeeyaba, laakiin taas meel kama gaarin, oo waa laga meermeeriyey.

Faxaxley, iyadoo ay saacado ka dhimman yihiin waqtigii ay Ordaaye ballansanaayeen ayay labbisatey oo inta hoos uga soo degtey dabaqa labaad oo ay hoteelka ka degganayd, waxay soo fariisatey jardiinadii dambe oo ay shalay ku kala tageen. Meelaha la yaabka leh ee magaalada ka baxsan, oo uu u sheegay inuu geynayo aad niyadda isagama gelin, oo waxay u haysatey sheeko-xariir uu kaga tegayey galabtii; waxayse sida lagu xanto dumarka quruxdooda ka warqaba, iska rumaysnayd inuu kolley imaanayo, oo aanu u goyn karayn. Markii ilaa nus-saac la dhaafay afartii galabnimo oo ahayd waqtigii ballanta, oo aanu weli  imaan, taleefanna soo dirinse waa yara shakiday, oo waxay bilawday inay ka fekerto sida Rooraaye ugula ekaa nin isku-kalsooni badan, wax badan, dad badan iyo meelo badanna yaqaan, oo aanay gabdhaha quruxda badani ka mid ahayn waxyaalaha noloshiisa ku yar. Waxay xasuusatay in galabtii ay isbarteen, mar uu si kaftan ah isugu xayeysiinayey uu ku yiri “Eastleigh iyo South-C islaamaha deggan tii aan gabadheeda weydiistaa waxaan hubaa inay mid suubbis ahna iigu dari lahayd”. Mar kale ayay saacadda eegtay. Afaran iyo shan daqiiqo ayaa la dhaafay waqtigii.

Iyadoo xoogaa niyad jabsan ayay inta kacday usoo dhaqaaqday dhinaca gudaha hoteelka. Way gashay iyadoo dhexda kusii salaantay gabar baarka ka shaqaysa oo Anne magaceeda la yiraahdo ayna hoteelka intay degganayd isbarteen oo marmar qolkeeda usoo sheeko doonata. Xoogaa bay hakatay oo waxay ku fekertay inay Anne weydiiso waxa ay ka ogtahay wiilkan ay shalay la dhacday, maadaama uu hoteelka macaamiil u yahay. Haddana waa iscelisay oo waxay isfahamsiisey in aany degdegin. Inta jaranjarada kor u fuushay, oo qolkeedii gashay ayay sariirta isku kala bixisay iyadoo sideedii u labbisan. Waxay jeclaysanaysey inay jiraan gabdho, sida saaxiibbadeedii Xamar ka mid ah oo inta wacdo ay ninkan madaxeeda xujada ku noqday wax ka weyddiin karto. Laakiin ma jiraan. Inta soo fariisatay ayay waxay isku qancisay inay Nairobi fasaxeeda ku shammaysan lahayd, kuna faraxsanaan lahayd awalba, iyadoo aan wiilkan aqoon, sidaas darteedna ay ka maarmi karayso , laakiin . . . haddana . . .laakiin wiil aad u fiican buu ahaa.. . . intayan weli waxba go’aansan ayaa waxaa dhacay taleefanka qolka. Waxaa la hadashay Anne; “haa . . . maya waxaan hubinayey inaad qolka joogtid waayo wiil baa kuu yimid, inuu qolka kuugu imaaduu rabaaye ma oggoshahay?”. “haa . . . Anna. . . aad ayaad u mahadsan tahaye u oggolow waan sugayaye.” Ayay  tiri. Waxyar kaddibna waxaa albaabka ay ka furtay Rooraaye oo xiran dharka kaakiga ah ee safaariga iyo kabo kuwa millateriga u eg oo ah kuwa loogu talogalay in jiqda iyo kaymaha lagu lagu shexmaro. Waxay isku dayday inay wax ka weydiiso sida uu u labbisan yahay laakiin Rooraaye waqti badanba ma siin ee wuxuu u sheegay inay si dhakhso ah usoo baxdo, ayna soo qaadato dharkeeda oo dhan iyo wixii ay u baahan doonto muddo maaddaama ay magaalada ka baxayaan.

Rooraaye, aad ayuu safarkan ugu soo talogalay. Waxa uu watay baabuur LandRover ah oo cusub oo uu kasoo kiraystey shirkad dadka dalxiisayaasha ah ka shaqaysata. Waqti maqribkii ah ayayna magaalada Nairobi uga baxeen dhinaca Koonfureed. waxaa uu shalay soo iibiyey dalxiis ay laba usbuuc ku joogi doonaan Amboseli Serena Lodge oo ku dhex yaalla Amboseli National Park oo 147Km koonfur ka xiga magaalada Nairobi. Waxa uu ku yaallaa salka buurta caanka ah, ee aadka u quruxda badan Kilimanjaro. Labada dhinac ee Kenya iyo Tanzaniyaba waa laga soo galaa. Markii ay ka durkeen magaalada Nairobi waxay noqotay inay tartiib socdaan waayo habeen gudcur ah ayay ahayd waxaana hadba kasoo horbaxayey xayawaan duurjoog ah oo maroodi, libaax, iyo ugaar kale isugu jira. Sida Rooraaye dhulka ay marayaan ugu kala tilmaamayana waxay Fanaxley ka fahmaysey in aanay ahayn markii ugu horraysey ee uu waddada maro.

 

Waa Socotaa ….. Lasoco Jimcaha dambe .
Reproduction For Online Reading
Solely Through: www.mogadishujournal.com    

Top
badamo_dalila ekis-viva