default-logo

Qaybta 4aad

Diirshe walaalkiis, Rooraaye waxa uu shantii sano ee ugu dambaysey ku noolaa xaafadda South C ee magaalada Nairobi. Waxa uu ahaa nin dad-dhexgal badan oo isla waagii uu yimidba si fudud ayuu magaalada ula qabsaday, afka Sawaaxiligana si fiican ayuu u bartay. Waxaa waqtigaas Nairobi imaan jirey shallinyaro badan oo doonaya inay dalalka dibedaha u safraan, gaar ahaan Kanada (Canada) oo markaas aad loogu yaacayey. Isagoo galgalkiisa ka faa’iidaysanaya ayuu Rooraaye wuxuu noqday mid ka mid ah laba wiil oo dhallinyarada dhoof doonka ahi aad iyo aad u raadiyaan, uguna horreeyey aqoonta ay u leeyahay siyaabaha kala duwan oo loo galo waddammada loo socdey markaas. Waxaana loo rumaysnaa inuu xiriir fiican oo wada-shaqaysi ah la lahaa rag badan oo madax ah, oo gegida dayuuradaha Jomo Kenyatta iyo Waaxda Socdaalka Kenya ka kala tirsan.

Waxaa soo geli jirey lacago fara badan oo dhallinyaradu u siinayeen si uu hawlahooda ugu fududeeyo. Waqti hawlaha laga sugayo iyo dadka uu lacagta ka hayo ku bateen ayuu maalin waxaa uu wacay Hotel Intercontinental oo ku yaalley magaalada hoose ee Nairobi, waxana uu ka kiraystay qol. Waa laga yaqaanney hotelka, oo wuxuu u ahaa meel dadka uu la shaqaysto kula ballamo kulana kulmo, dadka badan oo raadinayana kaga baxsado oo aan marna lagu ogaan inay rug labaad u tahay.

Waqti galab gaaban ah, isagoo inta hurdo kasoo kacay baarka shah ka cabbaya  ayaa waxaa kursi ku xigey soo fariisatay gabar Soomaali ah, oo aad dhallinyaro ugula ekayd, oo uu markii hore qalbiga isaga sheegay inay kolley tahay ardayad yar oo waalidkeed oo hoteelka deggan malaha la socotey. Haddana markuu arkay sida kalsoonida ah ee ay kelligeed baarka cabitaanka uga dalbanayso waa yara shakiyey oo wuxuu is yiri malaha.. .. oo war!…

“Iga raalli ahow haddaan qaldanahay laakiin Soomaali baad iila egtahay ee ma tahay” ayay ku weydiisay af-ingiriis.

“Haa waan ahay laakiin haddii aadba ii malaysay, maxaa afka qalaad iigula hadashay walaaley” Rooraaye ayaa ugu jawaabey, isagoo qalbiga kaga faraxsan inay hadal furtay.

“Waxaa abboowe af-ingiriiska iga keenay, waxaan dhawr jeer ku qaldamay dad inoo eg laakiin aan Soomaali ahayn, oo magaaldaan ka buuxa” Gabadhii baa ugu jawaabtey.

“Rooraaye, barasho wanaagsan, adiguna abbaayadiis?”  ayuu weydiiyey. Inta kursigeeda soo dhoweysatey oo si nuxur leh u gacan qaadday ayay tiri “Fanaxley, abboowe, laakiin maxay Biibaaye kuugu bixiyeen waaba ila deggan tahaye!” “Kaas adigaa hadda ii bixinaaya laakiin hore la iima oran jirin” ayuu u celiyey isagoo is-difaacaya. “Rooraaye iyo Biibaaye wax isma dhaamaan, laakiin ha iga xanaaqin kaftan bay iga ahayde” Fanaxley ayaa tiri.

Rooraaye inta kacay ayuu gabar baarka ka shaqaynayseyna u sheegay inay labada cabbitaan qolkiisa ku qorto ayuu Fanaxley ku yiri “Ma hoteelkaa ila deggan tahay abbaayo?”  “Maya abboowe hoteelka ma kula deggani laakiin waan degganahay?” Fanaxley baa u celisey iyadoo qosolna raacinaysa, iskana dhigaysa qof weli ka gacan sarraysa markay kaftan noqoto.

Isagoo hor socda ayay waxay usoo baxeen jardiinada dambe ee hotelka. Laba kursi oo geed hoostii yaalley ayana ku fariisteen. Waxay u sheegtay inay hal usbuuc oo keliya magaalada joogtey ka horna ay ka timid Xamar, oo ay markaas soo dhammaysay imtixaanaadkii fasalka afraad ee dugsiga sare. “Waxaan dhiganaayey Dugsiga Sare ee 15ka May, waana ku faraxsanahay in uu mar dhinac ii dhaafay” ayay tiri iyada oo aad mooddid inay muujinayso inay waqti ugu soo talo gashay magaalada Nairobi.

 

. . . . .  Waa Socotaa ….. Lasoco Jimcaha dambe – > – >                                                                                                                                          ©Said Farah 2012                                                                                                                                                                                                          Reproduction for online reading solely through                                                                                                 www.mogadishujournal.com

Top
wela-rolf@mailxu.com