default-logo

Qaybta 2aad

K

alkaalisadii dadka bukaan-socod-eegtada ah lambarrada u qaybinaysey, markay hawsheedii dhammaysatay ayay inta dariishaddii soo xirtay, albaab dambe oo xagga isbitaalka u furma kasii baxday. Muddo aan yarayn ayay shaqadaan soo haysey oo hadda khibrad fiican ayay u lahayd oo ma aanay doonayn in sidii waagii ay shaqada ku cusbayd, iyada iyo dadkaan ay lambarrada u qaybisayi qoorta isu galaan, oo isku buuqaan, markasta oo dhakhtarku  shaqadiisa waqtigeeda ku imaan waayo oo uu soo daaho ama soo raago. Intay lambarrada qaybinaysey ayay waxay isha ku xadday magacyada labada dhakhtar oo maanta dadkaan bukaan-socotada ah, arki doona. Labaduba waxay dhowaan meelo kala duwan oo magaalada ah ka furteen Rug Caafimaad oo midkasta isaga u gaar ah, oo uu kashaqaysto marka uu shaaqada dawladda dhammeeyo. Waqti aad u gaaban ayaa kasoo wareegey markii  ugu horreysey ee dalka laga oggolaaday in dhakhaatiirku furan karaan meel iyaga u gaar ah oo ay dadka ku daaweyn karayaan iyagoo lacag ka qaadanaya. Shacabka Soomaaliyeed oo caasimadda degganaa, oo u bartay daaweyn lacag la’aan ah iyo dhakhaatiir iyaga u heegganina arrintaas lama dhacsanayn. Bukaan-socotada isbitaallada kala duwan ee magaaladana xanaaqu foodda ayuu ka wada saarraa, oo waxaa ka wada guuxayey in dhakhaatiirku lacag-samayn usoo jeesteen, oo ay oggolaanshaha la siiyey si danaystenimo ah u isticmaalayaan, isbitaallada shacabkana ay u curyaaminayaan danta meelohooda gaarka ah. Culayska iyo buuqa dareenkan ka dhashaana inta badan waxa uu ku dhici jirey kuwa ugu horreeya oo ay dadka inta badan is arkaan oo ah kalkaaliyayaasha caafimaadka, oo kuwooda khibradda lihi aad u fahmeen isticmaalka albaabka dambe si ay u yareeyaan iska-horimaadkaas.

 

‘War meesha miyaan saaka shaqaba ka socon?’ Oday waayeel ah oo kamid ah dadka lambarrada ugu horreeya haysta ayaa yiri, waqti ilaa 30 daqiiqo ah la dhaafay waqtigii ay ahayd in uyeerista dadka la bilaabo, isagoo muujinaya inuu xoogaa meesha ku jactadey. “Adeer malaha warba ma haysid, yaaba weli isgaarey,war haddii ay duhurkii ina arkaan nasiib baan leennahay” nin kale oo odayga kasoo horjeedey, ayna ka muuqato inuu muddo dhakhaatiirta iyo isbitaallada ka daba laabanayey ayaa sii raaciyey.

“War nimankan aad dhakhatiirta ku sheegaysaan waa baad ogeydeen iyagoo dhakhaatiir ah, ee hadda waa ganacsato, ma nin ganacsade ah baa dukaan aan kiisa ahayn ka shaqaynaya?” Oday kale ayaa u yiri si runtii xanaaq ka muuqdo. Dadkuna hadda oo ay waqtigii ilaa 45 daqiiqo dhaaftay waxay bilaabay inay kacaan oo socsocdaan, oo raadiyaan kalkaaliyayaal ay wax weyddiiyaan. Si walbana waa u muujinayeen qanacsanaan la’aantooda.

   D

iirshe isagu dheg uma jalaqsiinayn waxa dadku samaynayaan, oo inkasta oo aanu ku faraxsanayn maqnaanshaha dhakhaatiirta haddana waxaa ka go’nayd in manta uu dhakhtar hor fariisto  xataa haddii ay maalinta oo dhan ku qaadanayso. Wuxuu isagu xoogaa isku eedyanayey in uu is-dayacay oo ay ahayd inuu hadda kahor isbitaalka imaado.

Waxay fadhiga isku xigeen gabar aad u yar, aadna u qurux badan oo sidata ilmo wiil ula ekaa isaga, oo uu islahaa malaha dhowr casho da’diisu kama weyna. Wuxuu kaloo qalbiga iska weydiinayey in gabadha yare e sidataa dhashay iyo in hooyadeed dhashay, waayo aad ayay ula yarayd da’deedu.

“Abbaayo ilmaha sidan u yar maxaad Digfeer kala soo doontay, maad Banaadir geysid?” Diirshee gabadhii oo ay intii hore isha uun iska eegayeen su’aaley. “Anigaa dhakhtarka u baahan abboowe ee canuggu uma baahno”  ayay ku tiri iyadoo aad u malaynaysid inay ku faraxday in wiilkan ay manta oo dhan is agfadhiyeen, ugu dambayntii la hadlay. Waxayna sii raacisay “waadse ku mahadsan tahay sida aad Xamar ii kala baraysid” iyadoo dhoollacaddaynaysa oo hadalka u tiri hab u eg sidii ay rabto inaan sheekadu xirmin ee ay sii socoto. “Hooyooyinka xataa in Banaadir lagu daweeyana aan kuugu sii daro” Diirshaa si kaftan ah ugu jawaabey. Inta si fiican indhaha uga eegtay iyadoo qosol yar ku dhex wadda hadalka ayay tiri “hooyo maan kuula ekahay waryaa?”. Isagoo aan su’aasheedii kaftanka ahayd waxba ka oran ayuu inta salaam gacanta usoo taagey yiri “Diirshe, isbarasho wanaagsan”. Iyaduna inta salaantii ka qabatay ayay u celisey “is-barasho wanaagsan abboowe, aniguna Fanaxley”. Ilmihii ayaa ku ooyey Fanaxley oo Diirshe aad sheekadeeda ula dhacsan yahay. Masaasad ay gacanta ku haysey ayey inta ku aammusisey kusoo jeensatey Diirshe, oo ku tiri “Walaalow lambarkaagu ma soo dhowyahay aan kaa beddeshee, waayo canuggaan ka baqayaa inuu oohin igu bilaabo”. Wuxuu tusay inuu haysto lambar 13. “Abboowe ii beddel anigu masoo dhowiye” Fanaxley baa tiri iyadoo usoo dhiibaysa keedii oo ahaa lambarka 17aad. Isla markiina waxaa loo yeeray qofkii lambarka uu Fanaxley siiyey ka horreeyey ee 12aad, oo ahaa nin oday ah oo keligiis meel dhinac ah iska fadhiyey, ayna ka muuqatay in uu dhakhtarka u baahan yahay. Muddo yar kaddibna waxaa loo yeeray lambarkii Fanaxley ka qaadatay Diirshe dabadeedna inta soo kacday oo canuggii Diirshe dhabta u saartay ayay tiri “Abboowe dhakhtarka ulama geli karee, wax yar aabbe iska sii dhig oo wiilka iisii hayn, hadduu ooyana masaasadda afka u geli oo la istaag” dabadeedna horay bay usii aaddey dhinaca qolalka dadka lagu arkayey iyadoo xoogaa degdegsan.

Diirshe weligiis ilmo sidaan u yar ma qaban, aad ayuuna u cabsanayey, wuxuuna ilmuhu la ahaa wax aad u jilicsan oo gacmihiisu dhaawac u geysan karayaan. Haddana waa dareen dadka ku abuuran oo si ayuu qalbiga uga jeclaysanayey aragtida , iyo taabashada wiilka aadka u yar.

W

aqti ilaa nus-saac kasoo wareegey markii ilmaha looga tegey ayaa waxaa loo yeeray lambarkii ku xigey kii uu Fanaxley siiyey oo ahaa 13, wiilkii yaraana waxa uu bilaabay in uu ku ooyo. Wuu la istaagey, oo la socsocday si uu u aammmusiyo, isagoo isleh malaha musqulahay gashay.

“Lambar shan iyo toban” ayaa wax yar kaddib waxaa ku dhawaaqday kalkaalisadii. Diirshe ayaa intii kalkaalisadii aanay noqon inta ku dhowaadey ku yiri “Abbaayo gabadhii lambar 12ka ahayd weli ma gudahay ku jirtaa?”. “Lambarrada dadka uun baan ugu yeerraa laakiin haddii la dhaafo lambarka ma xasuusan karno xataa qofkii uu ahaa” ayay ku tiri. Diirshe waa naxay, lugahaa qaboobey, meel uu wax u dhaqaajiyo iyo si uu u fekerana waa garan waayey. Wuxuu bilaabay inuu hadba dhinac ula cararo wiilka oo qoftii Fanaxley raadiyo. Markuu hadalkeedii xasuustana wuxuu is dhahaa maya taasi qoftii kama suurto geli karto. Marka uu ka fekero fudaydka ay gabadha isku barteen iyo sida sahalka ah ee ilmaha loogu dhiibeyna wuu is-ciil kaambiyaa oo wuxuu is dhahaa “maxaa iga qaldanaa ma doqon baan ahay”” maya, maya….. shaydaanka iska naar gabadhii meelahaanay kasoo bixi doontaaye” ayuu haddana ku xejiyaa.

 

 

. . . . .  Waa Socotaa ….. Lasoco Jimcaha dambe – > – >

©Said Farah 2012

Reproduction for online reading solely through:

 www.mogadishujournal

agpaoa-cherlyn@mailxu.com schoeneman-siobhan@mailxu.com