default-logo

Qisadii Fanaxley

 

Qaybta 1aad

          D

iirshe waxa uu degganaa xaafadda Xamar-Jadiid ee magaalada Muqdisho. Wuxuu qol irrid-bannaan ah kula noolaa oo ay wada kireysteen laba wiil oo saaxiibbadiis ah, ooay  sannadkii hore ee 1986dii wada dhammaysteen Dugsiga Sare. Labada wiil ee saaxiibbadiis ah oo Xasan iyo Naallaye la kala oran jirey guryohoodu kama fogayn halka ay qolka ka kiraysteen, oo aan sidaas uga fogayn baar dhallinyaro badani galabtii ka casariyayn jireen oo Hillaac Yare loo yiqiin.  Xasan iyo Naallaye midna reerkoodu kama raalli ahayn in ay guriga ka tagaan oo iskood meel u kiraystaan waayo inkastoo ay Dugsi Sare dhammaysteen, haddana weli waalidkoodu carruur ayay u arkayeen. Iyagu fikraddda ay iska rumaysnaayeen  dabcan sidaas waa ka fogayd. Diirshe xaaladdisu way ka yara duwanayd tan saaxiibbadiis, oo isagu, reer ka warhaya halka uu deggan yahay ama sida uu u nool yahay waxaa ugu dambaysey shan sano kahor markii hooyadiis iyo aabbihiis ganacsigoodii uu ka boodbootiyey oo dhaafiyey walaalkiis Rooraaye oo isaga hal sano ka weynaa, aanna weligiis lagu tilmaamin nin dhib yar. Arrintaas ayayna hooyadiis iyo aabbihiis isku af-dhaafeen, kuna kala tageen, gurigoodiina loo xaraashey. Hooyadiis waxay walaashiis ka yarayd la aaddey dhinaca gobollada dhexe, oo ay waagii horeba ka timid, aabbiihiisna waxa uu shaqo ka helay shirkad dhisaysey dekedda magaalada Kismaayo oo Archirodon Construction la oran jirey, oo inkastoo uu marmar waci jirey, aad war isagama hayn. Afartii sano oo uu Dugsiga Sare dhiganayeyna waxa uu la noolaa, oo ka warqabey wiilasha saaxiibbadiis ah oo ay hadda qolka wada deggan yihiin. Qaraabana waxaa ugu dhowaa islaan eeddadiis ah oo Duq Aamina la oran jirey  degganaydna magaalada Afgooye, oo markaas ka shaqaynaysey xafiiska Diiwaan-gelinta iyo Tirada Dadweynaha ee Dawladda Hoose, markii isugu dambaysey, dhowr sano kahorna u sheegtay in walaalkiis Rooraaye uu kasoo doontay, oo ay Afgooye uga samaysay Warqadda Aqoonsiga iyo araaji badan oo kale oo uu ku codsanayey baasaboor, laakiin aanu ka hadlin oo duqda u sheegin halka uu doonayey in uu u socdaalo.

     D

iirshe inta badan subaxdii hurdada kuma daahi jirin. Waxa uu aad u dareensanaa in dulsaarnimadiisu xoogaa culays ku tahay wiilasha saaxiibbadiis ah oo ay tahay in uu wax uun raga kusoo kordhiyo. Inta bandanna waxa uu aadi jirey Suuqa Weyn ee Bakaaraha, oo uu marmar dad lacago u kala sarrifi jirey, marmarna niman bakhaarley ah, oo ay sarrifle-nimada isku barteen iska caawin jirey. Marar badan wax uun buu kala soo noqon jirey, qadadiisaba ha ahaatee. Maalintii aanu suuqa wax shaqo ah ka rajeynaynna waxa uu saaxiibbadiis u raaci jirey meel dhallinyarada dhoofku madaxa kaga jiraa ku kala war qaadan jireen, oo ku taalley gadaasha Hotel Shabeelle  loona yaqaanney Jiirada Shabeelle. Bar-kulameedkaasi waxay kasoo horjeeddey dukaankii caanka ahaa ee Samatar Bookshop. Waxaa maalin walba Jiirada Shabeelle la keeni jirey warar ku saabsan layman ama khadad cusub oo furmay iyo dalalka lagu gelayo, kuwo furnaa oo xirmay, dhallinyaro baxday iyo halkay mareen iyo kuwo lasoo celiyey ama waddan ay sii marayeen lagu qabtay. Waxaa kaloo lagaga wada hadli jirey baasaboorrada socda iyo kuwa kashifmay iyo raga sawir-beddelista iyo tiimbare samaynta ugu khatarsan, lagamana waayi jirin dhallinyaro dal Yurub kammid ah laga soo celiyey oo sidaas mardhoof ku noqday, oo aan maalmahaas laga daba hadli karin khibraddooda awgeed.Wax dhoof ku saabsan oo aan warkoodu Jiirada Shabeelle imaani ma jirin.

s

aaka oo ay tahay subax Sabti ah, Diirshe waxa uu hurdada kasoo kacay waqti aad uga horreeya waqtigiisii caadiga ahaa, oo aan weli iftiinkii waagu soo muuqan. Uma qorshaysnayn inuu aado Suuqa Bakaaraha iyo Jiirada Shabeelle midna. Markuu qubaystey oo labbistayna, isaga oo weli ka taxaddaraya in aanu saaxiibbadiis toosin, ayuu albaabkii qolka inta si tartiib ah usoo riixay, ganjeelladii horena tartiib isaga furay, kusoo dhacay jid-bacaadka yar oo guriga hor mara. Markuu waddadii xoogaa dhinaca jidka weyn ee soddonka usoo raacay, ayuu yara hakaday waayo aad bay mugdi ugula ekaatay, laakiin wuxuu xasuustay inaan isbitaalkii Digfeer dhowayn iyo in caajisku dhawr jeer ooh hore ka baajiyey inuu dhakhtar arko. Horay inta tallaabada kasoo boobay ayuu waxyar kaddib kusoo dhacay jidkii weynaa ee soddonka, oo uu dhinaca bidixda u raacay. Illaa uu ka gaarey nalalkii layaabka lahaa ee Carwo Itko wuu shaki sanaa oo wuxuu islahaa armaad isbitaalkii gaartaa iyadoo aan weli bukaan-socod-eegtada la furin waayo wax dhaqaaqaa weli jidka masoo marin marka laga reebo  dhawr iskarrogo oo dhagaxle ah, hal N3 oo bal sida oo isleh ka faa’iidayso intaan taraafikadu kugu soo kicin, iyo dabcan sabaaxyo gobollada fogfog u raran. Markuu Carwo Itko yara dhaafayse wuxuu arkay tagaasidii Baar Ubax oo shaqadii bilaabay, basaskii koostarrada  (coaster) ahaa iyo caasigii oo yaacaya. Tallaabada ayuu hoos kasii boobay waayo baabuurtaasi wax faa’iido ah uma lahayn maaddaama aanay jirin wax basas ah oo ka dhex shaqeeya Isbitaalka Digfeer iyo Xamar-Jadiid oo jidka soddonka koonfur u raacayaa. Waxa si xoog leh uga hor imaanaysey dabaysha bacaadka wadata oo bisha Jannaayo ka dhacda magaalada. Xanuunka uu Isbitaalka ugu socdaa ma ahayn mid saamaynaya socodkiisa. Habeenkii markuu seexdo ayay cuntadu ku keenaysey laabjeex aad u xanuun badan oo keenay in uu canbuuladii iyo muufadii uu jeclaaba ka cararo. Saaxiibbadiisna waxay kula taliyeen in laga yaabo inuu qabo Alsarka caloosha, oo magaalada faro ba’an ku hayey. Wuxuu ganjeellada Isbitaalka  Digfeer soo gaarey iyadoo aan weli waagii si fiican u baryin. “War Salaamu Caleykum” Nin Diirshe garab socdey oo oo isna Isbitaalka soo gelayey  ayaa ku salaamay nin aad caato u ahaa oo kursi ku fadhiyey qolka waardiyayaasha hortiisa, kuna labbisan dharkii Ciidanka Guulwadayaasha. “War waxba ha na salaamine maxaa kuu daran” ayuu si aan naxariis lahayn u yiri Guulwadihii. Diirshe ma dhexgelin arrinta,  lamana yaabin waayo ilaa waagii uu caqlisaday waa necbaa guulwadayaasha. Shaqada ay qabtaanna wuxuu u arkayey mid loogu talagalay in dadweynaha lagu ciqaabo. Wuxuu arki jirey waagii uu yaraa, oo reerkoodu ganacsiga haystey, iyagoo hooyadii ku qasbaya inay ganacsigeeda xirto, oo Laanta ama Hanuuninta degdeg ku timaaddo, markay ku calaacasho inay carruur haysatana waxay oran jireen “annaga carruurtaada waxba nagama geline Laanta hadda kaalay ama waad xiran tahay oo ….” Taas Diirshe weligiis ma illaawin waxaana usii dheeraa inuu dharka ay Guulwadayaashu xirtaan aad iyo aad u necbaa .Surwaal kaaki ah, shaati cagaaran, koofiyad cagaaran iyo qoorxir guduudan  iyo weliba kabo milleteri. Nacaybka labbiskaas keligiis kuma ahayn. Xataa ciidammada kale ee booliska iyo xoogguba waa necbaayeen. “War shacabka ha la dagaallamine si wanaagsan ula hadal”  Nin kale oo isaguna meesha  marayey oo dharka shacabka xiran ayaa ku yiri Guulwadihii. Isaga oo sida eyga u ciyaya, siiri iyo qaylana isku daraya ayuu inta ninkii kusoo boodey, oo isaga iyo shan guulwade oo kale ku degeen lagu yiri “Jaalle adiga naftaadaan dacwad kuu qabnaa ee ha dhaqaaqin”. Ninkii inta si deggan u istaagey, ayuu isagoo dhoolla caddaynaya yiri “ Haddaan iri shacabka si edeb leh ha loola hadlo guulwadow ma anigaa sida yeyda igu degaysaan?”  Diirshe ma doonayn in marna isaga iyo Guulwade wax dhex maraan. Inta tallaabada hoos ka xaday ayuu ka dhex dusey iyagoo weli ninkii qoorta isugu jira. Wax yar kaddib wuxuu soo gaarey Bukaan-socod-eegtadii, oo markaas laga bilaabay qaybintii lambarrada. Inkasta oo uu waqti ay weli mugdi tahay gurigiisii ka yimidna waxa weli ka hormartay 12 qof oo wuxuu helay lambarka 13aad. Kuraastii dhakhtarka lagu sugayey ayuu iska fariistay, iyadoo maskaxdiisa weli Guulwadayaashii ka qaylinayaan.

. . . . .  Waa Socotaa ….. Lasoco Jimcaha dambe – > – >

© Qoraaga Weyn ..Said Farah  2012 (Saciid Soomaali)

Reproduction for online reading solely through:  

WWW.MogadishuJournal.com     Send Comment    Mogadishujournal@gmail.com

Top
sau