default-logo

     pplll

       Soomaaliya Waxey shisheeyuhu ka leeyihiin dano ay hiigsanayaan wakhtiga dheer, kuwaas oo u baahan dhaqanrog bulsho ama dhalanrog. Warbixinada ay reebeen wadamadii soo gumeystey dhulalka Soomaalida iyo kuwii ka dambeeyey oo mabda’yadooda sida dadban dalka ugu heystey waxey muujineysa in Soomaalidu ay yihiin dad dhaqankooda ay ku adag tahay iney jiraan wax dabra, naftoodana ay u fududahay iney u huraan difaaca qabiilkooda, diintooda, degaankooda, iyo madaxbanaanida dalkooda.

Dhaqanka reer guuranimada oo ay Soomaalidu ka dhaxashay xeerarka ay ku dhaqmaan ayaa qiimeyn weyn ku leh madaxbanaani aan xadidneyn iyo islaweyni qowmiyadeed, dhaqankaas wuxuu sababay in Soomaalidii hore aysan cidna meel ugu xirneyn, xiriiro u xirana uusan u maqneyn, siyaasadooduna aysan lahyn aragti iyo fikir ku dhisan mabda’ oo ay salka ku hayso, wixii ka horyimaadana ay jecel yihiin iney ka guuraan. Haddii khilaaf yimaado waa in la kala guuro, haddii xiriirku xumaado waa in la kala tago, haddii caqabad ay ka hortimaado siyaasada lagu hogaaminayo dalka waa in loo guuro hanaan cusub oo xiiso loo qabo. Geeljiraha waxaa lagu dhaliila in maskaxdiisu ay ku xoog badan tahay xeelada uu uga wareegan karo dhibaatooyinka ka hor yimaada isaga oo adeegsanaya dhibaatada xalinteeda inuusan dadaal ku dhumin laakiin si sahala u dhinac maro ugana guuro meel uga dhib yar.

 

Soomaalidu wax badan lama wadaagto degaanka ay ku taalo iyo shucuubta ku nool sida Afrika, Carabta iyo kuwa Asiya oo ay wadaagaan badweynta Indiya. Shucuubtaas waxey u nugul yihiin awooda ka jirta addunka dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasada. Nin reer waqooyiya oo gabyaa ah ayaa horay u yir”London baa gubaneysa iyo Paris ayaa la duqeeyey aniga maxaa iga gidhiisha”. Wadan kasta ee jira adduunka wuxuu ku tiirsan yahay wadan kale oo dano dhaqaale iyo mid siyaasadeed ay isaga xiran yihiin, waxeyna sidaas uga nabadgalaan sharta ama ay xulafo ku noqdaan qeybsiga kheyraadka dalalkooda.

Wadankii meel cidlo ah taagan oo aan xeelad siyaasadeed ku sameysan xiriir sokeeye ama aan lahayn kheyraad irmaan oo lala wadaago wuxuu halis ugu jiraa in la xalaaleysto lahaanshihiisa. Soomaaliya wax hiilo ah kuma heleyso Afrikaanimo, Islaanimo, iyo Carabnimo, taasna waxey Soomaalidu kaga qanceen dhibka xanuunka badan oo ay ka soo mareen burburkii ku dhacay qarankooda iyo tixgelinxumada ay kala kulmeen wadamada ay u heysteen sokeeyaha.

 

Soomaaliya waxey horay uga xarig furatay Talyaaniga, Ingriiska, Mareykanka, iyo Ruushka oo dhamaantood si qaawan ku doonayey iney ku gaaraan danahooda istraatijiyadeed, Dhaqaale iyo mabda’yadooda siyaasadeed. Siyaasadaha wadamadaas shisheeyaha marna kuma jirin wax ka badan madax-salaaxid iyo hoosaasin, meesha Soomaalidu ay hamineysey in madaxbanaanideeda aysan gacan shisheeye taladeedu ku xirnaan. Waxey kaloo Soomaalidii hore ku adkeyd in danaha Soomaalida wax ka qabadkeeda lagu qiimeeyo iskaashiga shisheeyaha iyo gaarista danahooda. Wadamadaas iyo kuwo kale oo cusub waxaa u muuqatay Soomaaliya iney degaan wanaagsan ku taalo, dadkeeduna yaryahay, laakiin waxaa hortaagan dhaqanka Soomaalida oo salka ku haya degenaasho la’aan, reer guuraanimo, dagaal jaceylka, iyo islaweynida aan salka ku hayn iskaashiga iyo aragtida qiimaha wanaagsan. Wadamadaas reer Yurub waxey heshiis ku yihiin wadan walba inuu xoolihiisa ilaashado oo uu dabrado, ciddii aan dabraneyn ama aan lahyn wax xakamadeysta iney ka dhexeyso oo laga heshiiyo hab-dhaqankii loo qeybsan lahaa ama loo laylin lahaa si loogu bisleeyo iney si asluubeysan ugu rukuucaan wixii loogu taliyo.

 

Gumeystihii Yurub wuxuu qeybiyey Soomaaliya, go’aankaasna waxaa lagu gaarey heshiis aad looga fiirsaday, waxeyna keentay taas in reer Yurub ay caqligooda iyo xoogooda ku bartilmaameystaan qeybinta Soomaalida, hal meelna ay ka istaagaan ineysan taladaas ka noqosho lahayn. Soomaaliya markaas waxey qarka u saarneyd sida Palestine iyo Kurdish in jiritaanka dalkeeda mugdi la geliyo, waxaana dhagartaas Soomaalida ka badbaadisey Yurub oo ku qeybsantay habdhaqankii ay u wadaagi lahayd dunida inteeda kale iyo fikradihii isdiidanaa ee ka curtay bariga iyo galbeedka Yurub, kuwaas oo horseeday dagaalo ay ku qeybsameen iyo cadaawad gaamurtey oo ka dhex dilaacday. Sidaas oo ay tahay dhibaatada loo qabey Soomaalida in lagu fuliyo ciqaabteeda marna isma bedelin iney isdhinto mooyaane.

Soomaalida waxaa dalalka Yurub ka horkeenay waa isdiidkii kala dhexeeyey boqortooyada Xabashida oo ka dhaadhicisay wadamadaas in Soomaalidu ay qeyb ka tahay boqortooyadooda, ayna shacabkaas diidan yihiin xukunka masiixiyada oo ay ku dhaqmeyso boqortooyadu. Xodxodoshada Itoobiya waxey abuurtay Yurub iney cadaawad u qaadaan Soomaalida inta aan la soo gaarin xiliga gumeysiga, dareenkaas oo aysan la wadaagin wadamada kale ee muslimiinta.

Qarnigii 12aad wixii ka dambeeyey oo ah marka awooda muslimiinta laga soo  jebiyey qaarada Yurub waxaa hiilada Yurub oo diinta salka ku hayey horkacayey Greece iyo Talyaaniga oo ay ku taaley xaruunta ugu weyn diintooda. Xiligaas Soomaaliya waxey ka taagneyd  siyaasadaYurub maanta meesha ay ka joogto Palestine oo 1948 wixii ka dambeeyey bilowday naceybka ka dhexeeya Yurub iyo Carabta, waxeyna Yurub hiiladeeda ku garab taagan tahay Israel oo beri hore ku dhexmilantay, lana wadaagta dhaqan iyo dhiig. Mashkilada ka dhextaagneyd Soomaaliya iyo Itoobiya xiligaas waxey ahayd dhibaatada ugu weyn ee Yurub ka heysatey siyaasada dibeda ee dunida markaas jirtey.

 

Dagaalkii lagu qaaday Mareykanka 2001 oo ay horkacayeen kooxihii mitidiinta ahayd ayaa mar kale indhaha caalamka ku soo jeediyey Soomaaliya oo khatarta xagjirnimada oo leh aragti diimeed ay ku soo hoobatay dhinaca Soomaalida, taasna waxey keentay wadamada deriska, kuwa adduunka ugu awooda badan, iyo kuwa kheyraadka dabeeciga dhaqaalaha badan ku heysta oo doonaya wixii shara in looga leexiyo Soomaaliya iney heshiis ku noqdeen iney noqoto Soomaaliya geyi ay gacanta ku hayso UNka inta la isla helayo danaha lagu wadaagayo heshiiska talo mideysan looga qaadanayo.

Taas waxey saadaalineysa Soomaaliya iney dib ugu noqoto Talo wadaagii reer Yurub ay gaareen1884 oo hadda aragtidoodu midowdey, dano badana isaga soo dhowaadey. Itoobiya iyo Kenya midna ma maareyn karo khatarta ka taagan Soomaaliya, waxeyna cabsi badan ka qabaan iney tooda ku weynayaan haddii xaalada ka jirta Soomaaliya ay sii socoto ama ku darsadaan dalalkooda, waxeyna habraaceen tusmada wadamada carabta oo garwaaqsatay Soomaaliya iney tagtay  oo ay af nibiri ku socoto oo aysan iyaga maran. Midowga Yurub oo wadaaga barwaaqo-sooran gaashaandhig, dhaqaale, iyo diblomaasinimo siyaasadeed ayaa maareyn u heli kara sidii Soomaaliya looga saari lahaa bada ay ku hirqaneyso, taas oo u baahan in la curiyo Soomali cusub oo la jaanqaadi karta hindisaha qorsheysan ee ka socda dunida maanta oo meelmarintiisa ay hormuudka ka yihiin midowga Yurub.

 

Hogaamiyihii milateriga ee Kacaanka Oktoobar(AUN) ayaa Beerdulucsi iyo beerlaxawsi kala dhamaan waayey Madaxweynihii Mareykanka ee 1978, wuxuuna uga cawday Ruushka iyo huwantiisa iney rabaan Soomaalida iney badda ku shubaan oo Itoobiya ay la meelmariyaan istraatijiyadeeda ku aadan Geeska Afrika, markii cabashada ay ka dhamaan weysey ayaa madaxweynaha Mareykanka wuxuu hogaamiyaha Kacaanka u sheegay runta oo ah in Ruushka iyo Mareykanka ay heshiis ku yihiin ineysan ka hiilin Itoobiya, diyaarna aysan u ahayn iney bixiyaan hub iyo dhaqaale soo celin karta cududa ciidanka Soomaalida.

Waxaana hoosta laga geliyey in sideed sanno loo adkeysanayey, markoodana looga baahan yahay iney adkeystaan sideed bilood oo keliya. Heshiiska labada quwadood ay ku mideysnayeen ayaa horseed u ahaa hogaankii Kacaanka in la mariyo jabkii uu u geystey Itoobiya mid la mida oo xooga dalka awoodiisa ciidan lagu bartilmaamedsanayo.

 

Itoobiya hadda ka hor ayey Talyaaniga uga adkaatey dhinaca siyaasada kadib markii talyaanigu 1935 uu ka cirdeeyey Itoobiya boqorkii ka talinayey taas oo sababtay in Mareykanka uu awood u sheegto Talyaaniga si loo soo celiyo boqorka iyo maamulka boqortooyada Itoobiya. Dagaalkii 2aad ee addunka kadib, Talyaaniga waxaa gacan ku siiyey Mareykanka in uu dib ugu soo laabto wadamadii uu horay u gumeysanayey sida Soomaaliya. Talyaanigu wuxuu ahaa wadanka keliya oo inta looga adkaaday dagaalkii 2aad ee dunida haddana dib ugu soo noqday saamigii uu ku lahaa qeybsisaga wadamada la gumeysanayey. Raaligelinta loo sameeyey Talyaaniga macnaheedu waxey ahayd inuusan baalmarin naceybka salka ku haya diinta ee wadamada Yurub ay u qabaan Soomaaliya iyo in la xasuusiyo mudnaanta lagu soo celiyey iney qeyb ka ahayd saldhiga uu u yahay diinta masiixiga.

Inkasto Midowga Yurub uu ka guurayo ku dhaqanka diimaha, haddana fikradaha diintooda ayaa saldhig u ah qiimaha dhaqanka bulshadooda. Haddii xataa laga badbaado dibindaabyada diinta, waxaan laga samatobaxeyn dhagarta dabataal hogaandiidmada Soomaalida ka heysta hayiin u noqoshada danaha Midowga Yurub. Soomaalidii hore oo ciil lagu caraabiyey iyo kuwo cusub oo maanta isku diyaarinaya isbedelka ayaan waxba isdoorin, waxeyna u kala dambeeyaan waa iney dhaxalaan dhegoxumo aysan awoodin iney ka dhiidhin karaan.

 

Dhibaatada lala damacsanaa xagjirnimada diinta waxey ku soo biyo shubatay Soomaaliya, waxaana talada siyaasada reer Yurub haysata afar kala daran iney labo u dooraan Soomaalida, labana ka suuliyaan. Tan ugu daran waa halganka hubeysan oo ay horkacayaan wadaadada dariiqooyinka diinta, kuwaas oo loo cuskanayo ineysan rabin wanaaga Islaanimada, dowladnimada, iyo danwadaaga oo aysan midna u jeheysneyn. Tan xigta waa ciidan Soomaaliyeed oo cududiisu xoogan tahay, hogaankiisana ay hayaan wadaniyiin daacada oo ay run ka tahay dhaarta ay u galeen difaaca dalkooda. Taas waxey u heystaan qiil lama hilmaamaan ah oo uu falay hogaamiyihii Kacaanka Barakeysnaa oo wadamada deriska ay isku maandhaafeen tabagelinta xeerka caalamku ku aqoonsaday shucuubta dulman xaqa ay u leeyahiin aayokatalintooda.Waxey tani dhaqangelineysaa in Soomaaliya loola dhaqmo, loona adeegsado xeerkii caalamku kula dhaqmay wadamadii looga adkaaday dagaaladii waaweynaa ee addunka ka dhacay , kuwaas oo sabab u noqday wadamadaas iney ku waayaan dhulal iyo madaxbanaanidooda inta laga hubinayo dhalanrog siyaasadeed iyo mid bulsho.

Tan kale oo lala damacsan yahay Soomaaliya waa in loo dooro hogaamiye u daran qaranimada Soomaalida, deriskana ka amar qaata, danaha Yurubna aan gelin wadatashi ay ku lug leedahay gacan saddexaad iyo wadatashi Soomaaliyeed. Tani waxey fursad u siineysa Soomaalida inaan dhulkeeda lagu kala darin wadamada deriska la ah ama aan lagu beerin qowmiyad kale oo Soomaalida dhalanrogta,waaba haddi ay Soomaalidu ogolaato iney noqdaan adoon xor ah oo aaminsan iney hoos joogaan maamul qarsoon oo ka sareeya. Tan ugu dambeysa waa in Soomaalida dareen la’aan lagu soo xaluuliyo hanaan siyaasdeed oo loo soo dooray, kaas oo ay ku dhaqmeyso dowlada Soomaaliyeed. Tani waa xabada lagu dilayo xukunka wadaadada iyo dareenka Soomaliweyn oo ay ka mideysan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo wadaaga afka Soomaaliga iyo sinjiga Soomaalinimada,waana xabaal la gelinayo ismaamul Soomaaliyeed oo madaxbanaan..

 

Waxey Yurub horay ugu soo daaleen danaha ay ka leedahay Soomaaliya iney u soo maraan dalal Carbeed, kuwa Afrikaanka, iyo kuwa muslimiinta. Hadda waxaa muuqata saansaan ka turjumeysa in danahooda ay si toosa gacmahooda ugu raadsadaan, awoodana ay ka xawishaan deriska iyo kuwa sida dadban ugu dulwareegaya bada, hawada, iyo dhulka Soomaalida. Maanta suurtogal ma ahan in dalka maxmiyad la geliyo, mana suurtoobeyso in dhulka Soomaaliya loo qeybiyo wadamada deriska la ah, dibna uma dhaceyso in dib loogu celiyo Talyaaniga iyo Ingriiska, lagamana yaabo in Carabnimada, Islaanimada iyo Afrikaanimadu ay ka badbaadiso Soomaaliya afka libaax oo ay ku sii socoto. Dhalanroga, dhaqanroga, iyo xeelad ku muquuninta wadamada ku yaala xeebaha ma ahan mid adag sida lagu soo dhaqay kuwo badan oo ka tirsan adduunka.

Wadamada hogaamiya siyaasda adduunka waxey ku qaadaneysaa rubac qarni iney abuuran Soomali cusub oo ka fayow dhaqanka mitidnimada diinta, wadaniyada, iyo himilada Somaaliweyn. Shacabka Germany iyo Japan oo leh xadaarad adag oo ay ku jecel yihiin madaxbanaanida, dowladnimada, iyo u hogaansanaanta dhaqanka sharciga waxey ku qaadatay 35 sanno in la helo jiil ka duwan kuwii ka horeeyey. Waxaa horay loo quusiyey dadkii ku noolaa North America, Australia, jasiirado badan, iyo wadamo badan oo ku yaala South America. waxaa sidoo kale xeelad lagu majaxaabiyey quwadii Soviet-ka oo shacabkooda uu ilaa iyo hadda ku socdo dhaqanrog.

 

Soomaaliya waxey ku socotaa wadadii lagu dhalanrogi lahaa oo ay ugu gacangeli lahayd Yurub oo maanta siyaasadeedu mideysan tahay. Waxaad arkeysa in qarashka ku baxaya ciidamada AMISOM iney iska xilsaartay Midowga Yurub oo wadamada ay ka kooban tahay ciidamada ka yimid aysan ku jirin hal askari oo muslim ah inkasto wadamadaas ay ka jiraan muslimiin fara badan oo ka tirsan ciidankooda, waxaad maqleysa Talyaaniga oo loo soo xilsaaray tababarida maleeshiyaadka dowlada, waxaa kuu muuqanaya Faransiiska iyo Norway oo baaris ka wada xeebaha, waxaa la dareemayaa Ingriiska oo xooga saarya la dagaalanka buracdbadeeda, waardiyana ka haya xeebta Soomaalida.

Haddii aad aragtid wadamo muslima ama Caraba oo si toosa Soomaaliya u soo dhexgelaya siyaasadeeda, waxey soo wadaan oo sahan u yihiin waa reer Yurub. Waxaad maqleysaa wadan ka mida Carabta oo lagu tuhmayo inuu dowlada maanta jirta uu dhaqaalihiisa ku soo dhisay haddana uu yahay kan sida xoogan loogu tuhmayo iney ku tiirsan yihiin mucaaradka wadaadada hubeysan. Dhanka kale waxaad maqleysaa wadan muslima oo ka soo jeeda Yurub inuu dadaal ugu jiro taakuleynta Soomaalida iyo taabagalka dowladnimadooda. Taas waxey i soo xasuusineysa hadalkii uu halgamagii hogaaminayey Daraawiish uu ka yiri waxqabadka carabta iyo jabkii Halgamaagii Gurey uu kala kulmay taakuleyntii uu ka sugayey wadanka hadda muslinimada nagu soo barbar istaagaya. Waxaa horay loo yiri humburo oo ah haad hilbaha cuna waxey horseeda libaax, wadamadaasna waxey Soomaalida u soo horkacayaan danaha soo socda ee reer Yurub.

 

Cadowtooyada deriska aan ka qabno oo aan ka digtoonahay dabinadooda waxaa ka daran waxyaabaha naloo doorayo oo aanan dareeensaneyn, laakiin aafadoodu ay goor dambe oo wax ka qabasho lahayn ay kaceyso.Waxaa hadda noo bilowday in waxyaabaha noo daran naloo dooro, waxaana ugu daran habka dowladnimada lagu dhaqayo oo lagu qotomiyey hanaanka federaalka. Waxey taas keentay in dowlada lagu dhiso raaligelinta awood ku qeybsiga qabiilka, waxeyna taas bedeshey xulashadii lagu doorbidayey abaalmarinta ku timid aqoonta, waayoaragnimada, kartida, iyo naftihurnimada ku timid wadaniyada.

Madaxda jirta maanta rajo lagama qabo in doorkooda ku aadan hogaaminta dowlada dalka ay ka soo baxaan iyo dhaarta ay u galeen daacad iney ugu adeegaan dadka iyo dalka. Inkastoo aan dooranay madaxda dalka, haddana waxey ku shaqeynayaan hanaankii lagu soo doortay oo aysan Soomaalidu dooran, sidaas oo ay tahay weli waxaa naga qarsoon heshiisyo lagu sharciyeeyey ku dhaqanka nidaamka loo dejiyey dowlada. Wax macno ah ma sameyneyso doorashada madaxda haddii aysan shacabku dooran nidaamka ay ku dhaqmeyso dowladoodu oo iyaga la doonayo in lagu dhaqo. Haddaan sidaas la helin Soomaalida waxaa mashquulinaya dagaalo qabiil, degaano laga dhisayo dowlado qabiil, wadamada deriska iyo shisheeyaha oo isku hubeeya qabiilada, lana kala safta, dowladii oo laga xukumo mowlacyada iyo tuulooyinka ay joogaan hogaan-dhaqameedyada, shisheeyaha oo talada ugu sareysa go’aankeeda laga sugo sababta oo ah talada gudaha oo si xun loogu qeybsan yahay iyo dhaqaalaha oo dhankiisa laga sugayo.

Waxaad moodaa dagaalka ay wadaan wadaadada hubeysan inuu caqabad weyn ku yahay himilada guracan oo ay wataan wadamada deriska iyo kuwa shisheeyaha, waxaana ku adag wadamadaas wax ka qabadka kooxdaas oo khatar ku noqotay xasiloonida amaankooda iyo danahooda istraatijiyadeed. Sidoo kale kooxdaas waxey dhantaal ku tahay soo ifbaxa halgan wadaninimo oo abaabulma, awoodna u yeesha iney iska caabiyaan faragelinta shisheeyaha iyo iska tuurista hogaanxumida dowlada. Shacabka iyo dowladaha shisheeye waxaa u muuqata dagaalka ay wadaadada hubeysan kala soo horjeedan bartilmaameedsiga rayidka iyo ku dhaqanka dowladnimo Soomaaliyeed oo leh calankeeda buluuga ah,

Sharciyada heshiiska lagu yahay, iyo xuduud go’an oo loo aqoonsan yahay jamhuuriyada Soomaaliya. Dagaalka wadaadadaas wuxuu daboolay iney shacabku ka dhiidhiyaan xumaatada dowlada, waayo dowladu waxey qiil wanaagsan u heysataa waxqabadkeeda iney u jeedisey isdifaaca ay kula jirto mucaaradka hubeysan, ciddii isku dayda iney ka hortimaado dowlada waxey cabsi weyn ka qabtaa in taas ay fursad weyn u noqon karto dagaalka ay wadaan wadaadada hubeysan oo ay dhici karto iney ka guuleystaan dowlada taagta daran.

 

Dr. Saciid Ciise Maxamud

Chair of Somali People’s Party

saciidciise258@aol.com

error: Content is protected !!