default-logo

Qalinka: Xassan Xayle

hile      Waa cudurkii hore iyo caadadii lagu yaqiin madaxda dalka, ilaa iyo bilowgii xukuumadihii KMG ahaa. Waxay u egtahay in waxa kaliya ay siyaasiyiinta Soomaalidu awoodaan uu waayahayn danbe, noqday khilaaf aan xal laheyn, muran joogto ah iyo anigaa quman! Waxaa taas ka walwal badan in qaar ka mid ah xildhibaanda Baarlamaanka la moodo inay ka macaashaa ama ay dani ugu jirto markii uu yimaado khilaaf ka dhexeeya madaxda sare Waxaa leys weydiin karaa, arrinta ku saabsan, in xubno baarlamaanka ka tirsan soo gudbiyeen mashruuc looga horjeedo XUKUUMADDA taasoo, haddii ay jirto, mmjineysa in qaar badan oo ka mid ah xildhibaanda Baarlamaanka aysan aqoon doorkoodka ku aadan xal u helidda dhibaatad siyaasadeed ee dalka ka dhacda

Sababta Khilaafka Xaqiiqadu sida ahaataba, waxaan shaki ku jirin is-qabqabsiga iyo muranka loogu bartay raggii soo qabtay hogaanka sare ee dalka ilaa iyo marxaladdii ka danbeyday burburka Dowladdii Dhexey ee Janeraal Maxamed Siyaad Bare 1991-kii, inay noqoneysaa sumacad xumo ku taala taariikh-shakhsiyeedka madaxdaas, (Personal biography), lana qori doono mustaqbalka! Fashalkii ku yimid dhammaan dowladihii ku meel gaarka ahaa, waxaa sabab u ahaa, sida laga warqabo, is-jiidjiid iyo muran maharad u noqday madaxdii sare ee dowladahaas; arrintaas oon aan horseedeyn, kaliya, dib-u-dhac ku yimaada horumarkii bilowga ahaa ee laga gaaray dhinacyada ammaanka, bulshada iyo dhismaha hay’adaha dowladeed, hayeeshee abuuraya niyad jab iyo quus uu shacbiga Soomaaliyeed u qaado cid kasta oo timaada hogaanka siyaasadda dalka Khilaafka hadda ka dhex jira Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wassaaraha waxuu kusoo beegmay iyadoo dalka ay ka taaganyihiin xaalado ba’an oo isgu jira duufaano iyo fatahaad baabi’iyay dad iyo duunyo, gobalada qaarkoona ay ka bilowdeen dagaal beeleed aan la aqoon waxa dhaliyay iyo cidda ka danbeyda! Runtii, is-afgarawaaga keenay khilaafka soo baxay iyo inta uu la egyahay ama xaqiiqda gunta u ah, waa arrin aan aad loo ogeyn, ama aan dhaafsiisaneyn madaxda is-heyda iyo ragga ku hareereysan oo la taliyaasha u ah. Intaas waxii kasoo haray waa malo awaal iyo kutiri-kuteyn ‘fadhi ku diri’ oo aan ka badneyn maxaa la yiri iyo maxaa la sheegay! Waxaa muuqata in muranku ka dhashay arrin ku saabsan qaabka la doonayay in loo dhiso xukuumad cusub oo ka balaaran tan hadda jirta, iyadoo rag hadda ku jiraGolaha Wassiirada la sheegay in Ra’iisul Wassaruhu qorsheynayo inuu ka reebo xukuumadda soo socota; hindisahaa madaxweynuhu si weyn u diidanyahay Sida jirta, ilaa waqtigan, dhinaca Madaxweyne Xassan Sheykh ama ragga u hadla xafiiska madaxtooyada wax war ah oo ku saabsan is-maandhaafka jira kama soo bixin, hadalka kaliya ee ‘rasmiga’ ah oo waa kan Ra’iisul Wassaasre Cabid Faarax Shirdoon uu shaaciyay 12-kii bishan November ee sanadkan Dastuurka iyo Siyaasadda Siyaasad dowladeed iyo dastuur, markii la fiiriyo Cilmiga Siyaasadda, waa labo waxyaabood oo isku lifaaqma ama is dhex gala, (Overlapping subjects), iyadoo ay sidaas jirto ayaa arrinta uu Ra’iisul Wassarahu tilmaamay oo ah in is-maandhaafka isga iyo Madaxweynahay u dhexeeyay yahay mid ku saabsan dhinac dastuurka -lakiin- uusan aheyn mid siyaasadeed; taasoo macneheedu yahay in Ra’iisul Wassaruhu uusan ka noqon ku shaqeynta Barnaamijkii Siyasadeedk ee Madaxweyne Xassan Sheykh lagu doortay 10-ka bishii Sebteembar 2012kii ee ka koobnaa lix qodob, kuna saabsan arrimaha amniga iyo xasilinta dalka, dib u heshiisiinta iyo midnimada ummadda, dhaqaalaha iyo hormarinta nolosha qooska, dhismaha hay’adaha dowladda iyo hagaajinta xiiriika caalmka iyo kan wadamada dariska Haddii xaalku sidaas yahay, su’aashu waxay tahay: maxuu ku saabsanyahay khilaafka dhinaca dastuurka ah ee Ra’iisul Wassarhu shaaciyay?! Haddii uusan jirin is-maandhaaf ku saabsan dhinaca siyaasadda, maxaa hogaamiyaasha ka horjooga inay si macquul ah, oo waafaqasan shuruucda dalka, xal ugu helaan arrimaha ‘farsamo’ oo ay isku hayaan?! Way muuqataa, in Ra’iisul Wassaruhu dooonayo, kuna adkeysanyo inaan lagu faro galin xulashada magacaabidda xubnaha cusub ee Gollaha Wassiirada iyo, tirada ay noqon doonaan ama cidda uu doonayo inuu ka reebo liiska xukuumadda uu soo dhisayo; arrintaas, oo haddii ay jirto, u baahan inla helo tixgalin, is-afgarad iyo meel dhexe oo ay isgu yimaad, kuna heshiiyaan labada mas’uul! Doorka Baarlamaanka Shaki kuma jiro, in meesha khilaafka uu hadda taaganyahay aysan gaarin heer qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaank ay soo jeediyaan talo ah, (Motion), laga keeno Ra’iisul Wassaraha, xukuumadiisana loo diido codka kalsoonida, sidaasna looga qaado xilka iyo mas’uuliyadda uu hayo Waxaan ogsoonayah, hadalkii Gudoomiyahay Baarlamaanka Maxamed Sheykh Cusmaan Jawaari uu 13-ka bishan November shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku kalsoonadaan Baarlamaankood madaama uu Gollaha Shacbigu u duubanyahay inuu xal u helo mushkilad kasta oo timaada Gudoomiyuhu waxuu xubnaha Golaha Shacbiga uga digay, kuna adkeeyay inaysan galin, kana hadlin khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira hay’adaha fulinta ee dowladda; waxuu soo jeedintiisa sabab uga dhigay: in doorka looga bahanyahay in xildhibaanadu qaataan yahay xal u raadin iyo inay garsoore ka noqdaan waxii khilaaf siyaasadeed ah ee hay’adaha dowladda dhexdooda ka dhasha Haddii kaalinta Gollaha Shacbiga iyo doorka looga baahanyahay xildhibaanada yahay sida uu caddeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka, taas waxii kasoo hara meyasan noqoneyn qas iyo sharci ku tumasho ha lagu jiro weligeed!! Talo iyo Ugu Danbeyntii Waxaa hubaal ah, in muranka iyo is-maandhaafka looga bartay madaxda Soomaalida uu abuuray xaalad galineysa mustaqbalka dalka walwal iyo hubaal la’aan siyasadeed, (Incertezza politica); taasoo ay soo baxday ama bilaabatay in wax leyska weydiiyo kartida hogaamiyaasha Soomaaliyeed u leeyihiin xalinta khilafaadkood; tasoo sii xoojineysa shakiga baryahan danbe laga qabay in Soomaaliydu ay dhexdooda ismaamuli karaan! Runtii, arrintu ma ah maxaa leysu khilaafay ama arrimaha qaar loogu kala aragti duwanyahay, mararka qaarkoodna ay u dhacdaa in aad loo kala foogaado, lakiin xikmaddu waxay ku jirtaa in khilaafka laga heshiiyo oo Madaxweyne Xassan Sheykh Maxmuud iyo Ra’iisul Wassare Cabdi Faarax Shirdoon ay u horseedaan hogaamiyaasha, iyaga ka dib, Soomaaliya xukumi doona waddo cusub oo ah: in wax kasta oo leysku khilaafo laga heshiin karo, is-afgarad iyo xalna loo heli karo!! Xassan Xayle: hassanhaile@hotmail.com

error: Content is protected !!