default-logo

3 

Mas’uul kasta oo hoggaanka dalka qabta waxaa loo ikmadaa inuu dadkiisa iyo dalkiisa waxtaro, waxaana mid kasta lagu qiimeeyaa waxqabadkiisa iyo waxa uu bulshada uu metelo ku soo kordhiyo muddada uu xilka hayo.

Ragga haatan ku fadhiya kursiga madaxtinimada dalka  Soomaaliya bilihii ugu horeeyay kadib doorashadooda mid waliba waxa uu la soo baxay karti iyo waxqabad uu bulshada ugu muujinayo dedaal dheeraad ah iyo inuu yahay halyey ka dhabeynaya ballanqaadyadii uu sameeyay markii uu musharaxa madaxtinimo ahaa, balse bilo kadib maxaa dhacay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la doortay wuxuu isku dayay inuu wax ka bedello hab-dhaqankii madaxdii ka horreysay lagu dhibsaday ee bulshadu ku karaahiyeystay kaasoo ah in marka madaxweyne uu dalka ka dhoofayo ama ku soo laabanayo waddooyinka la xiro oo dadka qeybahooda kala duwan loo diido isticmaalka waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya.

Marka madaxweyne, Ra’isul wasaare ama Guddoomiye Baarlamaan uu dhoofayo ama uu dalka dib ugu soo laabanayo waxaa ardayda laga xayiraa inay Iskuullada aadaan maadaama iskuullada ugu badan ee Muqdisho ay ku yaalaan waddooyinka iyo degaanada halbowlaha u ah Gobolka Banaadir, sidoo kale inta badan dadka ka ganacsada suuqa Bakaaraha iyo goobaha kale ee ganacsi ee ku yaala waddooyinka dowladdu isticmaasho waxaa laga xayiraa inay goobahooda u shaqo tagaan marka hal mas’uul uu dalka ka dhoofayo ama ku soo laabanayo.

Oday ay ka muuqato murugo iyo wajo kaduud aan farxad lahayn ayaa ku qowlay “Iska daa xitaa mas’uul dhoofaya ama soo degayee waxaa waddooyinka nagala xayiraa marka uu mas’uul ama sarkaal sare booqanayo xarumaha dowladda iyo saldhigyada ciidamada”.

Odaygaasi oo ciil cunaha jaray  ayaa waxa uu intaasi sii daba dhigay “Aniga waxaan deganahay degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaan goob ganacsi ku leeyahay suuqa Bakaaraha oo aan biilka ka soo dhacsadaa, reerkeygana waxaan ku quudiyaa waxa aan maalintaas suuqaas ka soo helo, haddii aan maalintaasi suuqa tagin ama aan soo foof wareero dabkeygu wuu dansan yahay, waxaase wax waliba iiga sii daran oo aan xusuusteyda marna ka go’eynin inaan todobaadkiiba labo jeer ama saddex jeer aanan suuqaasi tegin ama xilli dambe oo aan waxba laga gaarin aan tago waayo safarka madaxda iyo wufuudda kale ee dalka imaanaysa ayaa aad u fara badan”.

Mid ka mid ah ardayda wax ka barata Dugsi ku yaala agagaarka Km.4 ee magaalada Muqdisho ayaa isna ku cataabay “Wallaahi dhib weyn  ayaan ku qabnaa madaxda dalka, waayo inaan waxbarashadii si saani ah u gudano ayay naga hor taagan yihiin, marka aad Iskuulka u soo lebisato ayaad la kulmeysaa waddadii oo xiran oo askar iyo hub culus ay buuxaan, waxaa qori kugu soo taagaya askarta oo kaa cabsiinaysa, weliba iyagoo arkaya inaad arday tahay”.

Wuxuu ardaygaasi ku calaacalay “Xitaa si aan ugu soo lug go’in madaxda dowladdu way og yihiin in ay dhoofayaan ama imaanayaane maa saxaafadda nalooga sheego si aanan ugu soo lug go’in”  wuxuuna ku sii guuxay “Tani waa arrin u  muuqata canaad iyo in aan gumeysi ku jirno”.

Waxaa la xusuustaa in safarkii dibadeed ee ugu horreeyay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga baxay dalka Soomaaliya  markii la doortay kadib uu ku tegay dalka Uganda oo uu kaga qeyb galay dabaaldega sanadguuradoodii munaasabadda xoriyadda dalkaasi, safarkaasi markii uu madaxweynuhu u baxayay waddo loo xiray ma jirin, sidoo kalena markii uu soo degayay soo laabashadiisii waddada looma xirin, isagoo xilligaasi ku faanay in aan waddada loo xireynin marka ay dalka madaxda dalka ka dhoofayaan ama ku soo laabanayaan oo aan dadka la cadibeynin, isagoo xusay in uu wax badan ka beddelayo dhaqan xumadaas oo ay horey u caadeysteen madaxdii isaga kursiga kaga horreysay.

Run ahaantii hadaladaasi iyo fulintii halka waqti ku koobnayd ee uu fuliyay arrintaasi aad baa loogu riyaaqay oo lawada bogaadiyay, mana la dareemin safarkaasi uu madaxweynuhu ku aaday dalka Uganda, waayo waddada looma xirin oo si xor ah ayuu u dhex maray waddada isku xirta hoygiisa Villa Somalia iyo Garoonka diyaaraha Muqdisho, balse safarkaasi kadib maxaa dhacay…?

Safaradii kale ee xigay oo dhan marka madaxweynaha iyo madaxda kale ee dalka dhoofayaan ama soo degayaan waddooyinka ayaa la xirayay, arrintaasoo dad badan fajaciso ku noqotay, iyagoo isweydiiyay waxa kalifay in madaxweynuhu ka noqdo go’aankiisii iyo ballanqaadyadii uu shacabka dhiban ee Muqdisho u sameeyay.

Oday magaciisa ku soo koobay Saney oo fajaciso iyo layaab ka muujiyay dhacdooyinka aan la jeclaysan ee madaxda dalka ay sameeyaan ayaa ku qowlay “Xitaa wax kale iska daaye iyagoo gurigooda sii hurda oo aanba soo toosin ayaa la sii xirayaa waddadii oo aan la sii mari Karin, bal maxay u leeyihiin Muqdisho waa nabad oo Al-shabaab waan ka xoreynay haddayba cabsi darteed waddada u xiranayaan…?” wuxuu intaa sii daba dhigay oo uu isweydiiyay odaygaasu “Oo kaalay madaxda dalka Gaadiidka qafilan ee AMISOM ayaa lagu qaadaa marka ay dhoofayaan ama  ay soo degayaan oo maba la arkee maxay tahay baqdinta ay weli sii qabaan oo ay waddada u sii xiranayaan?”.

Wasiir ka tirsan dowladda oo difaacay xirashada waddooyinka Muqdisho marka madaxda dalka dhoofayaan ama soo degayaan ama meelo Muqdisho ka mid ah ka booqanayaan ayaa yiri “Wax waliba waxaa ka muhiimsan ammaanka madaxda dalka” isagoo yiri “Waqtiga waddooyinka loo xiraa madaxda ma aha waqti sidaa u sii badan oo dad cadibaya”.

Haddaba tani waxa ay muujinaysaa in madaxda shacabka dulman hoggaamisa aysan ka damqanayn dan iyo heelona aysan ka lahayn bulshada ay metelaan oo ay ka xayirayaan waxbarashada iyo shaqooyinka  ay ku raadsanayaan quutul-daruurigooda.

Madaxda haatan dalka Soomaaliya hoggaamisa haddii ay sidani ku sii socdaan oo ay fulin waayaan ballanqaadyada niyo-dhiska ah ee ay bulshada u sameeyaan taariikhda ayay ka galayaan baal madow waxa ay sugaana waa inkaarta shacabka iyo in dib dambe aan loo soo dooran laguna sifeeyo kuwo ku guuldaraystay hadafkii iyo ujeeddadii loo doortay.

error: Content is protected !!