default-logo
saf
Dowladi  waxa ay dowlad ku tahay dadkeeda, dowladina dad la’aani ma jiri karto, marka su’aasha isweydiinta mudani waxa ay tahay haddii dowladi ay dadkeeda wax ku tahay maxay dowladda Soomaaliya uga damqan la’dahay dadkeeda oo dhibta la gaarsiinayo ay wax uga qaban la’dahay…?Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ee halkaasi u tegay qaxootinimada isla markaana abuurtay ganacsi iyo dhaqdhaqaaq ay noloshooda ku maareeyaan had iyo jeer waa la dilaa oo weliba si arxandaro ay ku jirto ayaa loo laayaa, hantidoodana la boobaa, mana aha mar ama labo oo waagii beryaba dalka K/afrika Soomaali ayaa lagu dilaa, lagu dhaawacaa, hantidoodana la boobaa.

Dowladda K/afrika oo leh ciidamo Boolis iyo weliba ciidamo gaar ah oo kahortaga dadka nabadgelyo xumada abuuraya sida inoo muuqata diyaar uma aha inay wax ka qabato Soomaalida dalkeeda lagu xasuuqayo, dastuurka dalka K/afrika u degsana qofkii qof dila xukun adag oo uu falka dilka ah kaga waantoobo uma uu yaalo, laakiin taas bedelkeeda ayaa waxaa loo baahnaa in dowladda Soomaaliya ay ka dhiidhiso dilalka iyo dhaca loo geysanayo Soomaalida ku sugan K/afrika oo ay dacwado ka gudbiso, maxkamadaha caalamiga ah ee arrimahaasi qaabilsan qeylo dhaan u gudbiso, hay’adaha iyo ururada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha u doodana ay wargeliso ama ugu yaraan ay go’aan ka qaadato, balse ma ay muuqato in dowladda Soomaaliya ay arrintaasi wax ka qabanayso, ilaa iyo haddana maba jiro saddexda mas’uul ee ugu sareysa dowladda Soomaaliya mid ka mid ah oo tegay dalka K/afrika oo madaxda dalkaasi kala soo hadlay xasuuqa aan dhammaadka lahayn ee lagu hayo Soomaalida dalka K/afrika ku nool, marka laga reebo Wasiir ku-xigeen ka tirsan dowladda Soomaaliya oo booqasho u eg dalxiis ku tegay.

Inkastoo wasiir ku-xigeenkaasi uu hadal iyo shir jaraa’id oo uu qabtay kaga bdamqaday dhibta Soomaalida K/afrika ku nool lagu hayo oo uu saxaafadda la hadlay haddana wax la xisaabtan ah ama dabagal dhab ah lama uusan yeelan madaxda dalkaasi, hadalkiisana wax laga soo qaaday maba jirto oo sidii  iyo si ka daran ayaa Soomaalida loo xasuuqayaa weli.

Haddaba dhiiga muwaadinka Soomaaliyeed ee maalin waliba lagu daadinayo dalka K/afrika aad buu inoo damqinayaa, waxaana isweydiin mudan maxaa loo la’yahay mid ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya oo booqasho ku tago dalka K/afrika uu madaxda dalkaasina kala soo hadlo dilalka, dhaawaca iyo boobka loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool  dalkaas.

Sida lawada ogsoon yahay madaxda dalka Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweynaha safarro fara badan ayay dalal dibadda ah ku tagaan, maxay tahay sababta ay u tegi la’ yihiin dalka K/afrika oo ay madaxda dalkaas ugala soo hadli la’yihiin dhibta dalkaas loogu geysanayo Soomaalida, mise macnuhu waxa weeye dal aan dhaqaalo kaa soo galaynin ama ciidamo aanay ka joogin Soomaaliya booqashadiisa laguma degdego ciddii doono halagu laayo ama halagu dhacee, waa yaabe dowladdu ma metesho miyaa oo dowlad uma aha miyaa shacabka Soomaaliyeed ee sida arxandarada ah loogu xasuuqayo dalka K/afrika…?.

Dowladdu miyaanay mas’uuliyad ka saarnayn shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, maxay marna uga hadli la’dahay ama uga damqan la’dahay dadkeeda ku nool dalka K/afrika ee la gowracayo dharaar iyo habeen?.

Haddaba madaxda Soomaaliya waxaa la gudboon in madaxda dalka K/afrika ay ka dalbadaan in muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda si nabad ah dib ugu soo celiyo dalkooda hooyo dhib iyo dheef vwaxay kala kulmaanba, haddiise ay taasi dhici weyso waa in dowladda K/afrika laga dalbadaa weliba amar lagu siiyaa in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda ay u ogolaato in magangelyo ay ka helaan waddan Saddexaad oo si qaxootinimo ah loo qaado, maadaama nabadgelyadii ay u doonteen K/afrika ay ka waayeen xukuumadda dalkaas.

Si kastaba mas’uuliyiinta Soomaaliyeed waxaa ku foorara indhaha shacabka, waxaana loo baahan yahay in madaxda dalka Soomaaliya ee haatan ku mashquulsan safarrada iyo dalxiiska joogtada ah ay wax ka qabtaan dhibta aan dhammaadka lahayn ee Soomaalida loogu geysanayo dalka K/afrika.

error: Content is protected !!