default-logo

xxx

Madaxweyne kasta marka uu isu soo taagayo xilka madaxtinimada dalka waxa uu soo bandhigaa qorshe waxqabad oo uu sheego inuu fulin doono haddiiba loo doorto hoggaaminta dalka, wuxuuna ballanqaadyadaasi oo u badan kuwo dalka iyo dadka dan u ah uu ku soo jiitaa dadka uu codka kalsoonida ka doonayo si ay u doortaan oo ay isaga ugu codeeyaan.
Marka madaxweynaha la doorto waxaa lagu qiimeeyaa hadba sida uu u fuliyo ballanqaadkii uu sameeyay markii la dooranayay, waxaana saansaankiisa waxqabad la eegaa Boqolka maalmood ee ugu horreeya xil qabashadiisa, maalmahaasi haddii uu wax muuqda oo la taaban karo uu qabto amaba uu qaban waayo ayaa waxaa haddana la eegaa sanad kadib waxa uu qabtay,  haddii uu noqdo mid ka dhabeeya ballanqaadyadii uu sameeyay, lana arko inuu waxqabad fiican la yimid si aad ah ayaa loo soo dhaweeyaa, waxaana yaraada mucaaradkiisa, laakiin haddii uu waxqabad la taaban karo la iman waayo uuna ka rumayn waayo ballanqaadyadii uu horay u sameeyay waa laga niyad jabaa, mucaarado badan ayuuna yeeshaa, mana suuragalayso in dib dambe loo soo doorto.

Haddaba gundhiga iyo ujeeddada qormadan ayaa waxaan ku cabirayaa muddadii sanadka ahayd ee uu jiray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu u qabtay dalka iyo dadka.
Ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa ee uu madaxweyne Xasan Sheekh sameeyay dadkuna ay aad ugu hamuun qabeen ayaa waxay ahaayeen dhinacyada amniga iyo cadaaladda, isaguna wuxuu sheegay inuu muhimadda koowaad, labaad iyo saddexaadba siinayo amniga, waxa xigana ay cadaaladda noqoneyso, sidoo kalena kobaca dhaqaalaha dalka uu xooga saarayo, dib u heshiisiinta iyo maamul u samaynta gobollada dalkana wax ka qabanayo, laakiin dhammaan ballanqaadyadaasi ma aysan noqon kuwo uu si sax ah u fuliyay ama sida ay tahay uu uga soo dhalaalay.

Madaxweynuhu wuxuu ku guulaystay oo kaliya inuu safaro fara badan uu dalalka caalamka ku tago, shirarna ka qeyb galo, waxayna isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda  ay xoogga saareen siyaasadda dibadda oo ay guulo ka soo hoyeen, waxayna aqoonsi heer caalami ah ka soo heleen dalalka caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Ingiriiska oo madaxdooda ay la kulmeen.
Dad badan ayaa aaminsan in siyaasadda dibadda oo xoogga la saaro iyo dowladda oo aqoonsi hesha ay ka muhiimsan tahay amniga dalka oo la sugo, waayo inta safar ee uu galay madaxweynaha iyo inta qarax ee Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ka dhacay way isla eg yihiin ama si aad ah isugu dhow yihiin, dilalka qorsheysanna warkoodba daa.
Madaxweynuhu amnigii uu ballanqaaday inuu muhimadda koowaad, labaad iyo saddexaad siinayo ayuu ka hormariyay siyaasadda dibadda oo uu siiyay muhimada koowaad, labaad iyo saddexaad, cadaaladdana warkeedba daa oo dad badan oo guryahooda iyo dhulal laga heysto ayaa cabasho iyo cadaaladdarro tabanaya, kuwaasoo laaluush la bixiyay lagu maquuniyay dhulalkoodii ay sharciyada u heysteen, iyadoo ay sidoo kale jiraan dad badan oo si cadaaladdarro ah xabsiyada ugu jira iyagoo aan wax Maxkamad ah la soo taagin.
Aqoonsi dowladdu ka hesho dalalka caalamka iyo madaxweynayaal lala kulmo dadka Soomaaliyeed waxay ka jecel yihiin amni iyo nabad ay helaan, taasna rajo xumo ayay kala kulmeen kadib markii qaraxyo lala beegsaday xarumo iyo goobo muhim ah oo dowladdu maamusho ama ciidamadeedu ku sugan yihiin, sidoo kalena la dilay saraakiil iyo xubno dowladda u shaqeeya.
Qaraxyadii dhacay waxaa ku waxyeeloobay dad u badan shacab oo qaar badan oo ka mid ahi hilbahooda lakala garan waayay, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo madaxda dowladdana ay ilaaliyaan ciidamada Midowga Afrika oo gaadiidka gaashaaman ku gelbiya marka ay xafiisyadooda ka baxayaan iyo marka ay dalka ka safrayaanba, mana dareemaan amni xumo, kaliya waxaa dhegahooda soo gaara qaraxyo dhaca iyo dad shacab ah oo ku dhammaada, waxayna ku kaalmeeyaan cambaareyn iyagoo dadka ku hurdisiiya hanjabaadyo ay u jeediyaan kooxda Al-shabaab ee qaraxyada iyo dilalka geysta, hanjabaadyadaasoo afka baarkii ku siman.
Sidoo kale muddadii sanadka ahayd ee ay jirtay dowladda Soomaaliya waxay ku guuldarey

satay maamul u samaynta gobollada dalka, gaar ahaan waxay ku mashquushay arrinta Kismaayo oo sanad kadib ay ku qasbanaatay inay iskala heshiiso maamulkii gacan ku rimiska ku yimid ee Axmed Madoobe kaga dhawaaqay gudaha magaalada Kismaayo, taasoo fashil siyaasadeed ku noqotay dowladda, waayo heshiiskaasi dowladdu way ku qasbanaatay, wuxuuna yimid mar dhiig uu ku daatay Kismaayo, maatina lagu xasuuqay.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ku fashilmay bedelaaddii uu beddelay taliyeyaashii iyo saraakiishii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee waxqabadka iyo horumarka u horseeday dalka, iyadoo kuwii uu ku beddelay aanay waxba soo kordhin, waxaana markii saraakiishaas la beddelay soo xoogeystay kooxda Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay horey u dhaqaaqi waayeen bedelaadda saraakiishaasi kadib.

Sidoo kale dowladda Xasan Sheekh waxay wax ka qaban weysay qiimo dhaca ku yimid Shillin Soomaaliga, waxayna weli beddeli la’dahay lacagihii la isticmaalayay xilligii berisamaadka ee ay jirtay dowladdii dhexe, taasoo u badan lacago faalso ah oo cid kasta iska soo daabacan karto, tiiyoo weliba aan loo heynin sarif, waayo waa hal nooc oo Kun shillin ah.
Sidoo kale Baasaboorka Soomaaliga cid waliba way u sahlan tahay inay iska qaadato,  mana jiro koontarool dhinaca baasaboor bixinta oo ay dowladdu samayso, waxaana iska qaata cid kasta oo xitaa ajnabi ay ku jiraan, tiiyoo baasaboorada diplomaasiyiinta loogu talo galay ay shaqsiyaad caadi ah qaataan iyagoo bixiya lacago laaluush ah.
Xabsiyada dalka waxaa buux dhaafiyay dad dambiilayaal ah iyo kuwo la iska soo qabtay oo aan wax dembi ah lahayn, kuwaasoo sii deysmadooda looga qaato lacago.  Sidoo kale waxaa xabsiyada laga sii daayaa dad dambiilayaal ah oo xukun dil ah ku eedeysan, taasoo ah fadeexad ay weli dowladdu xakameyn la’dahay.
Waxqabad la’aanta dowladda muddada sanadka ah ayaa waxay sidoo kale sababtay in dowladdu ay yeelato mucaarad, kuwaasoo maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya, weliba cid kale iska daaye xubno dowladda ka tirsan oo xildhibaanno u badan ayaa ka mid ah mucaaradka dowladda, xitaa xubnihii isaga xilka madaxtinimada kula tartamay wuu qancin waayay oo dhammaan madaxweynaha col bay la yihiin, waxayna xubno ka noqdeen kooxaha mucaaradka ku ah dowladda, taasna waxaa lagu sheegay inay sabab u tahay siyaasad xumo iyo isla weynin madaxweyne Xasan Sheekh ku jirta.
Dadku waxay yiraahdaan Macalin iyo Askari waxa kaliya oo ay yaqaanaan waa inay amraan dadka, isla markaana amarkooda loo hoggaansamo, maadaama Xasan Sheekh Maxamuud uu macalin soo ahaa dhaqankii macalinnimo weli kama suulin wuxuuna mar waliba jecel yahay in isaga tiisa la qaato ama laga dambeeyo, taasna ma aha siyaasad iyo dhaqan siyaasi.
Waxaa wax lala yaabo noqotay in hay’adda MSF oo dalka Soomaaliya ka shaqeynaysay muddo dheer, oo xitaa xilligii dalku burburka iyo amni la’aanta uu ka jiray shaqeynaysay ayaa shaqadeeda joojisay dhawaanahan iyadoo sheegtay in amnidarro awgeed ay Soomaaliya uga shaqeyn weysay, taasoo ceeb iyo fadeexad weyn ku ah dowladda Xasan Sheekh oo u maara la’ sugidda amniga dalka.
Si kastaba dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh muddadii sanadka ahayd ee  ay jirtay dhaliil mooyee amaan wey yeelan weysay, kaliyana waxaa la far muuqi karaa in siyaasadda dibadda ay wax badan ka qabatay, balse haddii gudaha guriga uu dab ka holcayo daminta deyrka guriga waxba ma soo kordhinayso badbaadana uma noqoneyso gudaha iyo wixii ku jiray, marka dowladda Xasan Sheekh waxaa la gudboon in muddada saddexda sano ah ee u harsan ay gudaha dalka wax badan ka qabato, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadgelyada si ay u kasbato taageerada shacabka Soomaaliyeed ee u ooman nabadda iyo amniga.

 

Muqdishojoornaal.com
Muqdisho – Somalia

error: Content is protected !!