default-logo

ManchesterUnited ayaa Xaraysatay Sedex dhibcood oo aan lagu qaadan Si raaxa leh maadaama dhabar adeeg ay kala kulmeen kooxda ay la ciyaaraysay ee Fulham oo muujisay inay tahay koox aan si fudud dhibcaheeda loo heli Karin.

Manchester United ayaa 3-2 waxaa ay ugu badisay Fulham ciyaar ka dhacday Garoonkeeda  wallow guul ay gaartay hadana Wiilkeeda Rooney ayaa dhaawac uu soo gaaray dhamaadkii ciyaarta oo Garoonka laga qaaday.

Soomaalida waxaa ay ku maah maahdaa Candhalo waa Curatay Galabta waxaa curtay van Persi oo curtay Gool ama dhaliyay Goolkiisa ugu horeeyay ee United ay ku bar bareysa kooxda Fulham oo sadaxdii daqiiqo ee ugu horaysaba Oday Duff uu gool u dhaliyay waxaana ka bar bareeyay Wiilka Dalbada leh oo ka dhigtay Ciyaarta 1-1.

Intii ay Socotay qaybtii hore ee Ciyaarta Wiilka Gaaban ee Indha yar Kagawa ayaa yari Aniga maxaa iga reebaya Shabaqa hadii Van Pesie uu gool dhaliyay  Anigana waan dhalinayaa waxaana isagana halkaas  uu ku dhaliyay goolka labaad,waxaana Ciyaarta soo afjaray Wiilka Brazil ee baryahan kooxda boos ka helay ee  Silva.

Kabtanka kooxda oo beryahaba Caajisnaa Vidic ayaa gool ka dhaliyay kooxdiisa waxaana ay galabta ciyaarta ku soo dhamaatay 3-2 oo Shayaadiinul Xumraa ayaa adkaatay.

Manchester United ayaa sadexdii dhibic ugu horaysa faraqa ku shubatay lakiin galabta arinta yaabka lahayd waxay tahayba Tababare Ferguson oo qanciyay dhamaan weeraryahanadiisa badan maadaama uu wada ciyaarsiyay.

Kulamada kale ee horyaalkana  waxaa ay u dhaceen sidan wallow ciyaartii Sunderland iyo Reading ay baaqatay.

SwanseaC.   3 – 0   West Ham U.

Aston Villa    1 – 3   Everton

ManchesterU.         3 – 2   Fulham

NorwichC.    1 – 1  QueensPark R.

Southampton          0 – 2  WiganAthletic

Postp.        Sunderland   ? – ?  Reading

Tottenham H.         1 – 1   West Bromwich A

Top
ruoho_eustolia@mailxu.com febles.ciera@mailxu.com