default-logo

 

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddadii ay jirtay waxa ay dhexda ka fadhiisatay gogoshii fashilka iyo siyaasad xumada, ilamaa iyo waqtigii dhidibada loo taagayna ma jiro wax horumar la taaban karo oo ay qabatay in ay wax ku dheesho mooyaane.

Dowladdu waxa ay noqotay mid kooban oo koox gaar ah ay gacanta ku hayaan, waxaana maalinba maalinta ka sii dambaysa sii badanaya dadka mucaaradka ku ah dowladda ee dhaliilsan siyaasadda ay ku shaqeeyaan madaxda sarsare ee dowladda Xasan Sheekh, waxaana isa soo taraya eedeymaha iyo dhaliilaha mar kasta loo jeedinayo.

Madaxweynuhu wuxuu ka bixi waayay safar joogto ah, wuxuu ku wareeray arrinta Kismaayo, lacagihii mushaaraadka looga dhigi lahaa ciidamada iyo shaqaalaha dowladdana arrinta Kismaayo ayuu ku dhammeeyay oo mar uu guddi u saaro iyo mar uu wafdi u diro iyo mar uu dagaal ku abaabulo ayay ka badin weysay, waxayna dowladdiisu ilowday gobolladii kale ee dalka Soomaaliya.

Ciidamada iyo shaqaalaha u shaqeeya dowladda si toos ah uma helaan mushaaraadkooda, shaqaalaha qaar mushaar dhimis ayaaba lagu sameeyay, xafiisyada shaqeeya ee dowladdana shaqaalihii horey uga shaqeyn jiray badankood waa lakala diray, gaar ahaan shaqaalaha madaxtooyada oo xilligii uu madaxweynaha ahaa Sheekh Shariif ay ka shaqeyn jireen shaqaalo kor u dhaafaya Boqol, haatan waxaa lagu soo koobay 70 shaqaale, mushaarkii ay qaadan jireen oo u dhexeeyay Kun iyo afar boqol ilaa 700 doollarna waxaa la sheegayaa in midkiiba laga dhimay 400 ilaa 300 doolar, shaqaalo cusub oo dowladdu ay qaadatana warkeedba ha sheegin.

Taas kaliya ma ahee arrimo fara badan ayaa dowladda Xasan Sheekh lagu eedeeyay sida: musuq-maasuq baahsan iyo ku takrifalid  dhaqaale, wax ka qabasho la’aan kooxaha Burcad-badeeda, in ay sii xoogeysato kooxda Al-shabaab oo qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka geysta caasimadda iyo meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah, dhismaha  maamul goballeedyada oo ay tabar iyo taag u weysan tahay, ciidamada beelaha ee ku dhex milan kuwa dowladda oo ay xakamayn la’dahay, kuwaasoo dhac iyo dilal u geysta shacabka iyadoo aan lakala garan karin ciidan beeleedka, kuwa Gobolka Banaadir, kuwa dharka ciidamada iska soo xirta ee qaska ka dhex sameeya caasimadda, kuwa xildhibaannada ilaaliya iyo kuwa Milateriga kuwaas oo dhammaantood isku wada milan.

Sidoo kale ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala dowladdu kama warqabto howlahooda iyo waxa ay qabtaan, waxayna ciidamadaasi dalka soo geliyaan hay’ado ajnabi ah oo dowladda aan u diiwaan gashanaynin kuwaasoo xafiisyo ku leh xerada ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane oo ku taala duleedka dambe ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, sidoo kale dowladaha waaweyn ee reer Galbeedka ayaa xarumo, xabsiyo iyo xafiisyo qarsoodi ah ku  leh xeradaas, dowladduna howlaha xeradaas ka socda maba la socoto oo dalka ayaa si gaar ah loo maamulanayaa.

Itoobiya oo ciidamadeedu aanay ka tirsanayn kuwa Amisom marka ay doonaan ayay gudaha dalka Soomaaliya iska soo galaan, marka ay doonaana isaga baxaan iyagoo wixii ay doonaan ka samaysta dowladda Soomaaliyana aysanba war u heynin, cid Itoobiya kala tashato arrimahaasina maba jirto.

Dowladda Xasan Sheekh dhan kasta waa ay ku fashilantay waxaana la leeyahay lacagaha ugu badan ee dowladdu hesho oo ka soo gala dekadda iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxa ay ku dhacaan jeebab shaqsi, madaxweyne Xasan Sheekh ayaana ugu horreeya cidda sida shaqsiga ah u maamulata lacagahaas, sidoo kale Guddoomiyaha Bankiga isna kista Bankiga soo gaarta ayuu isaga takri falaa oo ma jirto xisaabtan iyo dabagal lagu sameeyo lacagaha soo gala dowladda sidaasna waxaa lagu sheegay warbixin dhawaan ay soo saartay Kooxda Monitoring Group ee Qaramada Midoobay.

Ma tiro yara eedeymaha dowladda Xasan Sheekh loo jeediyo, waxaana eedeymahaas sidoo kale ka mid ah in Baasaboorka Soomaaliya oo ay cid kasta iska qaadato ha ahaadaan ajnabi amaba muwaadiniinta Soomaaliyeed, mana jirto cid dabagal ama baaritaan arrimahaas ku sameysa, lacagaha laga helo Baasabooradana waxa ay ku dhacaan jeebka Jeneraal Gaafow oo ah taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya kaasoo sida uu doono ka yeela hantida ka soo gasha baasaboorada, wuxuuna leeyahay ciidamo gaar ah oo beeshiisa oo kaliya ka soo jeeda kuwaasoo ku lebisan dareeska ciidamada dowladda, amarkiisana ku shaqeeya.

Warbixinta ay soo saartay Kooxda Monitoring Group ee Qaramada Midoobay waxa kale oo lagu sheegay in Bankiga Dhexe ee dalka Soomaaliya laga lunsaday dhaqaale aad u badan oo la sheegay in loo adeegsaday dano gaar ahaaneed, mana jirto xisaabtan iyo dabagal dowladeed oo hadda shaqeeya.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iyagana waxaa la sheegay in ay si toos ah hubka u gataan, sidoo kale hub ay dowladdu ku bixisay dagaalka Kismaayo ayaa la xaqiijiyay in gacanta uu u galay kooxda Al-shabaab.

Intaas kaliya eedeymuhu ma ahee waxaa dowladda Xasan Sheekh lagu eedeeyay in gargaarka la geeyo dalka Soomaaliya ee loogu talo galay dadka masaakiinta iyo barakacayaasha uusan gaarin dadkaas  uuna gargaarku gacanta u galo xubnaha guddiyada ee ay dowladdu u xil saarto iyo shaqsiyaadka maamula, marka ay inta ugu badan kala qeybsadaan inyaroo dagaal iyo kala boob sababta ayaa dadka taagta daran la dhex geeyaa iyagana maleeshiyaadka hubeysan oo ciidamada dowladda ka tirsan ayaa booba.

Si kastaba arrinku ha ahaadee dowladda Xasan Sheekh fashil siyaasadeed ayay cagaha la gashay, waxaana ku kacsan inta badan shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo kale siyaasiyiin, xildhibaanno iyo shaqsiyaad magac leh oo ka biyo diidsan qaabka dowladdu u dhaqanto iyo inaysan danta guud ka shaqeyneyn.

Shirar lagu mucaaradayo dowladda ayaa ka socda dalalka deriska sida Kenya iyo Uganda, siyaasiyiin miisaan culus ku leh Soomaaliya ayaana shirarkaas hormuud ka ah oo wada,  kuwaasoo sheegay inay wadaan Badbaado Qaran.

Haddaba dowladda Xasan Sheekh si weyn ayaa looga niyad jabay, sidii bilihii hore loo soo dhaweeyayna haatan looma wada jecla, caalamka iyo Soomaalida qudhooda ayaana saluug siyaasadeed ka muujiyay qaabka dowladdu u dhaqmayso iyo tacadiyada ay samaysanayo, waxaase indhaha lagu wada hayaa oo la eegayaa halka uu Xasan Sheekh ku furo heeryada dowladeed ee uu garwadeenka ka yahay.

  Webmaster@Mogadishujournal.com

Caaqildalmar  Qoraaga MuqdishoJoornaal

MuqdishoJoornaal.com

Muqdisho – Somalia

error: Content is protected !!