default-logo

 

 

 

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia ayaa waxa uu dhawaan waraysi siiyay Xarunta Taxliilka  Siyaasadda iyo Cilmi Baarista ee CPAR (Center for Policy Analysis and Research, oo ah Hay’ad Somali-American ah. Waraysigaas uu bixiyay Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen  ma ahayn mid dheellitiran oo xaqa iyo caddaaladda ku salaysan. Waxa uu ahaa waraysi ku salaysan caadifad beelaysan. Mudane Cabdirisaaq waxaa uu sheegay in Beesha Hawiyuhu u geystay Beeshada Daaroodka masiiboweyn sannadkii 1991 ee dagaallada sokeeye ka qarxeen magaalada Muqdisho taas oo aanay marnaba Beesha Daarood illaawidoonin. Waxaa uu yidhi waxaa Beesha Daaroodka laga caydhiyay magaaladii Muqdisho ee ay maalgashadeen iyada oo hantidoodana la bililiqaystay, dad badanna naftooda ku waayeen. Waxaa kale oo uu yidhi Beesha Hawiyuhu ma garowsana inay Beesha Daaroodka u geysteen dhibaatooyin kana dalbaday inay raalligelin ka bixiyaan.

Taariikhdu waa wax qoran,  duuban, isla markaana muujisa muuqaalka waxa dhaca oo qofna sida uu doono uma fasirikaro. Anigu ma difaacayo Beesha Hawiye mana inkirayo dhibaatooyinkii loo geystay Beesha Daarood oo dulmi uma xagliyo. Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxa uu u  hadlay sidii dagaalladii sokeeye ee lagu hoobtay kana dhexdhacay Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia oo maanta ah Somaliland iyo Somalia ay ku koobnaayeen oo qudha Beesha Daarood iyo Beesha Hawiye kana dhaceen oo qudha magaalaba Muqdisho. Muqdisho waxay ahayd magaalo madaxdii Jamhuuriyaddii Somalia oo cidkastaba deganayd cidkastana dhisatay. Maalka la bililiqaystay iyo qaxinta dadka waa loo wada sinnaa, laakiin waa run oo dilka iyo qaxa ka dhacay Xamar waxaa u badnaa Beeshada Daaroodka.

Waxaa kale oo la yaab leh sida Cabdirisaaq Xaaji Xuseen uga eexday taariikhda dagaalladii sokeeye ee ka dhex-qarxay Jamhuuriyadii la odhanjiray Somalila oo iska-indhatiray inuu ka hadlo masiibooyinkii iyo dhibaatooyinkii laxaadka lahaa ee Taliskii Siyaad Barre ee Beesha Daarood u geystay dadka Isaaqa ee u badan Somaliland. Waxaa kale oo aanu xusin ama qirin in masiibooyinkii dagaallada sokeeyay ay sabab u ahayd cadaaladarradii foosha xumayd ee laga dhaxlay dawladnimadii la beeleeyay mudadii 21 sano ahayd ee uu madaxa ka ahaa Siyaad Barre.

Waxaa taariikhda ku cad in markii dadka Somaliland u adkaysanwaayeen Taliskii Siyaad Barre oo magaalooyinkii waaweynaa iyo dagaanadii dadka Isaaqa  ee Waqooyiga u bedalay mustacmarad la gumaysto horena loo ogaa in Koonfurtu ka duudsiday saamigii ay Reer Waqooyigu  ku lahaayeen dawladnimadii Is-raaca ahayd ayaa waxaa qasab noqotay in sannadkii 1981 la aasaaso Ururkii Hubaysnaa ee S.N.M si ay xaqooda dawladnimo u soo dhacsadaan, dhulkoodana ka xorreeyaan  ciidamadii qabiilku maamulijiray.

Markii Ciidamdii S.N.M dagaalka hubaysan ku bilaabeen Taliskii Siyaad Barre, waxaa dhacaday in halkii uu la dagaalamilahaa Ciidamadii S.N.M uu ku jeestay gumaadka, xasuuqa, xadhigga, silic-dilka, boobka hantida dadweynaha, burburinta magaalooyinka waaweyn siiba Hargeysa iyo Burco, iyo qaxinta dadka Isaaqa isaga oo u aanaynaya inay taageeraan S.N.M iskuna dayay inay dadka Isaaqa dhulkooda ku  beeraan dad kale. Waxaa la la’yahay dad  gaadhaya ilaa 50, 000 kun oo qof oo ah ahaa dadkii rayidka ee Beesha Isaaqa. Dadkaas waxaa habeenkii lagala bixijiray guryahooda dabadeedna waxaa lagu gumaadijiray magaalooyink duleedkooda laguna tuurijiray xabaalo-wadareedyada ay markasta  soo saaraan daadadku. Waxaa diyaarado, taangiyo, iyo madaafic si arxandarro ah loogu garaacay shacabkii iyo maatadii magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa iyo Burco. Xataa dadweynihii magaalooyinkan ka qaxayay gumaadka waxaa lagu garaacay diyaarado iyaga oo u sii cararaya dalka Itoobiya. Waxaa kale oo Xeebta Jaziira ee ku taal duleedka Muqdisho lagu xasuuqay goor habeen ah 46 qof oo ahaa dad shacab ah Isaaq ahaa kuwaas oo Taliskii Siyaad Barre ka uruuriyay Xaafadda Buulo-Xuubey ee Muqdisho. Dhammaan dadkaas rayidka ahaa ee la gumaaday waxay u dhinteen magaca qabiilkooda oo ahaa Isaaq intii u dhaxaysay 1984-1990. Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen marnaba ma xusin masiibooyinka intaas leg ee uu ku kacay xukunkii Daarood  una geystay dadka Isaaqa.

Cabdirisaaqow sida aad u tidhi in aan Beesha Daarood illaawidoonin masiibooyinkii uu Hawiyuhu u geystay ayaa Beesha Isaaquna aanay marnaba  illaawidoonin masiibooyinkii uu u geystay xukunkii Daarood ee Moxamed Siyaad Barre. Minaanay Beesha Daarood iyadana ku habboonayn inay dadka Isaaqa ka raalligeliso dhibaatooyinkii ay u geysatay sida aad u rabto in Beesha Hawiyuhu uga raalligeliso Beesha Daarood dhibaatooyinkii ay u geysatay?
Waxaad kale oo tidhi in Beesha Hawiyuhu aanay garowsanayn inay dhibaatooyin u geysteen Beesha Daroodka. Sidaas kale, Beesha Daarood ma garowsana inay dhibaatooyin u geysteen Beesha Isaaqa.

Xukunkii Siyaad Barre wxa uu Beesha Daarood u ahaa  “KACAAN”  horseed uu u ahaa “HALYEY  JAALLE SIYAAD”, laakiin waxa uu Beesha Isaaqa  u ahaa dulmiweyn, iyo xad-gudubyo ka fogaa Islaamnimada  iyo insaaniyadda, waxaanu dadkii kale ee Jamhuriyaddii Somalia u ahaa dulmiweyn. Waxay Beeshada Daaroodku ku doodaa inuu ahaa xukun caadil ah oo loo sinnaa loona darsaday. Saddexda (3) arrimood ee soo socda waxay caddaynayaan in xukunkii Moxamed Siyaad Barre aanu ahayn mid loo sinnaa oo loo darsaday balse uu ahaa xukun muujinaya inuu ahaa xukun Daarood  oo dadkii Jamhuuriyadii Somalia si weyn u kala fogeeyay lagana dhaxlay dagaallo sokeeye oo aad u fool-xun laguna kala tegay. Bal saddexdan (3) arrimood oo qudha aan kasoo qaadano sababihii faraha badnaa ee dadka kiciyay ee loola dagaallamay  loona riday Xukunkii Siyaad Barre oo ahaa dulmiweyn oo xagga Eebbe (SWT) laga burburiyay.

Saddexdan  (3) arrimood  oo kala ahaa: Ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee fadhiyay Gobolladii Waqooyiga, Duulliyayaashii ka qayb qaatay gummaadka, burburka, iyo qaxinta lagula kacay Dadka Isaaqa, iyo saafiiradii Jamhuuriyaddii Somalia u fadhiyay adduunka

1. Ciidamadii Fadhiyay Gobolladii Waqooyiga

Taliyayaashii Ciidamda Xoogga Dalka Somaliyeed ee fadhiyay Gobolladii Waqooyiga mudadii ahayd 21ka sano ee Moxammed Siyaad Barre xukunka hayay, iyo ka horba, waxay 98% ahaayeen Beesha Daarood. Taliyayaashaas  waxay dagaallada sokeeye ka hor u bedaleen Gobolladii  Waqooyi mustacmarad  la cabbudhiyo dadka, markii dagaallada sokeeye dhaceenna waxay dadka Isaaqa u geysteen dhibaatooyinka laxaadka leh ee kor ku xusan iyaga oo difaacayay xukun qabiil. Taliyayaasha Ciidamada waxaa ka mid ahaa:

1- General Jaamac Aw Muse Samater (Majeerteen)
2- General Mohamed Ali Mire…………….(Majeerteen)
3- General Muse Xasan Abdulle…………(Ogaadeen )
4- General Cismaan Saalax C/karim….(Majeerteen)
5. General Yusuf Axmed Salxaan (Gabooye Majeerteen)
6- General Siciid Farax Gooje…………….(Mareexaan)
7. General Mohamed Xaashi Gaani…..(Mareexaan)
8. General Mohamed Siciid Morgan…..(Majeerteen)
9. General Ahmed Warsame Mohamoud…(Mareexaan)
10.  General Mohamed Hussein Daa’uud (Awrtable)
11. General Cosmaan Shiikh Cali , Badmaceeye …… (Abgaal)
12. General Cabdicasiis Cali Barre …… (Mareexaan)
12. General Siyaad Daa’uud ……….. (Ogaadeen).

Dhismihii ciidamada  Qaybtii 26aad ee ay xukumijireen taliyayasha kor xusan waxay kala ahaayeen: Xarunta Taliska Dhexe Hargeysa oo ay hoos imanjireen Saadka, Keydka Hubka, Rasaasta, Hawlgelinta, Gaadiidka, Ururka Koofiyadcasta iyo Han gashta, Maxkamada Ciidanka,  Xarunta Caafimaadka ee Ciidanka, Gaaska 1aad oo fadhigiisu ahaa Boorame, Gaaska 2aad oo fadhigiisu ahaa Hargeysa, Gaaska 3aad oofadhigiisu ahaa Burco.

Waxa kale oo Taliska Qaybta 26aad ee Hargeysa si gaar ah u hoos imanjiray:.

1-Guutada 4aad ee Madaafiicda Goobta, Hargeysa.
2-Guutada Gantaalaha,  Hargeysa.
3-Taliska Ciidanka Cirka.
4-Guutada Taangiyada ee Benderwanaag.
5-Saldhiga Berbera ee Cirka, Dhulka, iyo Badda.
6- Warshedda Kabida Hubka ee Hargeysa.
7-Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Mandheera.
8-Dugsiga Tababarka ee Dararweyne oo lagu tababari jiray dadka Qaxoontiga ah oo qaab-qabiil loo soo xulay.
9-Dhamaan askarta Baraha Kantaroollada oo ahaa koofiyad iyo hangasha.

Dagaalkii ku dhexmaray Ciidamadii Xaq-u-dirirka ahaa SNM iyo ciidamadii  Siyaad Bare ee ka dhacay  Magaalada Burco 27kii May 1988 ka dib, Gaaskii 3aad waa la balaadhiyay, waxaana laga dhigay Qaybta 27aad oo taliye looga dhigay General Cabdicasiis Ali Bare (Mareexaan).

Waxa iyana jirtay Guutada 24aad oo fadhigeedu ahaa Hargeysa. Guutadaasi way ka madaxbanaanayd Gaaska 2aad ee Hargeysa, waxayna toos u hoos imanjirtay Taliska Dhexe ee Qaybta 26aad. Guutadaa 24aad oo shaqadeedu ahayd Xasuuqa, dhaca hantida shacabka iyo qaxinta waxa ku mataanaysnaa Ururka Beebeeyada oo Xeradiisu ku taalay Rugta Xaraf.

Seddexda Gaas waxa kale oo hoos imanjiray guutooyinka kala ah: Guutada Beer, Guutada Oodweyne., Guutada Gorayacawl, iyo Guutada Lug-hayo.

2.  Duuliyayaashii xasuuqay Dadka Isaaqa, Hargeysa iyo Burcana Burburiyay

1. G/sare Khaliif Ciise Yuusuf, Taliyihii Ciidanka Ballidoogle, (Majeerteen)
2. G/sare Faarax Siciid, Taliyihii Ciidankii Cirka ee Hargeysa (Majeerteen)
3. G/sare Maxamed Adan Dirir, Taliyihii Ciidankii Cirka ee Berbera (Mareex)
4. G/sare Yuusuf Maxamud Maxamed (Majeerteen), .Duuliye Mig 17.
5. G/sare Mursal Xaaji Axmed *Muufo*( Abgaal), Duuliye Mig 19.
6. G/sare Maxamed Xasan Raage (Xawaadle), Duuliye Mig 19
7-G/sare Xuseen Aadan Ibrahim  (Samaroon), Duuliye Mig.
8. G/sare Ahmed Gurxan Hoori (Ogadeen) Duuliye Mig.
9.  G/sare Maxamed Axmed Xaayow(Abgaal), Duuliye Mig.
10. G/sare Xirsi Maxamed Faarax (Mareexaan), Duuliye Mig.
11. G/dhexe Cadulaahi Xaaji (Ogaadeen), Duuliye Mig.
12. Axmed Moxamed Moxamuud (Mareexaan), Duuliye CESNA ee Sahanka.
13. Faarax Xaaji Salaad (Majeerteen), Duuliye CESNA ee Sahanka.
14. Yusuf Juseeb ( Majeerteen), Duuliye CESNA ee Sahanka.
15. Xasan Yare (Ogaadeen), Duuliye CESNA ee Sahanka.

Intaas waxaa weheshay calooshood-u-shaqaystayaal duuliyeyaal  ahaa oo laga soo kiraystay South Afrika iyo Zimbaawi oo ka qaybgalay xasuuqii iyo burburkii loo geystay dadka Isaaqa ee Somaliland.

3. Safiiradii Jamhuuriyaddii Somalia kala fadhiyay adduunka sannadkii 1990

A) Qaaradda Waqooyiga Ameerika

– Washington: Cabdikarim Ali Omar,  (Ogaadeen)
– New York (USA): Abdullahi Said Osman, (Geri)
– Ottawa (Canada): Abdirahman Artan Aden, (Mareexaan)

B) Qaaradda Yurub

– Roma (Italy):  Yusuf Ali Osman,  (Majeerteen)
– Bonn (Germany) : Hassan Abshir Farah,  (Majeerteen)
– Berlin (E/Germany):  Ahmed Shire Mahamud, (Majeerteen)
– London (UK): Ahmed Jamac Abdulle,  (Dhulbahante)
– Paris (France):  Saciid Haji Mahamud, (Dhulbahante)
– Brussels (Belgium):  Ali Hassan Ali, (Warsangeli)
– Stockholm (Sweden):  Yusuf Haji Said Mahamud,  (Warsangeli)
– Bucharest (Romania):  Mahamed Ahmed Tafadal, (Warsangeli)
– Moscow (USSR): Abdullahi Egal Nur,  (Mareexaan)
– Geneva (Switzerland): Faduma Isaaq Biixi, (Mareexaan)
– Belgrade (Yugoslavia): Faduma Mahamed Enow, (Raxaweyn)
– Ankara (Turkey): Hussein Mahamed Bullaale, ( Habar Awal)

C) Qaaradda Aasiya

– Tokyo (Japan): Dahir Farah Afey, (Ogadeen)
– Beijing (China): Mahamed Hassan Said, (Dhulbahante)
– Tehran (Iran): Abdi Shire Egal, (Mareexaan)
– Damascus (Syria): Hassan Musse Tarey, (Mareexaan)
– Abu Dhabi (UAE):  Adan Hirsi Isse, (Mareexaan)
– San’a (Yemen): Abdisalan Moallim Diini, (Mareexaan)
– Karachi (Pakistan): Abdisalam Haji Ahmed Liban, (Habargidir)
– Baghdad (Iraq): Isse Ali Mahamed, “Dheere” (Abgaal)
– New Delhi (India):  Mahamed Osman Omar, (Banaadiri)
– Doxa (Qatar): Sharif Mahamed Omar, (Banaadiri)
– Kuwait city (Kuwait): Abdulqadir Amin Sheikh, (Banaadiri)
– Riyadh (Saudi Arabia):  Ahmed Abdulla Mahamed,  (Banaadiri)
-Muscat (Oman):  Mahamed Suban Nur (Samaroon))

D) Qaaradda Afrika

– Nairobi (Kenya):  Ahmed Sheikh Mahamud, (Mareexaan)
– Kampala (Uganda): Mahamed Abdulqadir Warsame, (Mareexaan)
– Addis Ababa (Ethiopia): Ibrahim Haji Musse (Majeerteen)
– Djibouti (Djibouti) Ahmed: Jamac Said Xandulle, (Mareexaan)
– Khartoum (Sudan): Mahamed Sheikh Ahmed Tima-cade,  (Ogaadeen)
– Dakar (Senegal): Ali Abdi Gurhan, (Ogaadeen)
– Algiers (Algeria): Abdullahi Mahamed Hassan,  (Ogaadeen)
– Lusaka (Zambia): Omar Mahamed Umul (Dhulbahante)
– Lagos (Nigeria): Mahamed Sheikh Hassan, (Samaroon)
– Tunis (Tunisia): Abdullahi Sheekh Ismail,  (Biyamaal -Dir)
– Tripoli (Libya): Abdirahman Osman Said, (Geellle) (Gaadsan)
– Cairo (Egypt): Abdirahman Abdi Hussein (Reer Aw Hassan)

E) Qunsuliyadihii Guud

– Roma (Italy): Ahmed Sugulle Hirsi, (Mareexaan)
– Washington: (USA) Mahamud Ali Magan, (Mareexaan)
– Jeddah (Saudi Arabia):  Mahamed Ali Omar,  (Mareexaan
– Aden (Yemen):  Ahmed Aden Omar, (Sheekhaal)
–  Dubai (UAE): Abdulqadir Hirsi,  (leelkase)

Arrimaban kor ku xusan waxay ku qoranyihiin diiwaanka taariikhda Jamhuuriyaddii la odhanjiray Somalia waxaana si weyn loogu lafa-guraa loogana soo xigtaa Saxaafadda Somaliland iyo Saxaafadda Somalia. Waxaa marag-ma-doonto ah oo aan la dafirikarayn in arrimaahasu si weyn u caddaynayaan in xukunkii Moxamed Siyaad Barre uu ahaa xukun Daarood. Arrimahan kor ku xusan cidna maanta lagu xumaynmaayo balse waa taariikh ka dhexdhacday dadyowga Somaliyeed ee deggan Geeska Afrika oo loo baahanyahay in la xususto

Haddii aan taariikhda 1960 dib u raacno, Cabdirisaaqow waxaad ahayd ninkii  ugu horreeyay ee dhaawaca midnimadii ay ku midoobeen Somaliland iyo Somalia markii aad boobtay ra’iisal wasaaranimadii ay xaq u lahaayeen Reer Waqooyigu  1960 markii  Koonfurtu qaadatay madaxweynihii oo ahaa Mudane Adan Cabdulle Cusmaan (Eebbe ha u naxariisto) sidaasna ay ku bilaamatay cadaawadda siyaasadeed ee dhexmartay Somaliland iyo Somalia. Waxaa la yidhii maroodigu ma arko takarta saaran ee waxa uu arkaa takarta saaran midka kale. Waraysigii aad bixisay waxaa uu ahaa xag-jir (Very Biased Interview) oo aadan ka hadlin wixii Somalida ka dhexdhacay xilligii dagaallada sokeeye balse ku soo koobtay oo qudha wixii loo geystay Beesha Daaroodka. Markaas maxaa diidaya inay si xun kuu qaaday caadifad qabiil (Overwhelmed by Tribal Emotions). Maanta dadka Somalia (Koonfurta) waxay u baahanyihiin oday isu soo jiida oo walaaleeya, uma baahna  oday hurgumo dhiig ka keena nabaro la dheyayo oo la rabo in laga bogsado. Waxaan beri akhriyay buug uu taariikhdiisa ka qoray Madaxweynihii Vietnam ee la odhanjiray Hoshi Min, buugaas waxaa uu ku qoray kana codsaday dadkiisa  inaan waxba la weydiin, xilkana laga ilaasho marka da’diisu  dhaafto 75 sano waayo waxa uu sheegay in maskaxdiisu sii daciifayso oo waxuun qarribayo.  Cabdirisaaqow waxaad maanta tahay da’ ee cibaadada u gaar noqo.

Gunaanadka Wixii Dhacay: Beesha Daarood waxay dembiga ka gashay Beesha  Isaaqa, Beesha Hawiye waxay dembiga ka gashay Beesha Daaroodka, Beesha Hawiye iyada ayaa dembiga iska gashay kana gashay dadkii kale ee cidkasta lahaa ee degaan Koonfurta.

Qoray: Ibrahim Hassan Gagale
Email: ibrahim_hg@yahoo.com
Taariikh: June 23,  2013

error: Content is protected !!