default-logo

Qaybta 23aad

Markay dhammaysteen maalin-jooggii beerta ayay waqti galabnimadii dambe ah kasoo baxeen beertii, oo waxay yimaadeen gurigii Diirshe iyo eeddadiis ee Afgooye. Markay soo galeen gurigii ayaa wiilkii yaraa ku orday ayeeyadiis oo uu hooyo ugu yeeri jirey. Maalintii oo dhan intii ay beerta joogeen inkastoo Fanaxley isku deyeysay inay ereyga hooyo ku isticmaasho wiilka isagu uma muuqan inuu marna ka aqbalay oo runtii waxaaba la moodayey inuu la yaabayo marka ay hooyo ku tiraahdo. Diirshe eeddadiis aad ayay mar walba uga xumayd inaanu Diirshe guriga marna keenin wiilka yar ee Odowaa hooyadiis. Haddana maaddaama ay qof weyn ahayd fahamsanayd siyaabaha fudud ee dhallinyaradu isku guursadaan isla markaasna ku kala tagaan, oo waxay intaa kala hadli jirtey in haddii wiilka hooyadiis khilaaf ka dhexeeyo ay u keento oo la xalliyo ama wiilka uu marar badan wado oo hooyadiis u geeyo, kumana fanaxsanayn in wiilku iyada u barto inay hooyo u tahay ee aanu fursad u haysan inay hooyadiisii runta ahaydi koriso. Inta wiilka kor u qaadday oo ula soo dhowaatey Fanaxley iyo Diirshe ayay ku tiri ” Diirshe eeddo kuma weydiinayo gabadhan quruxleyda ahi qofta ay tahay waayo waan arkaa inay tahay wiilkaaga hooyadiis, alla bal indhaha iyo dhegaha eeg waaba Odowaa oo halkaan taagan”, iyo hadalkeeda iyo farxaddii sii wadatana, inta Fanaxley ku soo dhowaatey oo canka ka dhunkatay waxay ku tiri: ”Eeddo soo gudub, magacaa, maxaad noogu imaan weydey ilaa iyo. . . . Alla dhallinyarada maanta maxay nolol ka garanayaan, habeen bay wax aan macno lahayn ku murmayaan gurigoodii oo dhamina intaasuu u dumaya, eeddo annaga waqtigayagii inta nimankayagu lafaha naga jebiyaan baan haddana reerkayaga dhaqan jirney ee maxaa idinku dhacay?”.

Fanaxley waxay duqda hadalkeeda iyo kaftankeeda ka fahamtey in Diirshe ka dhaadhiciyey inuu wiilka yar isagu dhalay, taasna iskastoo aanay afka ka oran aad iyo aad ayay ugu faraxday oo waxaa u muuqatey inay wiilkeeda araggiisa u fududaynayso xataa haddii iyada iyo Diirshe aanay si fiican isu fahmin mustaqbalka. Habeenkii Fanaxley iyo Diirshe waxay joogeen gurigii eeddadiis. Wuxuu ahaa habeenkii ugu horreeyey ee Fanaxley seexato iyadoo aan caloolxumo hayn illaa subaxdii ay wiilkeeda inta dhabta u saartay nin aanay aqoon, ay kaga dhuumatay. Waxa Diirshe illaa habeenkii oo dhan isku deyayey inuu ka dhaadhiciyo inaan wiilka yari waxba ka xasuusan doonin arrinta haddii ay hadda kaddib u noqoto hooyo fiican, uuna ka caawin doono in wiilka yari u barto inay tahay hooyadiis ayna jeceshahay. Dhawrkii bilood oo maalintaas ay beerta wada aadeen ka dambaysey Diirshe waxay Fanaxley mar labaad ku noqotay sheeko ku cusub oo aanu marna filanayn waayo subaxdii ugu horreysey ee ay kula kulantay Isbitaalka weyn ee Digfeer wuxuu markii hore u arkayey gabar yar oo ilmo yar ku rafaadsan wuxuuna isku dayey inuu caawiyo arrintiina subaxdaas way kala weynaatey caawin oo wixii uu halkaas kala kulmayi waxay beddeshey sidii uu u noolaa oo dhan waxayna ku kalliftay inuu Xamar ka guuro oo u wareego magaalada Afgooye, oo ay u fududayd inuu wiilka yar ku koriyo. La kulankaan labaad ee Fanaxley wuxuu hadda cabsi ku geliyey inuu mar kale Xamar kusoo celiyo, waayo maalin walba oo uu Fanaxley sii fahmaba waxaa wax iska beddelayeen waxa uu rumaysnaa inay tahay. Waxay ku noqotay gabar yar oo wanaagsan, oo tixgelin badan taasoo aanu marna ka malaynayn maalmihii hore ee kulankoodan labaad. Wuxuu yareeyey taxaddarkii uu isaga ilaalinayey, wuxuu u oggolaaday inay markasta oo ay doonto wiilkeeda u waddo meel kasta oo ay doonto. Waxay u sheegtay inay dhibaato ku kalliftay inay arrintii Digfeer samayso, waxayna ka ballan qaadday inay sida wax u dhaceen oo dhan u sharxi doonto marka la gaaro waqti ku habboon. Fanaxley iyo Diirshe aad ayay isugu soo dhowaadeen, maalin walbana way kasii fiicnaanaysey.

Way socotaa. . . . . la soco Jimcaha dambe

 

error: Content is protected !!