Markii la doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari, sidoo kalena si dimoqraadi ah loo doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, lana magacaabay Ra’isal wasaare Saacid, dad badan ayaa waxay soo dhaweeyeen doorashada saddexdaas mas’uul ee wada aqoonyahannada ah, aqoontooduna ay gaarsiisan tahay ilaa heerka Jaamacadeed.

Badi dadku waxay niyadda gashadeen iskana dhaadhiciyeen in wax waliba ay hagaagayaan, dibna loo yagleelayo dhammaan adeegyadii lumay ee dadweynaha oo aqoontu ay ugu horreyso, maadaama aqoonyahanno ay dalka hoggaamiyaan.

Dedaalo iyo isku day bilow ah ayay sameeyeen balse ma noqon kuwo yoolkii laga rabay gaaray, waxayna ugu horreynba dowladda ay hoggaamiyaan saddexdaas nin ku fashilantay magacaabista 35 wasiir iyo wasiir ku-xigeenno oo qaarkood haatan aysan wax shaqo ah qaban, wasiir ku-xigeenaduna ayba isku heystaan iskuna ciriirinayaan kursiga hal wasaarad oo ay min labo isugu magacaaban yihiin, kuwo badan ayaana niyad-jab weli u soo shaqo tegin.

Markii ugu horreysay oo 10-wasiir  la magacaabay waa lawada farxay, laakiin farxaddii waxay luntay markii 25 wasiir ku-xigeen iyo wasiiro dowlayaal laga daba magacaabay oo weliba min labo wasiir ku-xigeen hal wasaarad loo wada magacaabay, waxaa la isweydiiyay sida ay u kala shaqeynayaan, maadaama aysan dowladdu wax tafaasiil ah ka bixin qaabka shaqadooda, waa layaab labo wasiir ku-xigeen oo hal jago kuwada magacaaban.

Sidoo kale dowladdu waxay ku fashilantay sugidda ammaanka dalka, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo dowladdu ay ka howl gasho, madaxda ugu sareysa ee dowladdana waxaa ilaaliya ciidamada Midowga Afrika  oo  gaadiidka  qafilan ayaa lagu kaxeeyaa, halka shaqaalaha kale ee dowladda ay Muqdisho cabsi ku joogaan oo wax kale iska daaye aysan suuqa ugu weyn Muqdisho ee Bakaaraha oo xarunta madaxtooyada u jira 2-km ka soo dukaameysan karin cabsi awgeed, marka taas macnaheedu waxa weeye ammaanka Muqdisho la iskuma halayn karo, Muqdishana waxaa ammaan ka ah oo kaliya waddada dheer ee Maka Al-mukarama ee isku xirta Madaxtooyada iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ku xoogan yihiin, degaannada kale ee Muqdishana casirkii ayaa laga xaroodaa, Masaajidyadana maqrib, cisho iyo subax wey maran yihiin oo cabsi darteed dadku salaad kuma tukadaan.

Dowladdu waxa kale oo ay ku fashilantay arrinta Kismaayo oo budo gaar u tuman noqotay, dad gaar ahna ay iska wataan howsha Kismaayo oo dowladdu kama hadli karto, waxaana dadkaasi ku haya Kismaayo dowladda Kenya, balse layaabka jira wuxuu yahay dowladdu kumeelgaarnimadii ka baxdaye maxay tahay sababta dowlad kale ay u maamulayso gobol ka mid ah dalka, dowladduna maxay uga quusatay Kismaayo oo uga hadli la’dahay waxna uga qaban la’dahay?.

Dhanka waxbarashada, Ilaa iyo haatan Iskuulo lacag la’aan ah oo ay dowladdu ballanqaaday lama furin, afka wax laga sheegay oo ballanqaad uun ku eg ayay dowladdu bixisay, mana muuqato saansaan ay dowladdu iskuulo ku fureyso, waalidiin badan ayaana ubadkooda u weysan waxbarasho maadaama Iskuullada dalka ka furan ay yihiin kuwo shaqsiyaad gaar ahi leeyihiin oo lacago lagu dhigto.

Sidoo kale goobaha caafimaadka gaar ahaan kuwa ay dowladdu maamuusho si rasmi ah uma shaqeeyaan, kuwo qaarna dadka lacago ayaa looga qaataa oo dawooyinka hay’aduhu ku deeqaan waa la iibsadaa, dhakhaatiirta haatan dalka ka shaqeysa ee wax ku soo baratay hantida qaranka iyo canshuuraadkii hooyooyinka iyo ganacsatada laga qaadayay xarumo caafimaad ayay si gaar ah u wada furteen oo bukaannada lacago culus kaga qaataan, ma jirto ilaa iyo hadda dowlad la xisaabtamaysa oo inta isugu yeerta cusbitaalada haawanaya ee dowladdu maamusho inay u shaqo tagaan farta, si ay dadka ugu daweeyaan cusbitaallada oo badankood la dayactiray dibna loo dhisay. Waxayna dowladdu kari la’dahay inay dhakhaatiirta shaqaalaysiiso si ay uga kaaftoomaan jeebka bukaannada masaakinada ah.

Dowladdu waxay ku amaanan tahay in ay xakamaysay musuqmaasuqii ka jiray dalka, aad baana loo soo dhaweeyay taas, balse dadkii baa wada shiiday oo lacagihii is dhaafdhaafayay ee shaxaadka loo heli jiray ayaa la waayay, markaasaa madaxweynihii durba magac lagu dhajiyey ah “XASAN SHIID”, horaa C/qaasim loo yiri “Cabdi Gaajo”, Cali mahdina “Cali naafato” Sheekh Shariifna “Yes Man” waayo wuxuu ahaa nin gacan furan oo wax waliba mubaax ka dhigay, balse Xasan Sheekh wax waliba wuu xakameeyay, wuxuuna ku waayay taageerada shacabka oo mar waliba waxay ku qowlaan “Xasan Sheekh, Shiid ayuu soo kordhiyey oo Sheekh Shariif ayaa inoo dhaamay ee yaa inoo soo celiya”.

Ma jiro dhaqdhaqaaq maaliyadeed, shaqaalaha dowladdana wax mushaaraad ah lama siiyo, xildhibaannada iyo ciidamaduna mar quraa wax loo tuuray oo ma jiro mushaaraad joogto loo qaato, kolkaasaa waxaa la isweydiiyey “War dowladdani musuqmaasuqii wayba la dagaalantaye maxay mushaaraadkii u bixin la’dahay oo waa yaabe lacagaha halkey geysaa” jawaab waa loo waayay taas, dowladduna uma heysato wax marmarsiyo ah waayo dekadda dhaqaale fara badan ayaa ka soo gala, garoonka diyaaradaha hanti baa ka soo xaroota,  dalal iyo hay’ado deeqo bixiyaa wax siiyay,  yabooh badana waa loo sameeyay, aaway dhammaan dhaqaalahaas?, maxaa shaqaalaha dowladda mushaarkooda loo siin la’ yahay, ciidamadana loogu joogteyn la’yahay mushaaraadkooda?.

Xildhibaannadii hore ee xilalka waayay, dowladda deyn ayay ku leeyihiin oo ilaa iyo Siddeed bilood mushaaraad iyo gunooyin lama siinin, cabasho badan ayayna dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh u gudbiyeen ilamaa iyo haatanna waxba looma qaban, mana muuqato wax loo soo wado, ileyn kuwa haatan jira ayaanba wax loo heynine.

Dowladdu waxay kaloo ku fashilantay in ay wax ka qabato dhul boobka ka jira caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, garsoorkuna wuu ku guuldareystay inuu si cadaalad ah u maareeyo is  heysiga ku saabsan dhulalka, si gaar ahna waxaa loogu eedeeyaa inay cadaaladdaro u maamusho dhulalkaas la isku heysto, taasoo fadeexad iyo ceeb weyn ku noqotay dowladda, ilaa iyo haatanna aysan waxba ka qaban iyadoo ay jiraan dad badan oo cadaaladda ka cabanaya.

Sidoo kale dowladdu waxay wax ka qaban la’dahay safaaradaheeda dalalka dibadda oo qaar ka mid ah safiiradii shaqada ka hayay ay kireysteen, dhaqaalihii ka soo xaroodayna ay jeebabka ku shubteen, iyadoo dowladdu waxba kala socon. Sidoo kalena ay jiraan dhismooyin ay safaaradaha Soomaalidu leeyihiin oo dad kale oo ajaaniib ahi degan yihiin, kuwaas aan waxba laga qaban, iyadoo la iska laaluusho safiiradaha qaar si aysan uga hadlin heysashada dhulkaas hantida qaran ah ee dowladda Soomaalida ay leedahay.

Faan ma noqonayso, musuqmaasuqii baan la daagalamay, sidoo kale faan ma aha isbaarooyinkii baan qaadnay ee waxaa faan ah in iskuulo lacag la’aan ah la furo oo dadka ubadkooda waxbarasho la’aantu ku dhacday 20-kii sano ee dalku burburka ka jiray looga faa’ideeyo, maadaama iskuulo lacago badan lagu dhigto ay dalka ka furan yihiin. Sidoo kale Wasaaradda caafimaadku waa in dhakhaatiirta diiwaan geliso oo Cusbitaallada dowladda ay ka shaqo bilaabaan, dadkana la daweeyo iyadoon lacago laga qaadin. Waxaa kale oo muhim ah in amniga wax badan laga qabto, garsoorkuna cadaalad ku shaqeeyo, hantida qarankana la soo celiyo.

Intaas iyo in ka badan ayaa laga sugayay in ay dowladdu wax ka qabato, ilaa iyo haatanna waxba kama aysan qaban, madaxweynuhuna wuxuu ku mashquulay qaabilaad iyo safaro, kaba sii darane garoonka diyaaradaha ayuu uga hortagayaa wafdiyada qaar, weliba kuwo xildhibaanno iyo agaasimayaal hay’adeed ah oo inta madaxtooyadii iyo kursigii uu maamuuska dowladnimo ku ahaa soo faarujiyo ayuu garoonka diyaaradaha qaabilaad iyo shirar kula gelayaa.

Waa wax la yaab iyo amakaag bulshada ku riday, dad badan ayaa waxay leeyihiin dowladdu kumeelgaarnimada wayba ka baxdaye muxuu madaxweynuhu isu bah dilayaa, oo uu garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ugu qaabilayaa wufuudda dalka timaada.  Kuwo isaga taageera ayaa waxay ku andacoonayaan in xildhibaanka iyo ninka hay’adda USAID ka socday ay dalka Mareykanka matalayeen oo xushmo Mareykan awgeed uu madaxweynuhu uga soo kacay kursigiisii oo garoonka diyaaradaha sidaas ugu qaabilay…!! Kuwo kalaa layaab ka keenay difaaciddaas oo yiri “Mar haddii dowladdii la aqoonsaday,  kumeelgaarnimadiina ay ka baxday wafdi dalka yimid miyaa calaamad gaar ah kala leh muxuu kursigiisa ugu sugi waayay oo si maamuus qaran ah ugu qaabili waayay xarunta dowladda looga taliyo ee madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa madaxweynaha lagu eedeeyaa inuu isku koobay qaabilaadda wafuudaha dalka yimaada iyo safarada dalalka dibadda oo uu Ra’isal wasaare Saacid ka dhigay shaqsi iska magacaaban oo howlgab ah, halka Saacidna uu cuqdad ka qaaday falalka uu samaynayo Madaxweynaha, dantaase ku qasabtay inuu iska qarsado cuqdadaas intuu andacoon lahaa, wuxuuna cod hoose oo murugo leh ku yiri “Waan ku qanacsanahay inuu madaxweynaha wafdiyada qaabilo, safarrada dibadda ahna kaligiis u baxo, ileyn nin un baa bixi lahaa ama wafdiyada qaabili lahaa, haddana isku wax uun baan u sheegi lahayne”, hadalkaasna waxaa lagu fasiray quus sarebeeban oo daah loo xiray.

Marka arrimahaas oo dhan la isku xeeriyo ayaa waxaa muuqata in madaxweyne Xasan Sheekh uu maamuuskii dowladnimo sii luminayo, waxaana madaxweynaha looga baahan yahay in arrimahaas uu wax ka beddelo, maadaama dowladdu aqoonsi heer caalami ah ay heysato, kumeelgaarnimadiina ay ka baxday.

 

Kala soco  WWW.Muqdishojoornaal.com

Cabdiraxmaan Dalmar  ( Caaqil Dalmar)

Webmaster@Mogadishujournal.com

Email this page