Arrin laga argagaxo ayay ahayd markii ay soo shaac baxday in bishii tagtay ee Maarso afar ruux lagala baxay xabsiga dhexe ee Muqdisho, kadibna si arxandarro ah oo bini’aadannimada ka baxsan loo laayay, kuwaasoo weliba meydadkooda waddooyinka Muqdisho la soo dhigay, iyadoo aanay jirin sifo sharci ah oo loo maray leyntooda iyo xabsi kala bixiddooda.

Raad cad baa la hayaa oo dadkii falkaasi sameeyay waxay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, askartaasi waa la yaqaanaa oo dowladda ayay u diiwaan gashan yihiin, haddii la doonayo in wax laga qabtaana way fududahay wax ka qabashadooda, laakiin sida loo jeedo dowladda ayaan u soo jeedin inay wax ka qabato amaba tallaabo ka qaaddo askartaas.

Xukuumadda ayaa shaacisay inay arrintaasi u istaagayso oo  ay soo baareyso, guddi wasiirro ah ayayna u saartay, balse ilaa iyo hadda lama oga wasiiradii loo saaray  halka ay ku dambeeyeen iyo sababta ay uga gaabsadeen baaritaanka dhacdadaasi foosha xun.

Lama oga in si jabaq hoose ah wax loogu sheegay oo la faray inay ka gaabsadaan baaritaanka arrinkaas,  si iskood ah ayayna guddigaasi u kala dareereen iyadoo aanay jirin cid dambe oo xukuumadda ka tirsan oo wax iska weydiisay.

Baarlamaanka ayaa kacay oo mar kale arrintaas wax iska weydiiyay, Wasiirka arrimaha gudaha ayayna u yeereen oo ay wax ka weydiiyeen, jawaab lagu qanco kama uusan bixin, kadibna guddi hoose ayuu baarlamaanku u saaray.

Xildhibaankii Guddoomiyaha u ahaa guddigii arrintaas loo saaray oo lagu magacaabo Cabdixakiin Cige Guuleed wuxuu sheegay in baaritaankooda uu caqabado hor taagan yahay, ma sheegin caqabadahaasi, laakiin waa tii uun qabsatay wasiirradii xukuumaddu u saartay ee kala dhuuntay iyagoon jawaabna ka keenin, wuxuuna xusay inaysan jirin caddeymo iyo warbixinno buuxa oo ay ku heleen baaritaankooda, balse sida uu yiri  ay ku daaleen  welina ay daba taaan yihiin.

Guddi kasta oo loo saaraa natiijo la’aan ayay kaga soo haraan baaritaanka arrintaas, waxaana muuqanaysa mar haddiiba xukuumaddii iyo Baarlamaankii gacmaha ka taageen in dowladdu aysanba ogoleyn in arrinkaas la faaqido oo macnaha waxaa loo fasiran karaa in madax sare oo dowladda ka tirsan ay wax ka og yihiin, ayna diidan yihiin in arrinkaas la baaro.

Marka arrin la ogyahay haddana aan la dooneyn in la faaqido ayaa waxay Soomaalidu tiraahdaa “Timir laf baa ku jirta”  arrinta maxaabiista lagala baxay xabsiga Muqdisho ee haddana la laayay baaritaankeedu  waa arrin ay Lafi ku jirto, oo macnuhu waa la ogyahay lamana rabo in la baarbaaro oo laga daba geeyo.

Qawda maqashii waxna ha u qaban ayay dowladdu waddaa, guddi kastaa oo loo saaraana meel cidlo ah ayuun buu kaga soo harayaa, balse waxay ceeb iyo fadeexo ku tahay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo bilihii hore firfircoonaan la soo shir tagtay haataana gaabis noqotay.

Ma aha kaliya in xabsiga  dhexe ee Muqdisho dad lagala baxee, xabsi kale oo dowladdu maamusho oo ku yaala degmada Baladxaawo ayaa iyana iyadoon kii Muqdisho bil ka soo wareegin, welina ay utuntiisu taagan tahay labo nin lagala baxay, kuwaasoo iyagana si arxandarro ah loo laayay, iyana ma jirto cid ka hadashay iska daa baaritaan ama wax ka qabasho lagu sameeyee.

Fadeexadaha iska soo daba dhacaya ee soo wajahaya dowladda Soomaaliya intaas kaliya ma ahee in kaloo ka sii fara badan ayaa jira, balse shabakadda MuqdishoJoornaal.com marna kama caajisayso soo bandhigidda fadeexadaha dowladdu ku kacayso ee haddana aan waxba laga qabanaynin.

Dherigu marka uu karku ka bato ayuun buu butaacaa, haatana way muuqanaysaa in dherigu karka ka batay oo wax la qaban la’yahay tiiyoo wasiirradu ay howlahoodii gabeen, madaxdii dowladdana dibad wareeg noqdeen, xubnihii Baarlamaankuna ay noqdeen kuwo kala shakisan oo aamusay, balse la arki doonee meesha arrini ay ku dambeyso.

Email this page