default-logo

Qaybta 22aad

Hadda oo ay Fanaxley kasii maqnayd bilo badan Rooraaye wuxuu bilaabay inuu daawado sawirradii badnaa ee ay isaga Fanaxley wada galeen waqtigii uu dhulka lagu dalxiiso ee Amboseli National Park iyo meelo badan oo dalka Kenya ka mid ah geeyey ee ay aadka u jeclaatay, inkastoo isagu waqtigaas jaceylku afka uun ka ahaa, ee uu danihiisa gaarka ah ka watay wada lasocodkeeda iyo dalxiis geynteedaba. Hadda wuxuu maaro isaga waayey in uu habeen walba ka fekero waqtigii fiicnaa ee soo maray, la socodkeedii iyo la sheekaysigeediiba. Wuxuu u arkayey in Fanaxley ahayd gabar yar oo aad u wanaagsan ayna ugu qurux badnayd gabdhihii noloshiisa soo maray. Aad ayuu u fahamsanaa inuu qalad weyn ka galay, wuuna ogaa inay tahay gabar caqli badan oo fahamsanayd inta uu le’egyahay qaladka laga galay, laakiin isagu marka ma aamminsanayn in wax uu doonayo gabari ka diidi karayso oo aanu ka dhaadhicin karayn. Runtuse waxay ahayd waqtigaan isaga ayaa jaceyl kululi dib uga yimid oo Fanaxley u baahnaa. Illaa maalintii Kenya laga tarxiilayna laba jeer oo keliya oo ay iyadu soo wacday ayay wada hadleen. Wuxuu bilaabay inuu isku dayo siduu ku heli lahaa si uu ula xariiro taasina ma fududayn waayo markay baxaysey waxaa madaxiisa ku jirey oo keliya inay dhinac uun u dhaafto oo araggeedaa dhibayey, kumana fekerayn inuu mar uun u baahan doono. Hadda oo maalinba maalinta ka dambaysa jaceylku kusii kordhayeyna waxa keliya oo uu samayn karey waxay ahayd in uu Xamar oo uuna garaneyn xataa meel ay kaga nooshahay aado oo ka baadigoobo ama inuu jaceylkiisa sawirradeeda la qaybsado oo daawashadoodu ku fillaato.

Maalin isaga oo gurigii oo taleefankiisa Fanaxley siiyey jooga, ayna tahay mid ka mid ah maalmihii uu u sheegay in la heli karo, ayaa taleefanku dhacay. Markii uu qabtayna waxaa la hadashay Fanaxley oo u sheegtay inay Xamar kasoo wacayso. Waxay xoogaa ku noqotay kadiso oo daqiiqadihii hore oo dhan ma garan si uu hadalkiisa u habeeyo oo ugu sheego wax ay Fahmi karto. Wuxuuse haleelay inuu weydiiyo inay Kenya kusoo laabato isagoo cudurdaar ka dhigayo inuu doonayo inuu dib u saxo qaladaadkii uu ka galay, iyo inuu aad u jecel yahay oo uu doonayo inay is-guursadaan. Fanaxley way yaabtay waayo Rooraaye oo waqtigii ay jeclaatay ula muuqdey nin caqli badan ayaa waxa hadda hadalkiisu ula dhadhamay sidii uu nacas yahay markii uu u sheegay inuu aad u jecel yahay, oo uu garan la’aa, raadinayeyna si uu ulasoo xariiro. Waxaa laakiin taas kaga sii darraa oo maskaxdeedu rumaysan la’ayd in uu ka hadlay jaceylkiisa laakiin aanu marna su’aalin halka ilmihii caloosheeda ku jirey ku dambeeyey, iyo sida ay u maaraysay hawshii haysatey markii Kenya laga tarxiilay. Waxay u sheegtay inay si adag u baratay jaceylkiisa oo aanay wax xiiso ah u qabin. Waxay kaloo u sheegtay in sababta ay usoo wacday ay aad uga fogtahay jaceyl oo ay doonaysey inay weydiisato inuu gubo ama jeexjeexo wixii sawir ah oo ay ku jirto oo uu hayo. Fanaxley way doonaysey in iyada iyo Rooraaye wada xariiraan oo ay mar walba ogtahay meel ay kala hadli karto ama isagu hayo meel uu kala soo hadli karo laakiin danta ay taas ka wadatayi way ka duwanayd jaceyl oo waxay doonaysey inay mar uun ka goyso khayaanadii uu ku sameeyey oo ay weli ciil badan u qabtey mana aanay illaawin inuu kaga faa’iidaystey sharci la’aanta Kenya ka haysatey oo uu si weyn wax uga qaban karey laakiin uu doonayey inuu isticmaalo u isticmaalo markii sheekadu xumaato; uuna u isticmaalay aakhirkii oo kagasoo tarxiilay Kenya. Waxay siisay lambarka guri gabar ay saaxiibbo yihiin, waxayna u sheegtay in uu halkaas kasoo wici karayo galbaha khamiista wixii afarta galabnimo ka dambeeya. Waxay kaloo u sheegtay in aanu soo wicin bishiiba hal mar ka badan, iyo in aanu mar kale weydiin inay Kenya kusoo laabato.

Waa socotaa. . . . La soco jimcaha dambe

 

error: Content is protected !!