default-logo

Qaybta 19aad

Diirshe hadda oo uu wiilkiisa yar aad u jeclaaday, in laga qaatana aanu aadba ula dhacsanaadeen inkastoo aanu marna hooyadiisa runta ah ka hor-istaageen, wuxuu muddadii yarayd oo uu Fanaxley la hadlayey isagu calooshiisa ka raadinayey bal inay jiri karto hab uu u ogaan kalo sheekada ka dambaysey wiilkii subax isagoo xanuunsan Isbitaalka Digfeer loogaga dhuuntay, haddana ay horfadhido gabadhii uga dhuumatay. Waxa keliya oo uu hadalkeeda hadda ka dhadhansaday ee uu isleeyahay waa runna waxay ahayd inay Fanaxley aad iyo aad u rabtey inay aragto wiilka. Waxa kale oo maskaxdiisa markasta kusoo dhacaysey oo uu xiiseeyey in uu wax ka ogaado tan ay Fanaxley tahay. Quruxdeedu madaxiisa kama bixin illaa maalintii ay wiilka yar uga dhuumatay, haddana waxayba ula ekayd in wax kusii darsameen laakiin waa tuma?. Way kala yarayd inay xataa wax dhali karto. Way kala qurxanayd gabar kasta oo uu weligiis horay ula soo kulmay. Laakiin marka uu eego arrinta uu egyahay inay ka suurtogashay inay samayso, barashadeeda iyo inuu arrinta wax ka ogaadaa ma imaan karaan isagoo aan halis u gelin khatar aanu hadda u baahnayn, ayuu isweydiinayey. Markii cabbaar la is hor fadhiyey, Fanaxleyna oohin aan loogu beer-jileecin iyo ilmo waddey ayuu ku yiri “Fanaxleeyeey horta waxaad tahay qof ay tahay in laga cabsado oo layska ilaaliyo. Waan kuugu celinayaaye waxaad tahay khatar lugaynaysa, markaas anigu waan ka digtoonahay subaxdii isugu keen horraysey ee taas madaxaaga geli. Inaan khatar qaato ma aha oo ku barto, haddana sababo ii gaar ah dartood waan samaynayaa. Waxaad i su’aashey in wiilkaagii noolyahay. Waxaan ku leeyahay inuu wiilkaagii yahay iyo in kale anigu ma garanayo laakiin ninkii yaraa ee aad subaxdii dhabta ii saartay waa nool yahay, waxaa . . . .” Isagoo aan dhammaysan hadalkii ayay oohin cusub dib u bilawday, waxayna damacday inay si ay si fiican ugu mahadiso, ay gacantiisa soo qabato, laakiin Diirshe taas waa ka boodey oo kama oggolaan. Mana sii sugine inta kacay ayuu ku yiri “gabar yahay halkaas ha inoogu joogto anigu hawlo badan baan leeyahay oo waa kaa sii soconayaaye . . . .” Mar kale ayay Fanaxley kasoo dhex dhacday isagoo aan dhammayn hadalkii ” Abboowe ma kaa runbaa oo waxaad rabtaa inaad sidaas igaga tagtid adigoo aan xataa ila ballamin oo ii sheegin meel aan kaa soo raadiyo. Dadku way qaldamaane sidaas walaalow ha ii gelin ee ugu yaraan tixgeli inaan hooyo ahay oo aan ka sheexsanahay wixii aan hore u sameeyey, aanna u dhimanayo inaan canuggayga arko. . . . . war walaalow. . . .” Diirshe oo awalba u istaagey inuu arko sida ay tegistiisa u fasirato oo uu doonayo inuu iyada wax kaga ogaado wuxuu hadda is-fahamsiiyey in ugu yaraan ay dhab ka tahay inay wiilka aragto. Isagoo aan wax jixinjix ah muujin ayuu wuxuu ku yiri “Dhegeyso, maanta waa Axad, Isniin iyo Talaadana anigaa mashquul ah oo kuma arki karayo. Maalinta Arbacada ah laba saac oo subaxnimo (siddeedda subaxnimo) waxaan kugu sugayaa Boostada Weyn horteeda, waxaadna sii ogaataa in wiilku Afgooye joogo oo aan halkiisa kugu soo tusayo laakiin aan lasoo wadeyn, waana inaad keligaa tahay oo aan qof kale ku raacayn.

 Waa Socotaa . . . Ha Moogaan Jimcaha Dambe > > >

error: Content is protected !!