default-logo

Fanaxley, way ka gududbtey heerkii calool-jileeca iyo oohinta. Waxay garwaaqsatay sida qaladka ay samaysay u weyn yahay, iyo in qalabkaas ballaaran bar kasta oo ka mid ah Rooraaye soo isticmaalay, oo uu si foolxun uga faa’iidaystey. Lacagta yar ee uu sariirta ku dul tuuray, ee uu jidmarka uga dhigayo waxay u aragtay mid ka mid ah khayaanooyinkiisa aan la tirin karayn, ee uu ugu talogalay inuu ku damiyo dabka uu shiday, wayna fahamtey in dacaayaddiisa ah inu doonayo inaan gabar Soomaaliyeed Nairobi ku dayacmin waxba ka jirin. Danta keliya ee uu ka yeesho gabar Soomaaliyeed iyo mid cid kale u dhalatayba waxay ahayd tan uu ka gaarey Fanaxley, oo runtii ahayd mid meeshii uu isku dayaaba u riixantey oo si layaab leh u fudud. Markay arrinta dib u eegtana, Fanaxley way fahamsaneyd inuu sidaas u arkay, taas ayaana sii gubaysey, oo aan kala hawl yarayn ilmaha caloosheeda ku dhex koraya. Markay inyar calool-adayd iska baarbaartay oo arrinta dusha ka eegtayna waxay is-fahamsiisey in aanay sax ahayn inuu Rooraaye hawl yaraantaas isaga dhaqaaqo.

Talo cusub ayaa madaxeeda kusoo dhalatay. inta sariirrtii kasoo booddey, oo iyadoo wiishkii hoteelkaba aan xasuusan orod jaran-jarada kaga soo degtey ayay timid bartii Soo Dhoweynta Hoteelka. Waxa waqtigaas shaqada ku jirey wiil shaqaalaha ka mid ah oo Paul loogu yeero. Markay salaantay ayuu weydiiyey waxa uu ka caawin karo. waxay ugu jawaabtey: Paul aad baad u mahansan tahay laakiin waxaan moodayey inay Bridgette saaka shaqada leedahay oo iyadaan u baahnaa ee ma imaan doontaa mise?. ”Haa mar dhow ayay imaan doontaa. . . . Laakiin. . . haddii aadan inaan ku weydiiyo waxba ka qabin, waad yara degdegsan tahay ee ma dhib weyn baa jira? waayo waxa laga yaabaa inaan aniguba wax ka qaban karo” ”Maya, maya Paul waad mahadsan tahay, dabcan waan kuu sheegan lahaa haddii wax dhib ahi jirto laakiin ma jirto ee waa . .. . . waa. . .waad fahmaysaa in gabdhuhu siyaabo gaar ah u sheekaystaan marka. . .” Intayan hadalkii dhammayn ayuu usii fududeeyey Paul oo isagoo qosol badan ku dhex daadinaya yiri ” Haah, waan fahmey hawlihiinnii iyo xantii ragga. . .iyo sida ciiddiyaha loo qurxiyo. . .iyo hawlahaas . . .anigu kuma jiro oo waxaa roon inaad Bridgette iska sugtid waayo waaba shaqadeeda” ”Waad ku mahadsan tahay inaad si fudud u fahamtey laakiin goormaad rajeyneysaa imaatinkeeda?” Fanaxley baa sii su’aashey Paul.

Isagoo yara ilkacaddaynaya xoogaana layaabban degdeggeeda ayuu farta ugu fiiqay dhinaca albaabka oo ay markaa kasoo gelayeen saddex gabdhood oo shaqaalaha hoteelka ka tirsan oo ay Bridgette ka mid tahay. Fanaxley inta xaggoodii usii dhaqaaqday oo dhammaantood si guud u salaantay ayay u sheegtay Bridgette inay aad ugu baahan tahay inay qolka ugu timaaddo. Markay qolkeedii ku laabatay daqiiqado yar kaddib ayay Bridgette u timid. Sababta ay gabdhaha shaqaalaha ah iyada uga xulatay oo u go’aansatay inay sirteeda iyo dhibka haysta ugu sheegataa waxay ahayd inay si gaar ah wax uga ogayd xiriirka Fanaxley iyo Rooraaye, Waxaa kaloo jirtey in Fanaxley ogeyd in Bridgette wax badan ka taqaan Rooraaye, oo ay marmar isweyndiin jirtey sababta ay sida aadka ah ugu neceb tahay Rooraaye, hawsha Fanaxley u taallaana uma baahnayn qof Rooraaye jecel. Markay Bridgette soo gashay waxay dhinaca kaga fariisatay sariirtii Fanaxley, oo si kaftan ah ugu tiri: ”Gabarey aniga sida Soomaalida lacagta iskama helo ee waa inaan shaqaysto ee warka ii boobsii, inkastoo aan badankiisa haddaba ogahay” Fanaxley oo hadalkaas ka yara naxday ayaa tiri ” Maxaad ogtahay saaxiibey anigoo dhan baa shaki keliya noqdaye?”

”Waxaan ogahay in kooley sababta aad iigu yeertay ay la xariirto Rooraaye waayo isagana waan aqaanna, naagahana, xataa anigana igu daroo waan aqaannaa oo kuma jirto mid ninkaas xun iska celin karta, marka sannad walba ama mid ama labo waa in uu kaga oohiyo. . . sharcigana wuu ka sarreeyaa waayo lacag badan buu haystaa . . .” Bridgette baa afka furatay iyadoo aan weli Fanaxley dhegeysan” Fanaxley ciil badan baa ka qabtay waxa Bridgette ku hadlayso waayo waxaa ahayd inay dhawr bilood ka hor maqasho, hadda oo xeero iyo fandhaal kala dheceenna wax macno ah ma samayn karin, kaman qarin Bridgette dareenkeeda ee inta hadalkii dhexda kaga soo dhacday ayay ku tiri:

” Bridgette waxaan kala garan la’ahay doqon iyo xaasidad kan aad tahay! maxaad buuggiisa dhawr bilood kahor iigu akhrin weydey hadda muxuu ii taraya warkan macno darrada ah ee aad daldalaysaa . . . . bal eeg…” oo waxay si xoog ah oo caaddifad badani ka muuqato dhabta ugu saartay waraaqihii shaybaarka ee acddaynayey inay uur leedahay, dabadeedna oohin baa soo dhaaftay. Bridgette inta horay arrinta culayskeeda ka fahamtey, oo Fanaxley soo qabatay, xabadkana xabadka u saartay ayay sidii laba gabdhood oo guri kusoo wada koray u dejisey, ilmadiina uga masaxday, oo ku tiri:

”Fanaxley saaxiib hadda waan fahmey meesha arrintu gaartey, nasiib darro waa inaan shaqeeyo. in aanan kuu digin waa arrin adag, laakiin ogow in aynaan waqtigaas aad isu aqoon aadna saaxiib la ahayd nin aan aad iyo aad u necbahay, laakiin in Rooraaye gabdhaha adduunka oo dhan ula dhaqmo sida wax uu isagu leeyahay ma yeelaynno oo sidaan kuma sii socon karto. . . .” Intayan hadalkii dhammaysan ayaa waxaa albaabka soo garaacday gabar kale oo loo soo diray inay Bridgette u yeerto si ay shaqada ugala wareegto Paul, oo ay ahayd inuu tago,

”Galabta markaan shaqada ka baxo ha inoo ahaato waan israacaynnaaye…”

Waa Socotaa . . . . La soco Jimcaha dambe. . . .

 

error: Content is protected !!