default-logo

Diirshe waqti barqo dheer ah ayuu kasoo toosay gurigii eeddadiis ee Afgooye. Markii uu shalay guriga soo galay isagoo sita wiilka yar iyo boorsada ilmaha yar dharkiisu ku jirey waxaa ka muuqdey rafaad iyo dayac badan, dushiisana wasakh badan oo uu qolkii lagu xiray kasoo qaaday ayaa ka muuqatey. Eeddadiis oo waqtigaas araggiisa aad uga xumaatayi inta wiilkii yaraa ka qaaddey ayay u sheegtay inuu qubaysto, dharkana iska beddelo, waxayna tustay qol uu seexdo. Markaa shalay ma aanay helin waqti ay isku waraystaan, oo wuxuu Diirshe ku dhacay qolkii la tusay isagoo aan weli duqda u wadrramin. Eeddo way dareensanayd in wax qasan yihiin laakiin ma garanayn meel ay arrinta saarto waxayse isaga badinaysey inuu canugga isagu dhalay laakiin uu dadka ka qarinayey, haddana loo soo tuuray. Rafaadka iyo wasakhda ka muuqatase way garanla’ayd si ay u fasirato. Markaa inuu soo toosay oo ay waraysan karayso way ku faraxday. Iyadoo xambaarsan wiilkii yaraa ayay Diirshe u keentay quraac, soona fariisatay kursi kasoo horjeedey.

“Eeddo maxaa nooga qarinaysey wiilka, nacasyohow ma ninkaan oo kalaa qarssoomi kara? Adiga aad kuuguma eka laakiin eeddo waa aabbahaa oo halkaa taagan! Bal indhaha waaweyn iyo dhegaha day!” ayay tiri iyadoo rajeynaysa inuu Diirshe furfurmo oo warka u kala dhigdhigo. Waxay haddana sii raacisay “Eeddo hooyadiis aaway? Maxaa isku layseen haddaad intaad oo dhanba isqarsanayseen?”

Diirshe wuxuu rabey inuu Xamar aado oo wiilka eeddadiis uga sii tago, wuxuuna garwaaqsanaa in haddii uu eeddadiis runta u sheego ay sheekadu du sii dheeraadnayso, oo sharraxaadda arrinta aanu si fudud ku dhammayn karayn. Wuxuu doorbidayey inuu runta markale usoo laabto oo hadda ku raaco eeddadiis sida ay iska aammintey. Isagoo taas ka duulaya ayuuna eeddo u jawaabey; “Eeddo wax sidaa u weyni hooyadiis nama dhexmarine shalay baan isaga fududaaday intay xoogaa si kulul iila hadashay, gabdhaha yaryar ee waayadanna waad taqaannaa kibirkooda”. “Waryaa wixii shalay kaa muuqdeyi dagaal fudud kama imaane runta ii sheeg, waan arkayey shalay in xataa dhulka lagugu jiideye, bal shaatigaagii dhiiqada ku taal. Meel kastoo aad shalay ka timidba waxay ahayd meel belaayo ka dhacdaye ii warran, adigu isuma jeedine waad rafaadsanayde” ayay eeddo ku tiri iyadoo muujinaysa inay rumaysan tahay in dagaalka ka muuqday markuu yimid uu ka weynaa mid gabar keli ahi ka dambaydey. Wuxuu arkay inaan eeddo cayaar lagu dhaafayn, dabadeedna inta ku dul fikiray ayuu yiri “Maya eeddo intaan xanaaqay baan dharbaaxay dabadeedna askar bay iigu yeertay oo qol wasakh ah baan ku xirnaa laba beri” “Ba’aye wiilku ma nacas baa? oo maxaad noo soo wici weydey aan wiilka kaa qaadnee?  Yaa intaas wiilka hayey?” ayay su’aashey.  “Eeddo wiilka ayeeyadiis baa haysey marka waxaan uga soo qaaday waa islaan weyn oo iska jirroole ah, ee aad bay wiilka u dhaqaalaynaysey” ayuu ku yiri, oo haddana wuxuu sii raaciyey “Eeddo hadda waa tegayaa oo islaaantaas baa rabta inay gabadha na heshiisiiso oo aan la ballansanahaye ninkaan iisii hay” “War ninkaani ayeeyadiis hadduu u yimid idiinma baahna ee soo maslaxee oo gabadha nasoo bar, oo dadka soo dhexgeli wiil quruxlow ah bayba noo dhashaye” eeddadiis baa si daacadnimo ah ugula dardaarantay.  Diirshe waqti badan iskama lumine inta waxyar astaanka gaadiidka dadweynaha ee Afgooye usii lugeeyey ayuu caasi horay ugasii raacay. Hawlo badan ayaa madaxa ugu jirey inuu qabto markuu Xamar soo gaaro. Wiilashii saaxiibbadiis ee uu Xamarjadiid la degganaa inay waxa ku dhacay aad uga walaacsan yihiin oo ay meel walba ka raadinayaan waa iska garanayey. Inuu suuqa Bakaaraha mar gaaro oo raggii uu la macaamili jirey soo fiirshana qorshahay ugu jirtey, laakiin inuu Fanaxley ka baadi goobo magaaloweynta Muqdisho wax kala muhiimsanaa ma jirin. Wuxuu marwalba ku fikirayey inay gabadhaasi wanaaggiisii ka faa’iidaysatey oo kasoo qaadday inuu nacas yahay. Inuu taas u caddeeyose waxaa kala weynaa bal inuu ogaado gabadhii magaca Fanaxley isugu sheegtayi qofka ay tahay, iyo sababta ay dadkii maalintaas Digfeer joogey iyo Xamar oo dhanba isaga ugala baxday oo ku dooratay inay wiilkeeda ku rarto.

waa socotaa. . . . .    Ha moogaan jimcaha dambe. . . . .

error: Content is protected !!