default-logo

Albaabka garaacistiisa ayaa toosisay Fanaxley. Inta soo kacday iyadoo weli qabta dharkii ay shalay galab dhakhtarka ku aaddey oo ay sariirta kula dul gama’day shalay markay oohintii ku daashey, ayay tartiib u furtay albaalka. Waxaa soo galay Rooraaye oo macawis xiran, ayna ka muuqato inuu xalay hoteelka seexday ee aanu meel dheerba ka imaan. ‘Gabdhaha hoteelkaa ii sheegay inaad maalmahaan xanuunsanayd xalay markii aan imid laakiin ma rabin inaan ku toosiyo oo waan iska seexdaye sidee tahay macaaney?’ ayuu ku salaamay inta sariirta dhainac kaga fariistay. Meel ay ka bilawdo jawaabta ayay xoogaa garan weydey. Ma eedaysaa . . . . Ma arrinta soo korortay bay u hormarisaa? Ma meeshuu intaas kaga maqnaa bay su’aashaa?. Waqti aad u gaaban ayay milyan talo oo kala duwani madaxeeda isugu yimaadeen. Markay ku yara wareertay ayay si aan caafimaad fiicani ka muuqan u tiri ‘Aad iyo aad baan u fiicnahay, laakiin maxaa ii weydiisey sida aan ahay sidii nin dan kaleh?’ Rooraaye oo xoogaa yaabban halka laga soo galayna aan wax fikrad ah ka haysan, laakiin isaga qaatay inay ka xanaaqsan tahay dhawrka casho oo uu maqnaa, soona wicin ayaa ugu jawaabey ‘Markii isugu keen dambeysey waxaad rumaysnayd in wax weyni inaka dhexeeyaan, ee yaa ina qasay dhawrkii beri oo aan maqnaa?, maad ii warranatid horta abbaayo’. Iyadoo aan wax waqti ah khasaarin ayay horay jawaabtii uga celisay oo tiri: ‘Abboowe cid kale magaalada kama aqaan, markii haddii cidi wax iga qastay, adiga uun buu noqon karaa’. Rooraaye wuu dareemay hadalka ku saabsan inay keligiis magaalada ka garanayso. Weli wax fikrad ah kama haysan waxa gaarka ku ah maanta, maadaama uu ogaa inayan ahayn markii ugu horraysey oo uu iska maqnaado isagoo aan waxba u sharxin. Laakiin wuxuu isaga badiyey inay tahay mid cusub oo ka mid ah xeeladaha aan la tirin karin ee dumarka, oo kolley ay hawl uun ku dhammaysanayso. Si uu ugaga dhegeysto meel ku habbonna, inta canka mac weyn ka siiyey ku yiri ‘Abbaayo hadda weli waad daallan tahay, aniguna shaqo yar baan garoonka Jomo Kenyatta kasoo kala tuurayaa, marka ka warran haddii aan maqribkii baarka hoose ee hoteelka kuugu imaado adigoo diyaar ah, oo aan caawa casho isu raacno?, waayo haddii kale adigoo aan waxba ii sharxin baad igu sii xanaaqaysaa!’. Fanaxley inta sidii ay qalbigiisa waxa ku jira akhriyayso indhaha cabbaar ka eegtay bay tiri: ‘Abboowe ma garanayo wax aan rumaysto iyo wax kale ee waa yahay lixda maqribnimo waxaan kugu sugayaa baarka’. Rooraaye markuu ka tegey Fanaxley walaacii iyo calool-xumadii ay booqashadii dhakhtarka kasoo qaadday ayaa dib ugu soo noqday. Fikirkeedii hore ee jacaylka ay Rooraaye u qabtey ku salaysnaana waxa beddeley dareen ah inay arrinta ku fududaatay oo ay ahayd inay is-ilaaliso. Wax caadiga aad uga fog weli kama aanay arag Rooraaye laakiin waxay garwaaqsanayd in inta badan nolosha, qaladaadka waaweyn ee qofku sameeyo  cawaaqibkooda aan cayaar-cayaar looga baxsan, oo uu qofka ku sugo meel hore oo dariiqa qofku marayo ka mid ah. Marmar yar waa la arkaa shakhsiyaad nasiib badan oo ka badbaada cawaaqibka falalka ayan ka fiirsan laakiin inay iyadu ka mid tahay ma rumaysnayn, mana beenin karin waayo in ku filan kama ayan aqoon Rooraaye. Taas ayaana keentay, sida dadka badankoodaba ku dhacda, inay waqti xeero iyo qudde kala dhaceen, walaacdo oo garwaaqsato inay fududaatay.  Markii la gaarey waqtigii ballanta ayay baarka hoteelka ku kulmeen, oo iska raaceen. Waxay tageen  makhaayad weyn oo magaalada hoose ku taal aan aad uga fogayn hoteelka, oo Rooraaye yaqaanney kana cashaysiin jirey dad shaqooyin kala duwani ka dhexeeyaan. Waxay faariisteen meel dhinac ah oo iftiinku ku yar yahay. Fanaxley inkastoo ay rabtey inay waxyaalo badan kala caddayso oo si wacan u ogaaato waxa uu Rooraaye ka damacsan yahay, haddana caawa hal arrin ah ayaa liiskeeda ugu sarraysey, oo waxa uu ka oran doonaa uga dhignaayeen nolol iyo dhimasho midkood. Shukaansi ereyo jaceyl ah u badan iyo qaddarin ay sida saygeedii ugula dhaqmayso ayay intaa hoos kaga waddey oo ma aanay doonayn in Rooraaye arrinta ka boodo. Waxay rabtey in uu xanaaqeeda u arko in jaceylkeeda dartiis ay qaadan weydey inuu dhawr casho iska maqnaan karo isagoo aan lasoo hadlin iyo inay ka walaacsanayd inaan isaga wax kale ku dhicin. Qalbigase waxay kaga ducaysanaysey inaanu ku boodin markuu arrinta weyn maqlo, oo ay dhab ka ahayd hadalkii uu hore ugu sheegay oo ahaa inuu jecel yahay inay guri wada degaan, oo aanay Xamar ku laaban si ay u wada noolaadaan. Guri wada degaan?!. Marka ay dhadhansato ereyadiisii hore shaki yar baa macnaha uu ka wadey kasii gelayey. Waxay is-weydiinaysey sababtu uu ‘is-aroosid’ ama ‘guur’ u isticmaali waayey inta uu ka hadlayey hoteel ka guuris iyo guri wada degid. Markay cashadii bilaabeen ayaa Rooraaye ku yiri ‘Haye Fanaxley, warka soo daayoo ii kala dhigdhig sababaha aad igula dagaashay, mise markaad xoogaa xanuunsatay baad waxaad ka baqday inaad dhimatid innagoo aan is-arag?, aad baan xanuunkaaga uga xumahay abbaayo waadna ogtahay taas, laakiin maqnaanshahayga waxba lagama qaban karo waaya shaqadaydaa u baahan’. Fanaxley inta waxyar aammustay ayay ku tiri ‘ Rooraaye waad ogtahay in aanan hadda kahor kugula xanaaqin maqnaanshahaaga dartiis. Laakiin waxa jirta arrin muhiim inoo ah oo aan rabey inaan kula qaybsado, sidaan kuula sugayey arrintaas baan . . . . ma fahmeysaa abboowe. . . . baan iska xanaaqay.. . . markaan ku arkeyna waa kugula dhacay’

Rooraaye waxa macno u sameeyey ereyada ah ‘arrin muhiim ah’, laakiin wuxuu sugi la’aa inay sii faahfaahiso. ‘Arrin muhiim ah inoo ah’ miyaad tiri abbaayo?’ ayuu ka horgeeyey. ‘Haa sidaan aniga u qaatay waa arrin aniga iyo adigaba muhiim inoo ah’ ayay tiri. Rooraaye inta sii xujoobey, oo dhinac uu wax u qaado garan waayey ayuu Fanaxley ku yiri ‘Soo daa aan maqlee, arrimo muhiim ahi waayadaan imaba soo marine’.  Fanaxley inta boorso yar oo ay sidatey furtay ayay ka soo saartay waraaqihii shaybaarka ee dhakhtarku soo siiyey shalay, iyagoo isku duubanna u dhiibtey. Rooraaye Isagoo u haysta inay waraaquhu yihiin biilalka hoteelka oo aanu dhawr beri bixin, ama wax fiisadeeda la xariira ayuu tartiib inta u kala furay akhriyey. Si fiican ayuu u fahmey arrinta ay ka hadlayso oo warqadaha ku qoran. Inta sidoodii isugu duuduubay oo u celiyey ayuu ku yiri ‘Waxaad tiri waa arrin labadeenna inoo muhiim ah; laakiin sheekada warqadda ku qorani waa arrin adiga muhiim kuu ah; aniga Rooraaye ah waxa muhiim ii ahaa welina ii ah waa adiga Fanaxley ah oo sidii aan isku barannay ah, war aad u cad sow ma aha abbaayo’. Fanaxley inta u qaadan weydey warka dhegeheedu maqlayaan, dhulkiina kusii yaraaday, ayay iyadoo ilmo labada dhabanba ka dareerayso waxaa afkeeda soo dhaafay ‘Rooraaye ma kaa dhabbaa abboowe . . . .maya dheh waan ku baryayaaye abboowe. . . . .maya dheh xataa halmar’ Intayan dhammayn hadalkiina inta qaadan weydey ayay xagga musqulaha oohin kula carartay.

WAA SOCOTAA. . . . .. . . . .

HA MOOGAAN JIMCAHA DAMBE

error: Content is protected !!