default-logo

Fanaxley  waxaa ma marsiiyey dalxiis aanay marna ku fekerayn. Habeen kastana waxaa loo casho geeyey meel middii hore kasii wacan. Meelaha lagu dalxiiso eek u yaal agagaarka Amboseli waxay u kala baratay sidii ay Beeraha lagu soo nasto ee Afgooye iyo Jannaale u kala taqaanney si ku dhow. Waxaana usii dheeraa inay hadda kala baratay xayawaanka duurjoogta ah oo dhulkaas aad ugu badnaa, oo habeenno iyo maalmo badan lagu soo daawadsiiyey baabuur hawshaas loogu talogalay oo dusha ka furan. Markii ay dhawr usbuuc kaga dhergeenna waxay uga sii gudbeen Xirmada Xayawaanka Duurjoogta ah ee Serengetti, oo ay marar badan ooh ore kusoo aragtay filimmo xayawaanka duurjoogta ah ku saabsan. Markii ay dalxiiskii soo dhammaysteen, waqti galabgaab ah ayay soo galeen magaalada Nairobi. Aad ayay labaduba u daallanaayeen. Rooraaye inta Fanaxley hoteelkii ku dejiyey ayuu horay kasii baxay si uu isaga geeyo baabuurka kirada ah, ugana wardoono hawlihiisii oo uu muddo ka maqnaa. Fanaxley inta qolkeedii gashay, oo dharkii iska beddeshey ayay sariirta isku kala bixisay. Waxay ka yara fakartey muddadii ay dalxiiska ku jireen, iyo meelihii layaabka lahaa ee ay soo mareen. Waxyaabihii ay soo sameeyeen iyo siduu u wanaagsanaa waqtigii ay soo qaateen. Runtii way kala weyneyd waxyaabaha ay ku fekeraysey inay soo samayn doonto markii ay Kenya soo aaddey. Waxkasta oo la fiicnaadase waxaa kala qiimo badnaa wiilkaan cusub oo nolosheeda kusoo biiray, ayna maalinba maalinta ka dambeysa soo jeclaanaysey muddadii ay maqnaayeen.  Isagu inkastoo uu marar badan usoo sheegay inuu aad u jecel yahay haddana waxay la yaabbanayd xoogaa in aanu ka hadlin sida ay dalka ku joogi doonto iyo inuu guur ku talo jiro midna. Muddo ayay hoteelkii sii degganaayeen inkastoo Ordaaye marar badan aanu soo seexan jirin, oo uu ahaa nin hawlo badan magaalada ka leh, dad bandanna ballammo kala duwan la leh maalmo iyo habeenno badan. Markasta oo ay kulmaan wax kasta oo ay doonayso ayuu u samaynayey, wuxuuna u sheegayey inuu aad u jecel yahay laakiin mararka uu maqnaanayo ma aanay aqoon waxa uu ku maqan yahay iyo xataa in noloshiisa gabdho kale ku jiraan. Dhawr bilood markii ayan waxba hubin ayay inta habeen la ballantay, isu raaceen makhaayad weyn oo ay wada garanayeen. Waxay ku talo jirtey inay wax shaki ah jcaylka ay isu qabaan iyo mustaqbalkoodaba ka saarto oo ay si toos ah u weydiiso sida uu damacsan yahay. Laakiin intaanay ku bilaabin ayuu Ordaaye kala hormaray oo u sheegay inuu aad u jecel yahay oo uu aad u rabi lahaa in ayan Muqdisho ku laaban ee Nairobi la joogto oo ay guri wada degaan hoteelkana ay kasoo guurto hal usbuuc ka dib. Dib ayay isugu celisey wixii ay doonaysey, oo waxay isu sheegtay inayan degdegin maaddaama isaguba sidaas u fekerayo.

Cashadii kaddib waxay soo wada fiirsadeen filim, kaddibna inta hoteelkeedii geeyey ayuu usheegay inuu garoonka diyaaradaha aadayo oo uu hawl ka leeyahay, oo uu berry u imaan doono. Markuu ka tegey way iska seexatay. Waqti habeen barkii ah ayay Fanaxley xanuunsatay. Ma jirin si ay ula xariiri karto maaddaama aanu meel mucayyin ah ku sugnayn. Dadkii hoteelka ka shaqaynayey ayaa xoogaa caawiyey. Subaxdii markii waagii baryey ayay u yeeratay taksi oo waxay aaddey dhakhtar gaar ah. Waxaa laga qaaday saamballo dhawr ah, daawana waa lasoo siiyey fudud, wuxuuna u sheegay inay soo laabato saddex casho ka bacdi. Rooraaye dhawrkii casho eek u xigay ma imaan hoteelka inkastoo Fanaxley xanuunsanayd, oo ay maqnaanshihiisa aad u dhibsanaysey. Markii saddexdii casho dhammaatay ayay ku laabatay dhakhtarkii. Cabbaar markay kusi ku fadhidey oo sugaysey ayuuna ugu yeeray qolkiisii. Wuxuu u sheegay inuu ka baqayey waxyaabo kale laakiin aanay wax cudur ah qabin laakiin ay uur toddoba usbuuc ah leedahay. Way naxday oo waxay ku noqotay sidii adduunkii lagu soo yareeyey oo kale. Lugaha ayay culays ka dareentay oo waxa ku adkaatay inay kursigii ka kacdo. Inta kasoo baxday dhakhtarkii, buugaag yaryar oo loogu talogalay dumarka uurka leh inay ka bartaan is-nafaqaynta, oo dhakhtarku soo siiyeyna qashin-qub bannaanka yaalley kusii daadisay ayay si degdeg ah taksi ugu sii raacay hoteelkeedii, dabadeedna bilawday inay qolka gudihiisa ku oydo. Waxaa kale oo u taalley in fiisada ay dalka ku joogtaa kasii dhammaanaysey, kordhin dambena u harsanayn, iyo inay tahay maalintii afraad oo Ordaaye maqan yahay, isagoo aan marna taleefan soo dirin.

Waa Socotaa . . .
Ha Moogaan Jimcaha Dambe . . .

error: Content is protected !!