Rag hubeysan ayaa waxay Magaalada Muqdisho ku toogteen mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka, kana mid ahaa Ergaydii Ansaxinta Dastuurka iyo Xubnihii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Maxamuud Codey oo ka mid ah Odayaasha Golaha Dhaqanka ee Deegaanada Soomaalida laga soo xulay, ayaa waxaa casir liqii galabta lagu dilay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Xilli Maxamed Maxamuud uu doonaayay in uu gaarigiisa uu dhigto garaash ku yaala Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir, ayaa waxaa loo galay xilli uu garaashka uu gaariga uu soo dhigtay, kuna soo sii jeeday hoygiisa.

Garaashka iyo hoygiisa oo wax yar uun isu jira ayaa waxay kooxo hubeysan ay ku toogteen inta u dhaxeyso, iyagoo sidoo kalana horey uga sii qaatay bistoolad uu watay, taasoo uu u sitay si uu isugu ilaaliyo.

Ragga dilay Oday Dhaqameedkaan oo tiradoodu lagu sheegay ilaa seddex nin ayaa waxay markiiba ay isaga baxsadeen Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan inaysan jirin cid ka daba tagtay oo baacsatay raggaasi, ka gadaal markii ay si dhaqsi leh ay isaga baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Jimcihii ayay ahayd markii mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka uu si dirqi leh uu uga badbaaday ilaa seddex nin oo hubeysneyd, wadatayna gaari nooca raaxada ah, oo ay markii dambe ku wateen xaaskii uu qabay oo ay hoygeeda kala soo baxeyn.

 kala soco warkaas   WWW.MOGADISHUJOURNAL.COM
Email this page
Social Share Toolbar