(mjournal):Soomaaliya ayaa mar kale qeybta sare uga jirta liiska dalalka ugu musuqmaasuqa badan ee caalamka, sida lagu sheegay warbixin sannadle ah oo ay soo saarto hay’adda eegta hufnaanta dhinaca maamulka ee lagu magacaabo Transparent International.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka Denmark, Finland iyo New Zealand ay noqdeen dalalka ugu musuqmaasuqa yar adduunka, halka Soomaaliya, North Korea iyo Afghanistan ay weli yihiin dalalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka.

Dhowr jeer oo hore ayay Soomaaliya kaalinta ugu hooseysa ka gashay xagga hufnaanta maamulka.

Warbixinta oo maanta la soo saaray ayaa lagu sheegay inay heerarka laaluushka, ku xadgudubka awoodda iyo heshiisyada qarsoon weli ku badan yihiin dalal badan oo caalamka ka tirsan.

Elmi Mohamed Ware,

webmaster@mogadishujournal.com

Email this page
Social Share Toolbar