(mjournal):Madaxweynaha dalka Turkiga Abdullah Gül ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo hay’adaha Turkiga ay sii ballaarin doonaan barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bini’aadannimo ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Abdullah Gül ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen asaga iyo madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku kulmay magaalada Ankara ee Turkiga.
Madaxweynaha Turkiga ayaa saxaafadda u sheegay in kulankii uu la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhammaaday guul iyo is-afgarad.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga ammaanka ee labada dal iyo sidii dowladda Turkiga ay kor ugu qaadi lahayd mashaariicda horumarineed ee ay ka waddo gudaha Soomaaliya.
Waxaa la filayaa inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maalinta berri ah la kulmo raysul wasaaraha Turkiga Recep Tayip Erdogan iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.
Turkiga wuxuu ka mid yahay dalal dhowr ah oo Soomaaliya u soo gurmaday xilligii abaartii sannadkii hore, iyadoo raysul wasaare Recep Dayib Erdogan iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ay dabayaaqadii sannadkii hore booqdeen magaalada Muqdisho.
Wafdiga Erdogan waxaa ka mid ah xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo uu dhalay, raysul wasaare ku xigeenkiisa, wasiirro, xubno ka tirsan baarlamaanka, dhaqaatiir iyo fannaaniin. Hay’ado laga leeyahay Turkiga ayaa mashaariic horumarineed ka sameeyay magaalada Muqdisho.
Socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xiriira casuumaad uu ka helay dhiggiisa Turkiga Abdullah Gül, waxaana safarkiisa ku wehliya raysul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha dibedda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Saleebaan.
Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Xasan booqasho ku tago dalka Turkiga, tan iyo markii uu noqday madaxweynaha dowladda Soomaaliya horraantii September ee sannadkan.
Elmi Mohamed Ware,
webmaster@mogadishujournal.com




/>















Mogadishu Time





