(mjournal):Wasaaradda warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday inay billaabi doonto tababarro dhinaca horumarinta saxaafadda ah oo la siin doono weriyeyaasha Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay inay wasaaraddiisa diyaarisay tababarro lagu horumarinayo aqoonta iyo tayada weriyeyaasha Soomaaliyeed, kuwaasoo lagu wado inay ka dhacaan gudaha iyo dibedda dalka.

Ciil-mooge wuxuu sheegay inay tababarayaal ajnebi ah oo khibrad ah bixiin doonaan tababarrada, kuwaasoo uu sheegay inay soo xulatay wasaaraddiisa.

Wuxuu sheegay inuu rabo la kulmidda mas’uuliyiinta hay’adaha warbaahinta ee ka howlgala Soomaaliya, si ay wada shaqayn dhow u dhex marto wasaaraddiisa iyo warbaahinta maxalliga ah.

Wuxuu muujiyay sida uu uga xun yahay dilalka iyo dhibaataynta joogtada ah ee ka dhanka ah weriyeyaasha Soomaaliyeed, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inay mudnaanta koowaad siinayaan xaqiijinta ammaanka suxufiyiinta.

Ciil-mooge wuxuu weriyeyaasha ka dalbaday inay ilaaliyaan anshaxa saxaafadda iyo shuruucda caalamiga ah ee warbaahinta

Wasiirka wuxuu sheegay inay dhowaan ansixin doonaan xeerka warbaahinta si dowladda ay ugu suurtagasho xakamaynta warbaahinta iyo xaqiijinta inay hay’adaha warbaahinta sida ugu habboon ugu adeegaan bulshada.

Elmi Mohamed Ware,

webmaster@mogadishujournal.com

Email this page
Social Share Toolbar