(mjournal):Maxkamad ku taalla magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa min saddex sano iyo bar oo xabsi ah ku xukuntay Talaadadii shalay 11 nin oo burcad badeed Soomaali ah kaddib markii lagu helay falal burcad badeednimo.
Raggan ayaa lagu helay dambi ah isku day afduub markab nooca shidaalka qaada oo laga leeyahay Talyaaniga oo la sheegay inay ku weerareen xeebaha bari ee dalka Yemen.
Waxay markabka oo lagu magacaabo Valdarno weerareen bishii January ee sannadkan.
Ciidamada badda ee Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka NATO ee ka dhanka ah burcad badeedda ayaa gacanta ku dhigay burcad badeeddan wax yar kaddib markii uu fashilmay isku dayga afduubka markabka sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga.
Elmi Mohamed Ware,
webmaster@mogadishujournal.com




/>






Mogadishu Time





