(mjournal):Rajada Chelsea ay ugu soo bixi laheyd wareega 16ka ee Champions League ayaa ka sii raaracda god dheer, iyadoo Juventus ay uga cadcadahay inay u gudubto wareega 16ka, halka Shakhtar ay iyada mar hore booskeeda sii carbuunatay.
GROUP E ayaa caawa la filayaa inuu noqon doonto kulamadiisa mid indhaha lagu wada hayo, iyadoo kooxda difaacaneysa Champions League ay la kulmeyso kooxda Norsjaelland iyagoo og in mustaqbalkooda koobkaan uu ku xiran yahay Juventus oo guuldarro ay ka soo gaarto Shakhtar Donestk.
Guuldaradii Chelsea ee 3-0 ee ka soo gaartay Juventus kulankii ugu danbeeyay ee wareega Group-yada ayaa waxa ay keentay in Roberto Di Matteo uu ku waayo shaqadiisa, inkastoo bishii May ee sannadkan uu kooxda ku hogaamiyay hanshada Champions League ka dib markii la ceyriyay Andre Villas-Boas.
Ninkii lagu bedalay Di Matteo, Rafa Benitez ayaa isna durbaba cadaadis ku hoos jira. Waxa uusan soo dhaweyn ka helin taageerayaasha kooxda, ilaa iyo haatana guul lama uusan gaarin kooxda seddex kulan oo horyaalka ah oo uu qabtay oo ay ku jirto guuldaradii 3-1 ee isbuucaan ka soo gaartay West Ham.
Hadii Blues ay ka harto Champions League caawa, waxa ay u badan tahay inaysan noqon doonin qalad uu sameeyay Benitez, inkastoo mustaqbalkiisa kooxda ay mugdi sii gelin karto.
Iyagoo 7 dhibcood ka heysta group-kaan, islamarkaana rikoorka waji ka waji ka liita kooxda Juventus, Chelsea ayaa u gudbi karta wareega xiga waa hadii ay ka badiyaan Nordsjaelland iyo Juve oo sagaal dhibcood leh ay guuldarro ka soo gaarto Shakhtar oo 10 dhibcood leh.
Waxaana dhabarjab Chelsea ugu sii filan iyadoo aan la fileynin inay caawa ciyaari doonaan kabtanka Chelsea John Terry iyo ciyaaryahanka khadka dhexe Frank Lampard kuwaasoo tababarka ku soo laabtay.
Juventus ayaa dhanka kale u jiheysaneysa Ukraine iyagoo isbuucaan 3-0 kaga badiyay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Torino horyaalka Serie A.
Juventus ayaa ka warqabta in barbaro ay la gasho Shakhtar xitaa inay ugu filnaan doonto inay u gudubto wareega xigta ee 16ka taasoo ka dhigi doonta Chelsea kooxdii ugu horeysay ee difaacaneysa Champions League ee ku harta wareega group-yada.
Kooxda reer Ukraine ayaanse lagu garaacin garoonkeeda Donbass Arena tan iyo June 24keedii waxaana ay rikoor 100% ku heystaan garoonkooda xilli ciyaareedkan Champions League.
Group-yada kale, GROUP F Bayern Munich iyo Valencia ayaa mar hore sii xaqiijistay u gudbintaankooda wareega xiga ee 16ka ee Champions League, laakiin waxa ay caawa u ciyaari doonaan kooxdii ku soo bixi laheyd kaalinta koowaad ee Group-ka.
Bayern Munich waxa ay martigelinaysaaa caawa kooxda BATE Borisov oo rajo weyn ka leh inay xaqiijisato booskeeda Europa League.
Halka Valencia ay marti u tahay kooxda Lille oo ugu hooseysa group-kaan.
GROUP G, Barcelona ayaa goor hore sii xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee group-ka, laakiin kooxdii soo labeyn laheyd ayaa caawa la go’aansan doonaa.
Benfica iyo Celtic ayaa leh min 7 dhibcood, Benfica waxa ay caawa marti u tahay Barcelona oo aan ciyaaryahano badan ka soo tagin, islamarkaana Lionel Messi ku soo dartay kooxdeeda si ay fursad ugu siiyaan inuu caawa jabiyo rikoorka Gerd Muller ee goolasha ugu badan hal sanno.
Celtic ayaa iyadana waxa ay garoonkeeda ku soo dhaweyn doontaa kooxda ugu hooseysa Group-kaan ee Spartak Moskva.
Ugu danbeyn GROUP H, Manchester United ayaa goor hore sii xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta 1aad ee group-kaan, waxaana sida Group G oo kale la isku heystaa caawa kooxdii soo labeyn laheyd.
Galatasaray iyo Cluj ayaa wada leh min 7 dhibcood, waxaana Cluj ay caawa marti u tahay Manchester United oo la filayo inay ciyaaryahano badan fariisiyaan madaama ay isha ku hayaan kulanka isbuuca soo socda ay Etihad Stadium kula leeyihiin Manchester City.
Galatasaray waxa ay marti u tahay caawa kooxda group-ka ugu hooseysa ee reer Portugal Braga. Kooxda Turkiga ayaana rikoorka kulamada waji ka wajiga ah ka fiican kooxda ay kaalinta labaad ee group-ka isku heystaan ee Cluj.
webmaster@mogadishujournal.com




/>






Mogadishu Time





