(mjournal):Afar iyo toban xubnood oo ka tirsanaa xulka kubada cagta Eritrea ayaa ku dhuuntay Uganda intii ay ka qeybgalayeen koobka bariga iyo bartamaha Afrika, waxaana laga yaabaa inay magangelyo weydiistaan Uganda.

Xulka ayaa ka qeyb qaadanayay koobka Cecafa waxaana kulankoodii ugu danbeeyay 2-0 kaga badisay Rwanda, inkastoo haatan mustaqbalkooda ka qeyb qaadashada koobkaan uu mugdi ku jiro ka dib markii tiro badan oo xulkooda ka mid ah la waayay.

Rodgers Mulindwa, oo ah afhayeen u hadlay xiriirka kubada cagta Uganda ee loo yaqaano FUFA ayaa sheegaya in ciyaartoyda dhuuntay inaan la arkin tan iyo talaadadii islamarkaana talaabadooda ay tahay mid laga qoomameeyo.

“Waa run qaar ka mid ah ciyaartoyda Eritrea ayaa dhuuntay. Lama arag tan iyo subaxnimadii shalay, waana nasiibdarro” ayuu u sheegay Reuters.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ciyaartoy ka socota Eritrea ay dhuuntaan iyagoo ku ciyaaraya wadamo kale, iyadoo 13 ciyaaryahan ay magangelyo weydiisteen Tanzania 2011dii, halka 12 kale ay ku dhuunteen Kenya 2009kii.

webmaster@mogadishujournal.com

Email this page
Social Share Toolbar