(mjournal):Tababaraha kooxda Real Madrid Jose Mourinho ayaa sheegtay in qofkii ku guuleysan lahaa abaalmarinta Fifa Ballon d’Or la sii go’aansaday, iyadoo warar la isla dhexmarayo uu ku sheegay in madaxda kubada cagta inay u olaleynayaan Lionel Messi.
Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa ugu cadcad haatan inuu ku guuleysto abaalmarinta markii afaraad oo isku xigta, isagoo sannadkan kula tartamaya xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo saaxiibkiisa Barcelona Andres Iniesta.
Markii la weydiiyay fursada uu Ronaldo u heysto inuu ku guuleysto abaalmarinta ka dib markii ay 4-1 kaga badiyeen Champions League xalayto Ajax, Mourinho ayaa ku jawaabay:
“Ballon d’Or cidii la siin lahaa waa la sii go’aansaday.
“Marka madaxda kubada cagta ay hadlayaan islamarkaana ay olaleynayaan, ma jirto wax aad sameyn karto” ayuu yiri Jose Mourinho.
Todobada bisha Janaayo ee sannadka cusub ayaa xaflad ka dhici doonta looga dhawaaqi doonaa laacibka sannadka adduunka, oo ay u codeeyaan kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaranka adduunka.
webmaster@mogadishujournal.com








Mogadishu Time





