(mjournal):Kooxda PSG ayaa kaalinta koowaad ee Group A ku dhameysatay ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen kooxda kaalinta labaad ku dhameysatay ee FC Porto.

Kooxda martida loo yahay ee Paris Saint Germain ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 29aad markii laad xor ah oo uu soo tuuray Maxwell uu madaxa la helay kabtanka PSG Thiago Silva kaasoo dabamariyay goolhaye Helton.

Hogaanka PSG ayaa waaray kaliya seddex daqiiqo ka dib markii Danilo uu kubad karoos qatar ah ka keenay dhanka midig waxaana madaxa shabaqa kula geliyay Martinez oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 62aad ayaa ciyaaryahan Levazzi uu hogaanka ku soo celiyay PSG markii goolhayaha Porto Helton ay ka fakatay kubad joog hoose oo uu soo tuuray xiddiga reer Argentina.

Waxaana natiijadan ay ka dhigeysaa in Paris Saint-Germain  inay ku dhameysatay hogaanka Group A iyagoo leh 15 dhibcood, halka Porto ay ku dhameysatay kaalinta labaad iyagoo leh 13 dhibcood.

Kulanka kale ee Group-kaan ee dhexmari lahaa kooxaha Dynamo Kiev oo mar hore xaqiijisatay booskeeda Europa League iyo kooxda aan dhibcaha laheyd ee Dinamo Zagreb ayaa dib dhac uu soo wajahay ka dib baraf xoogan oo da’dayay, laakiin ciyaarta waa ay socotaa haatan.

webmaster@mogadishujournal.com

Email this page
Social Share Toolbar