(mjournal):Kooxda Schalke ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group B ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la galeen Montpelleir, iyadoo kooxda kaalinta labaad ku dhameystay Arsenal ay guuldarro 2-1 ka soo gaartay Olympiakos.
Haddiii aan ku hormarno kulankii Gariiga ka dhacay kooxda martida aheyd ee Arsenal ayaa gool hogaanka ciyaarta ku qabatay daqiiqadii 38aad ee ciyaarta ka dib Rosicky uu kubad ka helay Gervinho islamarkaana shabaqa dhex dhigay.
Olympiakos ayaana goolka barbaraha heshay daqiiqadii 64aad markii ay ka faa’ideysteen qalad uu sameeyay Ramsey, waxaana goolka u dhaliyay kooxda gariiga ciyaaryahan Maniatis.
Olympiakos ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 73aad markii Mitroglou uu gool qurux badan u dhaliyay kooxda Gariiga, waana goolkiisii 4aad ee lix kulan uu ciyaaray Champions League xilli ciyaareedkan.
Natiijadan ayaana ka dhigeysa in Arsenal ay ku dhameysato kaalinta labaad ee Group B iyagoo leh 10 dhibcood, halka kooxda Schalke ay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-kaan waxaana ay leedahay 12 dhibcood.
Kooxda Schalke oo qeybtii hore barbaro goolal la’aan ah ay ku kala nasteen iyaga iyo Montpellier ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 50aad markii gool sahlan uu shabaqa ku hubsaday Howedes.
Laakiin hogaankooda ma uusan waarin daqiiqado kooxda Montpellier ayaana goolka barbaraha dhalisay daqiiqadii 59aad iyadoo uu u saxiixay Herrera.
Olympiakos waxa ay ku dhameysteen kaalinta seddexaad waxaana ay ka qeybgalayaan koobka Europa League. Halka kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Montpellier ay daaqada ka baxday.
webmaster@mogadishujournal.com




/>






Mogadishu Time





