(mjournal):Kooxda Ajax Amsderdam ayaa ku soo baxday kaalinta 3aad ee Group D islamarkaana xaqiijisatay booskeeda Europa League inkastoo guuldarro 4-1 ah ay ka soo gaartay Real Madrid, balse Manchester City oo booskaas rajo ka qabtay ayaa iyagana guuldarro 1-0 ah ay ka soo gaartay Borussia Dortmund.

Real Madrid ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 13aad ka dib markii Benzema uu kubad u dhigay Ronaldo kaasoo isna shabaqa ku hubsaday kubada.

Cristiano Ronaldo ayaa kul biiray Lionel Messi rikoor goolasha ugu badan ee hal sanno la dhaliyay Uefa Champions League. Labada ciyaaryahan ayaa sannadkan 2012 waxa ay dhaliyeen min 13 gool.

Real Madrid ayaa dhabarjab waxaa ku noqday dhaawac ka soo gaaray daafaca reer Portugal Fabio Contrao kaasoo garoonka ka baxay daqiiqadii 22aad ee ciyaarta.

Los Blancos ayaana hogaanka ciyaarta sii dheereysatay daqiiqadii 28aad markii Luka Modric uu kubad u dhex bixiyay Jose Callejon kaasoo isaga shabaqa dhex dhigay kubada.

Real Madrid ayaana halkeeda ka sii wadatay goolasha qeybtii labaad ee ciyaarta markii daqiiqadii 49aad ee uu kubad qatar ah shabaqa dhex dhigay Ricardo Kaka, kaasoo goolka ka soo toogtay meel 20 mitir u jirta.

Kooxda Ajax ayaa saacad markii ay socotay ciyaarta soo ceshatay hal gool oo uu u saxiixay ciyaaryahan Boerrigter.

Laakiin waxaa ciyaarta hurdo u diray oo Real Madrid goolka afaraad u dhaliyay ciyaaryahan Callejon oo dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta, kana dhigay ciyaarta 4-1.

Inkastoo Ajax ay guuldarro xoog leh soo gaartay hadana iyada ay ku dhameysatay booska seddexaad ee Group D iyagoo leh 4 dhibcood.

Halka Manchester City ay daaqada ka baxday iyagoo leh kaliya seddex dhibcood islamarkaana wareegaan group-yada aan wax guul ah dhadhamin marna.

Kulankii kale ee Manchester City iyo Dortmund ku dhexmaray Jarmalka, waxaa kooxda heysata horyaalka Jarmalka hogaanka u dhiibay Schieber daqiiqadii 57aad ee ciyaarta.

Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingariis ah ee ku hartay wareega groupyada Champions League iyadoo aan badinin xitaa hal kulan.

Group-kaan ayaa waxaa goor hore kaalinta koowaad ku soo baxday Borussia Dortmund oo ku dhameysatay iyadoo leh 14 dhibcood, halka Real Madrid ay ku dhameysatay kaalinta labaad waxaana ay leeyihiin 11 dhibcood.

webmaster@mogadishujournal.com

Email this page
Social Share Toolbar