War goor dhow naga soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in uu dab xoogan ka kacay xerada Barakacayaasha Boqolka Buush ee Magaalada Boosaaso.

Mid ka mid ah Dadka Magaalada Boosaaso oo goor dhow aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dabka la bakhtiiyay , hase ahaatee uu baabi’iyay Guryo badan oo ay lahaayeen Barakacayaasha ku sugan Boqolka Buush.

Dadka  barakacayaasha ayaa caawo banaanka xerada ku hoyanaya, waxaana guryahooda inta badan ay noqdeen kuwa basbeelay.

Ma aha marki ugu horeysay ee dab uu ka kaco xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Magaalada Boosaaso,iyadoo inta badan uu khasaaro u geysto dadka ku dhaqan Xerooyinka Barakacayaasha ee Magaaladaasi Boosaaso.

 

Kala Soco Dabkaas Qasaaraha Uugeeysto WWW.MOGADISHUJOURNAL.COM

WEBMASTER@MOGADISHUJOURNAL.COM

Email this page
Social Share Toolbar