Taliye ku geeriyooday Israsaaseyn ka dhacday Muqdisho
Mjournal :-Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa isku rasaaseeyey daljirka Daahsoon,waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Israsaaseynta ayaa u dhaxeysay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya iyo Boolis waxaana labadda dhinacba soo gaaray waxyeelo.
Maxamed Saleebaan oo ahaa taliyaha ciidamada Turkiga tababareen ee Xerada Nanaca degan iyo mid ka mid ah Ilaaladiisa ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen israsaaseynta oo socotay Muddo daqiiqo ah.
Maxamed ayaa Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho ugu geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Israsaaseynta labada dhinac.
Isku dhacyadda Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa kusoo laablaabtay Muqdisho Sanadyadii ugu dambeeyay mana jirto tilaabo hadda ay ka qaateen dowladda Soomaaliya in la xoojiyo.