Rag hubeysan oo caawa dil ka geystay duleedka Muqdisho
Mjournal :-Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan halka loo yaqaano Tabeelaha Sheekh Ibraahim, koox hubeysan ayaa waxa ay fiidnimadii caawa halkaasi ku dileen nin ilaalo ka ahaa geerish gaadiidka lagu xareeyo.
Rag hubeysan ayaa ninkan oo xilligaasi ku sugnaa geersihka rasaas la dhacday, intaasi kadib ayay goobjoogayaal sheegeen inay goobta ka baxsadeen dableyda dilka geysatay oo ilaa hadda aanan la garaneyn cida ay ka tirsan yihiin.
Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan ninka la dilay geersihka uu ilaalada ka hayay in maalmahan ay isku heysteen laba reer oo midba dhankiisa uu sheeganayay inuu dhulkaasi leeyahay.
Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna soo qaadeen meydka marxuumka la dilay, baaritaan ay ciidamadu sameeyeen lama soo sheegin cid lagu soo qabtay.