Farmaajo oo goor dhaw u anbabaxay dalka Saudi Arabia
Mjournal :Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku wajahan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Riyadh, waxaana ay horudhac u yihiin Wafdiga Madaxweynaha oo lagu wado inay berri ka dhoofaan Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta oo loogu gogol xaarayo shirka Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu magaalada Riyadh kula kulmo Madaxda qaar ka mid Jaamacadda Carabta.
Wararka qaar ayaa sheegaya inta uu Madaxweynaha ku sugan yahay Riyadh uu dhici doono kulan dowladda Sacuudiga ku dooneyso inay ku dhex dhexaadiso Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo xiriirkooda heerkii ugu hooseeyay gaaray.
Dowladda Soomaaliya ayaa bil ka hor dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Jaamacadda Carabta, shirkii Wasiirada Arrimaha Dibadda ay ku yeesheen magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyadoo xilligaas Sacuudiga uu ka dalbaday in arrinta uu dhex dhexaadin ka galo.