Maxamed Bin Salman ayaa sheegay in Wahhabiisamka uu ahaa Codsi ka yimid Reer Galbeedka
Mjournal :-Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman ayaa u sheegay wargeys ka soo baxo dalka Mareeykanka ee layiraahdo Washington Post mar uu booqasho kujoogay wadankaas.
Maxamed Bin Salman ayaa sheegay in wadamada reer Galbeedka ay weydiisteen Sacuudiga inay ka caawiyaan si ay u helaan ciidamo Muslimiin ah oo ka hortago quwaddii weyneyd oo uu lahaa Wadnkii la oran jiray Sofiyeetiga ee kala go,ay 1990 waqtigaas uu socday dagaalkii Qaboobaa ee u dhaxeeyey Nato iyo Warso.
Maxamed Bin Salman, mar uu lahadlaayey wargeyskaas ayaa sheegay in Reer Galbeedka ku booriyeen inay Sacuudiga maalgeliyaan Wahhaabiisamka iyo inay dhisaan Masaajidyo iyo dugsiyo wax lagu barto wadamada Islaamka xiligii dagaalkii Qaboobaa si looga hortago in Sofiyeetia uu Wadamada Islaamka lug kuyeesho, Maxamed Bin Salman dhaxalsugaha Sacuudiga oo intaas ku daray inay taasi ay sababtay inay lumiyeen olalihii wahaabiisamka.