Xukun lagu riday dhalinyaradii kufsiga ka geysatay Goldogob
Mjournal :-Waxaa maanta degmada Gal-dogob kadhacay xukun lagu ridey dhalinyaro dhowaan kufsaday gabar, iyadoona ay goobta ku sugnaayeen mas’uuliyiin kala duwan, culimo iyo dad ehel ah.
Xukunka ayaa waxaa riday Guddiga Culumada iyo Madaxda Maamulka Puntland ee halkaa ku sugan ay si wada jir ah ugu dhawaqeen Xukunka 6 dhalinyaro ah oo lagu helay in ay miyga Deegaankaasi ay ku kufsadeen Labo gabdhood.
Shirwac Jaamac Juunle 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah.
Yaasir Maahir 8 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah,
Yaxye Cabdulaahi Awkax 6 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah.
Ayaale Wale 7 Sano iyo 100 Jeedal.
Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal