Cutubkii ugu horeeyay ciidammo ilaalinaya xarumaha UN-ka oo gaaray Muqdisho

2611035 04/22/2015 Su-25 attack aircraft at Kubinka air base during preparations for the air show as part of the military parade marking the 70th anniversary of victory in the Great Patriotic War. Vladimir Astapkovich/RIA Novosti
Mjournal : — Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaaray oo ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Airport diyaarad siday qeybtii ugu horeysay ciidamo ka socda dowlada Uganda oo hoos tagaya xafiiska QM ee Soomaaliya.
Ciidamada maanta gaaray magaalada Muqdisho ayaa tiradooda lagu sheegay illaa 71 askari ayaa waxay qeyb ka yihiin illlaa 400 oo askari oo xiran doona koofiyada buluuga ah ee QM kuwaasoo qeybahooda kale maalmaha soo socda la soo dhameystirayo.
Ciidamada Uganda oo QM hoos tagi doona ayaa ku shaqeyn doona sharciyada ciidamada nabad illaalinta waxaana ay shaqadoodu noqon doontaa xoojinta amaanka xarumaha iyo shaqaalaha QM ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay dalbatay QM ka dib markii Al-shabaab ay weerar culus ku soo qaadeen xarumaha UNka ee Muqdisho xarunta madaxtooyada Somalia iyo xarunta sirdoonka dowlada kuwasoo walaac ku abuuray howlwadeenada QM ee ku sugan Muqdisho.