Burcad badeed Soomaali ah oo laga qafiifiyay xukun 20 sano ah oo horay loogu riday
Mjournal : — Maxkamada sare ee magaalad Boosaaso ayaa hoos u dhigtay ama qafiifisay xukun xariga ah oo ay horay ugu riday 11 qof ruux oo ku eedeysnaa burcad badeednimo, kadib markii ay horay maxkamadu ugu riday xukun xarig ah oo dhan 20 sano, laakiin hadda laga dhigay 5 sano.
Garsooraha maxkamada magaalada Mombasa ayaa sheegay in raggan dambiga lagu helay inuu yahay weerar inay ku qaadeen markab marayay badda Hindiya sannadkii 2009-ka, waxayna xiranyihiin muddo saddex sano ah taasoo ka dhigaysa xukunkii hore ee labaatanka sano ahaa mid daran.
11 ruux ee laga qafiifiyay xukunka xariga ah ah ayaa kala ah :: Axmed Cabdiqaadir Xirsi, Cbdiraxiim Salaad Rooble, Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Cabdullaahi, Maxamuud Jaamac, Cabdi Daahir Axmed, Axmed Macallim Cumar, Axmed Xassan cadow, Axmed Maxamed Cisman, Abshir Axmed Xassan iyo Cumar Ibraahim Jimcaale.
Waxaa ay ku eedeysnaayeen ama raggan loo heystay in ay ka danbeeyeen weerar lagu qaday markabka lagu magacaabo MV FNS Nivose taariikhdu markay ahayd May 3, 2009.
Xaakimka go’aankan danbe gaar ayaa sheegay in xukunnada uu ku riday garsoorihii hore ahaayeen kuwo culus oo uusan tixgalin in raggaani ay tahay markii ugu horraysay oo ay dambi galaan.
Waxaana uu amar ku bixiyay in 11 ruux marka ay soo dhameystaan xabiga dhan shanta sano dib xoriyadooda loo siiyo laguna celiyo dalka Soomaaliy.
Burcad badeed Soomaaliya ayaa ku dhibaateysan xabsiyo kala duwan oo ku yaala caalam-ka, waxaana markii ugu horeysay oo sida oo kale maxkamad go’aan ay ka gaartay rag burcad badeed Soomaali ah ay ka laabto, iyada oo ka qafiifineysa xukunkii hore.
webmaster@mogadishujournal.com