Wasiirrka arrimaha dibada oo ka warbixisay socdaal ay ku tagtay dalka China” Sawirro”
Mjournal : — Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maalmihii ugu danbeeyayba socdaal shaqo ku joogay dalka China ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.
Marwo Fowsiyo oo wafdiga la socday oo markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dowladaha Soomaaliya iyo China uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah oo soo taxnaa muddo 1000 sano ah , iyadoo Soomaaliya ay uga horeysay wadamada bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la sameeya China.
”Waxaa la xasuusan yahay doorkii ay Soomaaliya ku laheyd ka mid noqoshadii gollaha ammaanka dowladda China, ,una codeysay China si ay u hesho xubinimada joogtada ee golaha amniga .Wasiirrka arrimaha dibada iyo wafdiga la socday oo siweyn looga soo dhaweeyay magaalada ganacsiga ah ee Shanghai,gobolka Inner Mongolia iyo caasimadda China , ayaa waxa ay mudadii halkaasi ay joogtay ay la kala kulantay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare kuxigeenka China Wang Yang , Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ee dalkaas.
”Wasaaradeydu waxa ay ku howlan tahay, kalana hadashay dowlaha ay ku xiran yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed , sida Maldives , Seychelles , Kenya , Ethiopia, Yemen , Libya ,India iyo wadamo kale ,si loo siiyo xuquuqdooda sharci , lana suura-geliyo siideysmadooda, waxaa naga go’aan ah ilaalinta sumcadda iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool”.ayeey tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.
Ugu danbeytii waxaa ay sheegtay in dowladda China u ballan-qaaday dowladda Soomaaliya dib-u-dhiska kaabayaasha bulshada, gaar ahaan waxaa ay soo hadal qaaday dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Burco.
webmaster@mogadishujournal.com