Dowladda Turkiga oo 77-mashiinada dhismaha u soo dirtay Muqdisho |
|
Dowladda Turkiga ayaa u soo dirtay shalay oo khamiis aheyd 77-mashiino oo nooca waaweyn ah iyo gawaari loo adeegsado dhismaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Qalabkan oo loogu talo galay mashaariicda dib-u-dhiska ee uu r/wasaaraha Turkugu Mr. Erdogan balanqaaday booqashadiisii Muqdisho sanadkii hore ayaa laga soo dhoofiyay dekedda weyn ee magaalada Mersin ee dalka Turkiga. Sidoo kale qalabkan dib-u-dhiska Muqdisho loo adeegsan doono ayaa waxaa la socda 2,000 tonnes oo sokor ah iyo 2,000 tonnes oo bur ah. Hay`adda bisha cas ee Turkiga oo qalabkan soo wada ayaa horay u shaacisay in ay soo afjartay howshii gar-gaarka abaaraha xoogeeda, iminkana ay galeyso tan dib-u-dhiska caasimadda Muqdisho. Turkiga ayaa dib u dhis ku sameysaya wadooyinka qaar ee Muqdisho iyo xarumaha dowladda. Xafiiska Wararka Mogadishujournal.com W/D Abdirahman mahamoud ali |




/>

Dowladda Turkiga oo 77-mashiinada dhismaha u soo dirtay Muqdisho




Mogadishu Time





